RASUULKA DIIDOW DULLOW
HADDAAD DOONTANA DILAAC!!
Rasuulkii
suubanaayoow*
Sayidkaan wada jecleynoow
Alla salaan wacan naga gudoomeey
Salaan wacan naga gudoomeey
Rasuul Eebow waxaad tahay Misbaax dunida ifkeeda qariyey,
waxaad tahay Naxariis dunidan loo soo diray, waxaad
tahay midaan nasab iyo sifo midna lagu gaareyn. Rasuul
Eebow maalintaad dhalatay, maalinkii lagu boqray,
maalinkaad samaawaadka aaday iyo maalintaad
guuleysatayba horaa loo sii sheegay. Waxaad ku taal
kutubta da’da weyn ee maanta Hinduugu uu haysto, waa
lagugu amaanay, waa lagu sugayey, waad soo daahirtay
nasiib xume wayse ku baal mareen.
Saacadii dhalashadaadi*
Ayaa sanamyaduba daateenoo
Sirtii Sheydaanka laga xirayee
Salaan wacan naga gudoomeey
Waxaa
ku xardhan kutubta Veda ee Hinduuga in Kalki Autar uu
yahay Rasuulka ugu danbeeya Rususha Eebe, adduunkoo
dhana loo soo diray. Wuxuu Adoonkani ku dhalan doonaa
dhul ka durugsan Hindiya oo la yiraahdo Jasiiratul Carab.
Aabihii waxaa la yiraahdaa Vishnu Bhagat, Hooyadiina
Somanib. Kutubkan oo ku qoran afkii qadiimka ahaa ee
Sanskrit ayaa Vishnu Bhagat ay la micne tahay Abdullahi
ama Adoonkii Eebe, Somanib-na ay la micne tahay Nabad
ama ammaan (Amina), Kalki Autar-na wuxuu la micne yahay
Rasuul la soo diray. Kitaabka kale ee Bhavishya Purana
ayaa isagu Rasuulka ku sheegaya magaciisa Mohamed (scw)
iyo inuu ku hadli doono af qalaad, dhulka Carabtana ka
soo bixi doono, Akhlaaq wacnaanta ayuu dad kaga tegey,
cadowgiisana wuu ka guuleysan doonaa, wuxuu isku
daahirin doonaa biyaha webiga Gangis buu yidhi. Dadka
raacaa way is gudi doonaan, gadhkana way sii deyn
doonaan, timaha dheerna dib kama xiri doonaan, wuxuu ugu
yeedhi doonaa dadka Ilaah keliya in la caabudo, Aadaan
ayay isugu yeedhi doonaan salaada, wax walboo loo
xalaaleeyana way cuni doonaan waxaan ka ahayn Doofaarka,
sida Hindida masaakiinta isku daahirisa cawska noqon
maayaanee wixii ka horyimaada Diintooda surkaa maqan,
magacoodana waxaa la odhan doonaa Muslimiin.
Kitaabkaas oo warkiisa sii wata ayaa Aayada 21-23 ku
yidhi: “ Dil, dhac iyo boob ayaa todobada magaala ee
barakeysan ee Kashi ku yaal ka batay. Hindiya waxaa
degan Qabiilada Rakshas, Shabor, Bhil iyo kuwa kaloo aan
xoolaha waxba dhaamin. Dhulka ay degan yihiin Malechhas
ee dadkiisu ay aaminsan yihiin Malechha dharma(Islam)
waa dad xikmad badan oo geesiyaal ah. Wixii wanaagsanba
waxaa laga helaa dadka la yiraahdo Musalmaans, dadkanina
waxay xukumi doonaan Hindiya iyo Jasiiradaheeda oo dhan.
Intaasoo dhan markaad aragto Warhooy Muni-ow, Eebahaa
weynee oo cibaadeyso!
Halkan laguma soo koobi karo Kitaabkaas keliya waxa ku
qoran. Kuwa kale ee la midka ahna kaba daran. Sida
Kitaabka la yiraahdo Atharvaveda oo isagu u badan Heeso
iyo Amaan. Waxaa ka buuxa Micraajkii Nebiga,
Asxaabtiisii 10-ka loogu bishaareeyey Janada iyo 10, 000
ee Maka furan doona. Waxaa ku yaala magaca Bakkah iyo
cadawgii ka soo horjeeday oo ahaa dadkii Makkah deganaa
oo uu Kitaabku ku qiyaasay 60, 090 iyo 20-kii
boqor(Kaaba qabiil) ee ka talinayey Makkah. Kutubta kale
ee lagu xusay Rasuulka (scw) waxaa ka mid ah Rigveda iyo
Samveda.
Khalqiga kii u khey rsamaayow*
Dhamaan diimuhu sifeeyeenow
Rasuul Aakhiru samaanow
Salaan wacan naga gudoomeey
Kitaabkii Zabuur ayaa in
badan lagu xusay Rasuulka. Zabuur wuxuu u badnaa Eebe
amaan iyo qasiidooyin ay dhegeysan jireen dad iyo
duunyaba. Waxaa bog walba kaaga soo baxaya sifooyinka
wanaagsan ee uu Suubanuhu leeyahay, Guusha uu heli doono,
Magaalada Bakkah(Makkah) iyo sida ay ummadiisu uga dul
qaylin doonaan buuraha iyagoo Eebe Weyne xusaya-Labeeg
Allahuma labeeg! Labeeg Laa shariika laka labeeg!
Towraad ayaa isna Rasuulka lagu xusay inuu soo bixi
doono. Aad buu Nebi Muuse(cs) uga sii dardaarmay
ummadiisana ugu sharxay Nebiga Aakhiru samanka soo bixi
doona. Iyadoo cid waliba taa ka dheregsan tahay ayaan
waxaan ka soo qaadaneynaa oo keliya sheekadii ay ka
sheekeysay Xaaskiisii sharafta badnayd ee Safiya Bintu
Xuyey Ibnu Akhtub. Safiya waxay ahayd Yuhuudiyad uu
dhalay nin Laandheere ah oo Kaaba Qabiil u ahaa
Qabiilooyinka Banu Nadir. Waxaan ahaa bay tidhi Gabadh
yar oo qurux badan oo ay Aabaheed iyo Adeerkeed ay aad u
jecel yihiin cid kalena aysan la hadlin haddiiba ay
guriga yimaadaan ilaa ay aniga ila koodaan. Markii uu
Suubanuhu yimid Madiina ayay labadoodu u tageen inay soo
arkaan, maysan soo laaban ilaa gabal dhicii ayay tidhi.
Markaan arkay baan la yaabay dhibaatada iyo murugada ka
muuqata iyagoo caga jiidaya, markaasaan u qoslay oo aan
sidii caadada ahayd ka filay inay I cayaarsiiyaan oo I
qaadqaadaan. Waxaanse la yaabay sida aysan cidiba iigu
jeedin ee ay labadoodu u murmayaan. Waxay igu noqotay
wax la yaab leh oo aan horey iisoo marin. Adeerkey Abu
Yasir ayaan maqlay isagoo Aabahay weydiinaya su’aalahan:
Abu
Yasir: “Ma nebigii la sheegayey ee la sugayey ayuu ahaa?”
Aabahay: “ Haahey, waa isagii”! Adeerkey: “ Ma
naga hubtaa? Calaamadihiisii wax ma ka aragtay?
Aabahay: “ Aahey, aad iyo aad baan u aqaanaa. Aad baan u
arkay wixii laga sheegayey” Adeerkey: “ Haddaba maxaad
sameynasaa? Maxaad ka leedahay arrinkan? Aabahay:
“ Cadaawad baan u hayaa. Cadaawad baan u hayaa inta aan
noolahay”! Waxaa xaqiiqa ah in calaamadahan uu
arkay Safiya aabaheed ay ahaayeen kuwii uu ku islaamay
Ninkii Yuhuuda ugu cilmiga badnaa shiikhoodana ahaa ee
la odhan jirey Abdullah ibn Salam iyo Kacab Al-Ahbar.
Labadan caalimba waxay xaqiijin jireen sheekooyinka ku
qoran Towraad ee uu Abdullahi Ibn Camr soo tebin jirey.
Kutubka Injiilna warkiisaba daa oo Magaca Rasuulka iyo
abtirkiisa, Inuu Ummi yahay, in Jibriil u imanayo, In
Akhri la odhan doono, Isna wax ma akhriyo ugu jawaabayo,
Biyaha zamzamka iyo buuraha Paran, In Micraajka loo
dheelmin doono, In Sanam caabudku dhamaan doono iyo
inaan Rasuul kale ka danbeyn ayaa ka buuxa.
Suubanow Xabiibka Allow*
Raxmadii Saatir soo dirayow
Dhamaan saameysay dunidoo
Salaan wacan naga gudoomeey
Rasuulka intaas oo Kutub iyo kuwa kale oo aan anigu
garaneyn lagu xusay ayaa ilaa qarnigii 13-aad marba
sidii la doona loo sawiraa, loo cayaa, loo xumeeyaa, loo
masabidaa. Qarnigani waa Qarnigii Islaamku xoogiisii uu
Jabay. Waa Qarnigii laga soo xaaqay Isbeyn iyo Yurub,
Waa Qarnigii ilaa Hindiya iyo Afrikaba lagu jebiyey, Waa
Qarnigii Dalweynaha Mareykanka lagu gumaaday Malaayiin
Muslimiin ah oo aanu u naqaan Cali Beysteen. Waa
Qarnigii Malaayiin Muslimiin ah badaha laga talaabiyey
oo la mariyey ciqaabtii iyo bahdilkii dunida ugu darnaa.
Waa Qarni la bilaabay siyaasadii ugu sirta badneyd
dunida iyo sidii uusan Islaam danbe xoog u yeelan lahayn.
Waa Qarni la qorsheeyey in Muslmimiinta dunida loo
daabaco Buugaag ay ka buuxaan cayda Nebiga, Diinta iyo
Ilbaxnimadii Muslimiinta. Waa Qarni shida badan lahaa oo
ilaa maanta na daba socda!. Ilaa iyo 70-kii dhowaa ayaa
carruurta aanu dibada u dirsan jirnay la soo bari jirey
in Suubanuhu uu sifooyin xunxun lahaa: Waali, Qalal,
Suuxe, Iska hadle, Riyoode, Quraafaadle, Sixiroole,
Dhiigyacab iwm. Waxaa ay Macallimiinta Ferenjiga
ahi
ay carruurteena ku horcaayi jireen Rasuulkooda iyagoon
ka hadli karin ama odhan karin Rasuulka sida u dhaama.
Ilaa maanta Buugaagta laga dhigo dunida oo dhan ayaa
waxaa ka maqan Siirada Rasuulka, Ilbaxnimadii Islaamka,
Saynisyahanadii Islaamka iyo Halyeeyadii Dunida Islaamka.
Waxaase ka buuxa kuwa Ferenjiga sida Nabilyoon, Hitler,
Churchil, Kolombos, Darwin, Diigool, Bell, Newton,
Dante, Notradamus, Shakespeare iwm. Waxaa naloo soo
daabacay Buugaagtoodii oo aan biyo la marin. Marka
Ferenjigu carruurtooda uu barayo si aad u tifatiran ayuu
ugu sheegaa inay dunidan ugu sareeyaan, iyagu yihiin
kuwii loo abuuray inay hantaan, lana dagaalamaan cidii
ku qabsata, in dadka soo hadhay ay yihiin waxshi u
dhaqma sida xayawaanka ayna muhiim tahay in la tababaro
si ay dad u noqdaan oo u fahmaan sharciyadayada iyo
ilbaxnimadayada. Waxay kaloo ka dhaadhiciyaan cadowgooda
iyo sida uu u egyahay iyagoo baraya dhaqankiisa,
diintiisa, afkiisa iyo meelaha uu ka nugul yahay.
Bureeqada kii la saaroo*
Habeen loo dheelmay samadoo
Salaadaha noola yimidoo
Salaan wacan naga gudoomeey
Haddaba cayda Suubanaha iyo aflagaadada loo geysanayo
maaha wax haatan biloowday ee waxaan anigu u arkaa inay
tahay fahan cusub oo Dunida Islaamku fahmayaan in
haadaan laga tuuray oo ay haatan salaankii u horeeyey ay
soo fuuleen. Aflagaada tii ugu xumeyd oo weliba sawir
wadata ayaa waxaa sameeyey nin la odhan jirey Dante
Alighieri. Durante (Dante) wuxuu ku dhashay Magaalada
Florence sanadkii 1265. Markuu soo barbaaray ayuu wuxuu
aad u akhristay Buug uu nin Islaam ahaa oo Reer Isbeyn
ahaa oo la oran jirey Ibn Alcarabi uu ka qoray
Dheelmidii Rasuulka(csw) iyo Micraajkii 20 sano ka hor
intii uusan dhalan Dante. Wuxuu aad uga helay wixii ku
qornaa iyo sida wanaagsan ee looga sheekeeyey Dunida
naga qarsoon ee aynaan cilmiga u lahayn. Kadib, wuxuu
bilaabay inuu alifo majaajilo iyo buugaag uu u bixiyey
Divina Commedia (The Devine Comedy) isagoo mala awaalaya
samooyinkii, Jaranjaradii, Naartii iyo Janadii uu ka
akhristay Kitaabkii Ibn Carabi uu qoray. Wuxuu ka
sheekeeyey dadka lagu hurinayo Naarta oo uu sawiro fool
xun ka sawiray. Waxaa halkaa uu kula hadlayaa Suubanaha
iyo Cali oo uu sawiray isagoo ku jeesjeesaya oo uu wax
aad u fool xun oo tilmaamo ah uu ka bixinayo. Labada
muuqaal ee foosha xun ee sida cadaawada ku jirta uu u
taswiiray Faajirkani ayaa waxaa ku dul qoran Suubanaha
Magaciisa iyo Seyidinaa Cali. Ma doonayo inaan halkan ku
soo qoro wixii ku qornaa xumaanta ay leeyihiin, waxaanan
aaminsanahay in aan horey loo qorin odhaahyo qof lagu
tilmaamayo oo ka fool xun kuwa ninkani qoray, sawiro ka
fool xuna kuwuu sawiray aan horey loo taswiirin. Magacii
ba’ Dante isagaa maanta Naarta uu sheegayo calooshiisa
iyo xiirmihiisu ku hurayaan cid u shafeecdana uusan
haysan!
Waxaa
ka sii fool xun waxan uu qoray Dante oo dharbaaxo aanu
saljugle ula dhacnay ah markii Jaamacadaheena iyo
Iskooladeena iyo kuwa dunidaba lagu dhigo Riwaayadii
Dante iyo kuwii Shakespeare-ba iyadoo la barayo ardaygii
qaadanaya Suugaanta Qadiimka ah. Waxaa iyana xusid mudan
in la sheego in Dunida Islaamka badankeed aysan raacin
wixii uu Suubanuhu la yimid. Waxaad arkaysaa iyagoo ka
doortay warkiisii war kale ama wixii uu yidhi sameeya
aan sameyneyn wixii uu yidhi iska daayana aanan ka
hadhayn. Waxaa badan dadka Islaamka ah ee haddana
Islaamka kale laaya, kufsada, dila, dhaca, u diida
xoriyadooda, u diida diintooda, caaya Rasuulka iyo
Ilaahay, Magacya xunxun ku sheega Suubanaha. Maxaanu ku
sheegi karnaa kuwan? Sow taswiir xun kamay bixin
Suubanaha iyo wixii uu la yimid?
Sadriga kii loo sargooyoo*
Malaa’igi ay sifeeyeenoo
Saxar iinle kaga tiginee
Salaan wacan naga gudoomeey
Suubanuhu wuxuu tolan jirey kabahiisa, dharkiisa,
Gurigiisa wuu dhisi jirey, Beerta wuu fali jirey,
Maryaha wuu kaban jirey. Haddaba qofka aan raacin
sunadiisaas maxaanu ku tilmaameynaa. Qofkii raaca ee ku
dhaqma ee lagu dhibo, lagu caayo, lagu takooro ama lagu
quudhsado sow la mid maaha isagoo Suubanaihii caayey.
Haddiiba uu Midgaanku ama Tumaalku bir tumo ama kabaha
sameeyo, Jareerku beerta falo ama guriga dhiso, Reer
Xamarku dharka tolo ama kabo maxaa loo caayayaa haddiiba
intaas iyo in kabadan uu Suubanuhu sameyn jirey? Sow
sawir xun lagama bixin Suubanihii sharafta badnaa?
Saliga Nebigeena wacanee*
Sadriga nuurkiisa weeyoo
Sed iyo Riixaantii weeyoo
Salaan wacan naga gudoomeey
Adaa
sinji sare ka soo jeedoo
Adaa Eebahay ku saxayoo
Adaan sife lagugu gaareynee
Salaan wacan naga gudoomeey
Weligiiba Faarax ha iska hadlo!
*Qasiidadan waxay qayb ka tahay
Nebi Amaan dheer oo uu curiyey Prof-Sufi Abshir Aw-Yusuf
(Abshir Fisigis)
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
|
|
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa
iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama
masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
|
|