HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

quudhsiga ma diidnaa.


intii ka horeysya soo bixidii,diinta islaamka iyo rasuulka (scw), carabtu waxay ahayd dad aad u dhaqano xun xun,wax kasta oo markaasi la oran karo waa xun yahayna waxay ahaayen kuwo leh,oo intiina wax akhrida waad ogtihiin,sida bugaagtu u tiraabto ugana sheekayso dhaqamadii
waagaasi ka jiray carabiya.waxay ahayeen kuwo ku dagaalami jiray arimo  yar yar,dagaladaasi oo socon jiray qarniyo.hablaha ayaa nolosha lagu aasi jiray,faanka,iyo ku faanida duriyada iyo qabiilka
qofku ka soo jeedo ayaa lagu haybad socon jiray.

 

arimaha ugu darnaa ee badanana ka kaci jirtay shiqaaqooyinkii dhex mari jiray carabtuna waxay ahayd,bahasha qabyaalada lagu sheego,maxaa yeelay qaybo ka mid ah ayaa isku haystay in ay yihiin,
dad qabiil ahaan, aftahan ahaan,geesinimo ahaan,xushmo ahaan,maal ahaan, iwm kaga horeeya qolooyinka kale,sida daradeed waxay ku dadaali jireen in ay darajadooda ilaaliyaan,waxayna ku dadaali jireen in lagu xushmeeyo  darajadaasi ay gadheen.

 

 

hase ahaate waxaasi oo dhan waxa soo afjaray soo bixidii diinta islaamka, iyo soo diridii rasuulka (scw),iyo soo dajintii kitaabka ilahay muddo kadibna markii rasuulku ugu baaqay dadka inay so galaan diinta islaamka ee badi la islaamay,kitaabkii ilahayna la qaatay waxay isu badaleen dadkii
dad wanaag kasta laga helo,oo kheyr oo dhani ag yaalo. diinta islaamkuna waxay walaaleysay dadkii sidaasi ahaa, oo xitaa dumarkii isu furay,wada qaybsadayna waxay maal hayeen. waxaana meesha ka bilaabmay jacayl la isu qabo,taasi oo lagu kasbaday  ku toosnaanta dadku ku toosnaadeen dariiqadii rasuulku (scw) u dajiyey sidaasi ayaana la inaga raba in aynu u dhaqano,waayo diinteena ayaa sidaasi ah.

 

 


bal haddaba maanta  eeg ta taagan,waxa jirta in badi dadkii kitaabkii ilahay ka tageen
tana waa ta inagu keentay,iska hor iyo dabo wareegan,waxaynanu yeelanay dhaqamo la mid ah
kuwii jiray waagi casri jaahilaga carabta,tusaale arintaa cadeynayana  waxa ka mid ah, dadkii oo raba in ay yasaan,ama iska fogeeyaan ummad ka mid ah dadka islaamka ah ,sida dadkan minorityga lagu sheego ee cadaalad darada lagu hayo.

 

 

xagga diinta haddaan ka eegno arintan ah in dadka la takooro, amase la quudhsado
ama lagu sheego waxeyna aheyn waxaan soo qaadan karnaa,ayaadan quraanka ah.

       "Qabsada xadhiga eebe (islaamka) dhamaantiin hana kala tagina,xusana nimacada eebe ee korkiina ah,markaad col ahaydeen oos isu dumay quluubtiina ood noqoteen nicmada eebe darteed walaalo.---------------- "                                  (2:103)

 

haddaba dadka sida lagu yidhi waa inage,ma xidhaga ilahay ayaan inaga oo isku duuban wada qabsana,oo aan qolona la deyrineyn, mise dee waxan nidhaahnaa qolo kastaba gooni ha u baxdo oo ,marka hadday qabsaneyo iyadey jirta.

 

 


sidoo kale waxa jira xadiis rasuulku ku yidhi (scw) dadku ilahay iguma kala duwan casaanka,cadaanka,madowga,gaabnida,dhererka,iwm oo kuwaasi dee waa kuwii lagu cimro qadaneyey ee cadeynayey in uu ilahay yahay ka wax kasta abuuri kara,laakin waxa loogu kala duwan yahay KHEYR IYO SHAR ka aad shaqeysato,labadani oo ah kuwa midna uu ku geynayo janada,midna cadaabta.

 

 

marka ma sidasi ayaan u qaadana,mise waxaan dhahnaa dadku waxay ku kala duwan yihiin,isaaqa,
darood,hawiye,iyo inta kale oo lagu sheego minority iyo wax aan dhaamin,taasi ayaan ka dhigney
inagu qaacido hirgasha soo maaha.

 


bal cilmiyana aan u eegno masaladan.


horta bahasha qabyaalada la yidhaahdaa waxay ka gashay ummadeenan somaliyeed dhinac guracan,waana ta tushushkan inagu furtay waayo inagaa u ayidnay in qabyaaladu sidani ay maanta tahay  ahaato,haddii imika la yidhaahdo,tuulo meel heblaayo, wax baa ka dhacay laakiin waxaasi uu yahay mid leh sansaan dagaal,waxa xabka ah in dadka ka soo jeeda qabiilooyinkaasi ay gurmad u diri karan ka kooban noocyo badan sida dad,hub,dhaqaale, cuqaal iwm. hase ahaate haddii la yidhaahdo itoobiya ayaa masaajidkii ku yaalay degmadii  ee dadkuba eeganayey u gubtay si qasab ah,waxa suura gal ah in aan xitaa la soo hadal qaadinba,gurmad la diro iska dhaafe.

 

waxa la yidhi ninbaa beri diinta ilahay cayey ilahay inagama dhigo kuwo caaye,marka marku cayey ayuu wuxu raaciyey nin magaciis  oo wuxu ugu dhawaaqay sida diinta maxaygiisa,marka mid meesha joogay mala  ayaa intuu soo booday yidhi waar diinta uu cayey gartaye muxu hebelna u cayey. halka waxa lagala soo bixi karaa in diinta u cayey ninkasi,ay kala weyneyd  ninka reerkooda ah ee uu ku soo daray meesha,oo uu laha maxaa u geyey. "sidaasi ayey inoo gashay bahashu ilahay ha inaga daaweeye"

 


haddaan halka kaga gudbo habka qabyaaladu u gashay soomalida oo aan waxyar ka idhaahdo bal habka qabyaaladu calamka kale uga shaqayso si aan isku bar bar dhigno,waxaan oran karaa, sida maantaba laga wada  warqabo, qabyaalada ka jirta aduunka intiisa badan waa mid la isku  kooxaysto si diiniyan ah.calamku wuxu u kala qaybsan yahay,qaybo islaam ah,qaar kiristaan ah,qaar yuhuuda,qaar diimo kale haysta iwm,waxana wax la iskugu taraa oo la isku caawiyaa si diiniyan ah,la iskuguna soo gurmadaa.

 


markaa ummada soomalidu waa qoomiyad duudsiisay micnihii iyo qeexida dhabta ahaa ee qabyaalada,waxayna ula kaceen,meelo kale oo cawaj ah, sida is heyb sooc,maamuus,
reero,jilibo,sharaf lagu galado,sumcad iyo geesinimo cidi leh oo la amaano reerkooda
lana jeclaado,intii awood leh oo laga baqo,isbahaysi,isgarabsi,isxiglaysi,degaano,gobollo,
tulooyin,xaafado.baho baho,jifo jifo iwm halkaasi uun kasii wad,arintana waa ta iridaha
u furtay in la yaso oo magacyo loo bixiyo cidii laga waayo astamihii ay ku qeexdeen iyagu
qabyaalad.dhibatadana maanta waxay haysataa sida walalaheena la quudhsado oo dhan.

 


maanta waxaynu ognahay in dadyow ka mid ah ummada islaamka ah,sidoo kalena ah qoomiyad somaliyeed la yaso,lana cuna qabateeyo oo lagu sheego wax ayna aheyn, waxa kale oo aan ognahay in laga curyamiyey sidii ay nolosha uga qeyb qadan la hayeen, ee ay kaga muuqan lahayeen,haday ahaato dhinaca maamul,ganacsi,in laga guursado,soco uun adigu waxaad dareemi kartaa in cidhiidhi badan lagu hayo.marka gumeysigan,iyo cadaalad daradan sidee looga samato saari karaa ummadani.4.5 wax lagu qaybsadeyna maaha mid cadaalad ku dhisan.ee waa dulmi maxaa yeelay waa qorshe  nina arintiisa saraysiinaya nina jiritaankiisa iyo wixiisaba ku sheegay .5 oo ah in ayna dhameystirneyn ama aysan  haysan awood.

 

cadaadiskii lagula kacay dadka walalahen ah ee minority-ga loo baxshay kadib markuu xawli
u faafay,ee cunaqabateyn dhaqan,dhaqaale,dawladeed ay la kulmeen.waxay iridaha u furtay
in beesha calamku soo dhawayso gaar ahaan reer galbeedkii,dadyowgan dhiban.waxase dhibaato ah walaalkaagi muslimka ahaa oo adiga ka wayey magangalyo,qadarin,xushmeyn,iwm.gaal xuna ka helay. u fiirso badi dadkan yurub iyo america jooga,waxay ku galeen in ay yihiin dadka minority-ga ah  ee ku yasan dalkoodi hooyo,sidoo kale dadkan safaaradaha itoobiya,kenya iyo qaybo ka mid ah asia dul tubani si loo qaado waxa qaybo ka mid ahi sheeganayaan in ay yihiin dadka la yaso si loo qaado. hase ahaate markuu london galo ayuun buu qabiilkiisi caadiga ahaa jeebada kala soo baxaya.

 

 

shirar ayaa la qabtaa had iyo jeer ujeedada ka danbeysa tahay in la isla meel dhigo xuquuqdii ay la hayeen dadka walalaheen ah ee raarta laga tuurayo,waxana la isku dayaa in dadka laga dhaadhiciyo dariiqooyinkii lagu tirtiri lahaa arxan daradan,iyo dulmigani. hase ahaate waa qaar fashil badani haysto,maxaa yeelay cadaaladi,sinaantii,iyo horumarkii ay raadceynayeen ayeyna si hufan u gorfeyneyn.masalan s/land waa lagaga hadlaa caqabadan haddana arinkeedu waa qawda maqashii oo waxba ha u qaban oo kale.waayo haddii in un dadkan lala rabo wax,   waxa loo magacaabi lahaa boos weyn oo dhinaca dawlada ah,ileen waatan dhamaan dadka kale ee dega mandaqadu ka wada dhex dhalalayaan maamulka dalke.

Shirarka aynu qabanaa

Daacad kuma qorsheysnee

Wuxuu qariyey dooniyow

Qalbi iyo af kala jira

Allow yaa ina qala-oo

Qasnadeena daawada

Waxa quudhsi yuurura

GABAY
Qayla dhaan ha dhiirado Quudhsiguna ha baaba’o! -sangub.


sidee lagu joojin karaa dhibaatadan.

1.ugu horeyn waa in mujtamacu noqdaa kuwo ka cabsanaya ilahii abuuray, una diyaar ah in ay qaataan kuna dhaqmaan wixii ilahay u sheegay oo kaliya.tani ayaana ah mid qudh ee dadka kala dagaalami karta in ay ka fara baxaan xumaan oo dhan.


2. waa in dhamaan dawladu ka soo saarto qaraar lagu mamnuucayo
in layaso dadka amase la quudhsado,waa in lagu dadaalo cadaalada,oo
xukunka loo qeybiyaa si sinaan ah oo aan qaar daaqada laga tuurin.

2.waa in abwaanadu gaar ahaan inta waa weyn ee maamuska iyo magaca ku leh
bulshadu kaga qeyb qaatan arintan gabayo, dadka wax loogu sheegaayo
si loo joojiyo dulmigan lagu hayo walaalaheen,sidoo kalena waa in
abwaanadan cusubi isku hawlaan arintani.


3.waa in wadaada diintu dadka aad uga wacdiyaan,in ay ku kacaan falal noocani ah
had iyo jeerna waa in dadka lagu booriya sidii ay uga fara bixi lahayeen in ay
yaasaan dadka.


4.waa in la soo diyaariyaa doodo khuseeya arintani si la isugu dayo in laga jaahil
saaro dadka aaminsan khuraafadkan la buun,buuniyey.

5.waa in odey dhaqameedyada iyo cuqaasha beeluhu isu tagaan go,aanana laga soo sara
la xidhiidha in aan la heyb soocin dadkan walalaheeyn ah.

6.waa in dhalinyarta ka soo jeeda qabilaadan la heyb soocayo, iyo dhalinyartan kale
ee reeraha kale loo qabtaa kulano,la isku baro, ay isku dhexgalaan.afkaartoodana isku
weydaarsadaan.

7.waxa jira inamo iyo hablo ka soo jeeda dadkan walaalaheyn ah ee la heyb soocayo,
hase ahaate,cuqdad nafsi ka qaaday yasidan lagu hayo, tani awgeedna u sheegta qabiilo
kale, marka kooxahaasina waxan oran lahaa, col horti ha jabine.dhaha we are proud to be
so, and so.


8.waa in la helaa dad u heelan in ay ka guursadaan qabiladaasi,waana in la dhiiri galiya
cid kasta oo rabta in ay ku kacdo hawshaasi.

9.waa in la isku daya in la qoro bugaag badan,oo la xidhiidha dhacdooyinkan heyb sooca ah
iyo sooyaalkii tariikheed,wakhtiga waxani bilaabmay iwm,si dadku u akhristo ugana faaido aqoon
da,yarta soo kaceysana ula tisqaado fikradaha casriyeysan ee hadda la hayo.


waxan jecelahay in aan isugu soo minguuriyo nuxurkayga oo ah  waa ta kowaade , iska dhowr oo ka fogow inaad noqoto kuwa dadka yasa,ama quudhsada. ama aaminsan waxaasi oo ka cabso ilahii ku abuuray,oo u ogsonow in walaalkaga  kula mid ahi uu yahay shakhsi u baahan in uu helo waxaad rabto oo kale,haddii aanad diyaar u aheyn in lagu yaso ama lagu deyriyo,ha lagu soo dhaweeye walaalkayow adna soo dhawee  dadka islaamka ah,oo ogsonow xadiiskii arbiciinka ku jiray ee ahaa "qofku muslim dhaba maaha ilaa u la jeclaado walaalkii wuxu naftiisa la jecel yahay" markaa iska dhowr in aad adna mansabka reerkiina ku faanto,ku kala mid ahna aad kiisa waxba yahay ka soo qaado.


ta labaadna waxay tahay walaalahayga la heyb socow horta anigu shakhsi ahaan waxaan ahay
nin isaaq ah,laakin la iguma oran hadaad isaaq tahay janada ayaad daaro waa weyn ku leedahay,
amase la iguma oran qabiilka isaaq waa ka janada ugu badan,laakiin waxa la igu yidhi ruuxi
u soo shaqeysta ee ilahay rumeeya,rasuulka rumeeya  kitaabka iyo diinta ku dhaqma ee laga nabad galo afkiisa,gacantiisa iwm.ayaa  janada dhaxlaya ,markaa waxan ku leeyahay horta waxaan ku dhaama maba jirtaba,laba shakhsi oo siman ayeynanu nahay,markaa sidaa ula soco.walaalkayow.

 

xasuusin.

tariikh kooban oo ku saabsan habka uu u curtay dulmigan lagula kacay
dadka walaalaheen ah,waxaad ka heli kartaa,cajalada siinleyda ee uu duubay
yuusuf shaacir,inta aanu sharaxin gabay dulmanaha la quudhsaday ee uu ugu hiilinayo
dadkan walaalaheen ah.



 

abdifataah mahamed ahmed.

ceelaabe_10@hotmail.com

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com