quudhsiga ma diidnaa.
intii ka horeysya soo bixidii,diinta islaamka iyo rasuulka (scw), carabtu
waxay ahayd dad aad u dhaqano xun xun,wax kasta oo markaasi la oran karo
waa xun yahayna waxay ahaayen kuwo leh,oo intiina wax akhrida waad
ogtihiin,sida bugaagtu u tiraabto ugana sheekayso dhaqamadii
waagaasi ka jiray carabiya.waxay ahayeen kuwo ku dagaalami jiray arimo
yar yar,dagaladaasi oo socon jiray qarniyo.hablaha ayaa nolosha lagu aasi
jiray,faanka,iyo ku faanida duriyada iyo qabiilka
qofku ka soo jeedo ayaa lagu haybad socon jiray.
arimaha ugu darnaa ee badanana ka kaci jirtay shiqaaqooyinkii dhex mari
jiray carabtuna waxay ahayd,bahasha qabyaalada lagu sheego,maxaa yeelay
qaybo ka mid ah ayaa isku haystay in ay yihiin,
dad qabiil ahaan, aftahan ahaan,geesinimo ahaan,xushmo ahaan,maal ahaan,
iwm kaga horeeya qolooyinka kale,sida daradeed waxay ku dadaali jireen in
ay darajadooda ilaaliyaan,waxayna ku dadaali jireen in lagu xushmeeyo
darajadaasi ay gadheen.
hase ahaate waxaasi oo dhan waxa soo afjaray soo bixidii diinta
islaamka, iyo soo diridii rasuulka (scw),iyo soo dajintii kitaabka ilahay
muddo kadibna markii rasuulku ugu baaqay dadka inay so galaan diinta
islaamka ee badi la islaamay,kitaabkii ilahayna la qaatay waxay isu
badaleen dadkii
dad wanaag kasta laga helo,oo kheyr oo dhani ag yaalo. diinta islaamkuna
waxay walaaleysay dadkii sidaasi ahaa, oo xitaa dumarkii isu furay,wada
qaybsadayna waxay maal hayeen. waxaana meesha ka bilaabmay jacayl la isu
qabo,taasi oo lagu kasbaday ku toosnaanta dadku ku toosnaadeen dariiqadii
rasuulku (scw) u dajiyey sidaasi ayaana la inaga raba in aynu u
dhaqano,waayo diinteena ayaa sidaasi ah.
bal haddaba maanta eeg ta taagan,waxa jirta in badi dadkii kitaabkii
ilahay ka tageen
tana waa ta inagu keentay,iska hor iyo dabo wareegan,waxaynanu yeelanay
dhaqamo la mid ah
kuwii jiray waagi casri jaahilaga carabta,tusaale arintaa cadeynayana waxa
ka mid ah, dadkii oo raba in ay yasaan,ama iska fogeeyaan ummad ka mid ah
dadka islaamka ah ,sida dadkan minorityga lagu sheego ee cadaalad darada
lagu hayo.
xagga diinta haddaan ka eegno arintan ah in dadka la takooro,
amase la quudhsado
ama lagu sheego waxeyna aheyn waxaan soo qaadan karnaa,ayaadan quraanka
ah.
"Qabsada xadhiga eebe (islaamka) dhamaantiin hana kala
tagina,xusana nimacada eebe ee korkiina ah,markaad col ahaydeen oos isu
dumay quluubtiina ood noqoteen nicmada eebe darteed walaalo.----------------
" (2:103)
haddaba dadka sida lagu yidhi waa inage,ma xidhaga ilahay ayaan inaga
oo isku duuban wada qabsana,oo aan qolona la deyrineyn, mise dee waxan
nidhaahnaa qolo kastaba gooni ha u baxdo oo ,marka hadday qabsaneyo iyadey
jirta.
sidoo kale waxa jira xadiis rasuulku ku yidhi (scw) dadku ilahay iguma
kala duwan casaanka,cadaanka,madowga,gaabnida,dhererka,iwm oo kuwaasi dee
waa kuwii lagu cimro qadaneyey ee cadeynayey in uu ilahay yahay ka wax
kasta abuuri kara,laakin waxa loogu kala duwan yahay KHEYR IYO SHAR ka aad
shaqeysato,labadani oo ah kuwa midna uu ku geynayo janada,midna cadaabta.
marka ma sidasi ayaan u qaadana,mise waxaan dhahnaa dadku waxay ku kala
duwan yihiin,isaaqa,
darood,hawiye,iyo inta kale oo lagu sheego minority iyo wax aan
dhaamin,taasi ayaan ka dhigney
inagu qaacido hirgasha soo maaha.
bal cilmiyana aan u eegno masaladan.
horta bahasha qabyaalada la yidhaahdaa waxay ka gashay ummadeenan
somaliyeed dhinac guracan,waana ta tushushkan inagu furtay waayo inagaa u
ayidnay in qabyaaladu sidani ay maanta tahay ahaato,haddii imika la
yidhaahdo,tuulo meel heblaayo, wax baa ka dhacay laakiin waxaasi uu yahay
mid leh sansaan dagaal,waxa xabka ah in dadka ka soo jeeda
qabiilooyinkaasi ay gurmad u diri karan ka kooban noocyo badan sida
dad,hub,dhaqaale, cuqaal iwm. hase ahaate haddii la yidhaahdo itoobiya
ayaa masaajidkii ku yaalay degmadii ee dadkuba eeganayey u gubtay si
qasab ah,waxa suura gal ah in aan xitaa la soo hadal qaadinba,gurmad la
diro iska dhaafe.
waxa la yidhi ninbaa beri diinta ilahay cayey ilahay inagama
dhigo kuwo caaye,marka marku cayey ayuu wuxu raaciyey nin magaciis oo
wuxu ugu dhawaaqay sida diinta maxaygiisa,marka mid meesha joogay mala
ayaa intuu soo booday yidhi waar diinta uu cayey gartaye muxu hebelna u
cayey. halka waxa lagala soo bixi karaa in diinta u cayey ninkasi,ay kala
weyneyd ninka reerkooda ah ee uu ku soo daray meesha,oo uu laha maxaa u
geyey. "sidaasi ayey inoo gashay bahashu ilahay ha inaga daaweeye"
haddaan halka kaga gudbo habka qabyaaladu u gashay soomalida oo aan waxyar
ka idhaahdo bal habka qabyaaladu calamka kale uga shaqayso si aan isku bar
bar dhigno,waxaan oran karaa, sida maantaba laga wada warqabo, qabyaalada
ka jirta aduunka intiisa badan waa mid la isku kooxaysto si diiniyan
ah.calamku wuxu u kala qaybsan yahay,qaybo islaam ah,qaar kiristaan
ah,qaar yuhuuda,qaar diimo kale haysta iwm,waxana wax la iskugu taraa oo
la isku caawiyaa si diiniyan ah,la iskuguna soo gurmadaa.
markaa ummada soomalidu waa qoomiyad duudsiisay micnihii iyo qeexida
dhabta ahaa ee qabyaalada,waxayna ula kaceen,meelo kale oo cawaj ah, sida
is heyb sooc,maamuus,
reero,jilibo,sharaf lagu galado,sumcad iyo geesinimo cidi leh oo la amaano
reerkooda
lana jeclaado,intii awood leh oo laga
baqo,isbahaysi,isgarabsi,isxiglaysi,degaano,gobollo,
tulooyin,xaafado.baho baho,jifo jifo iwm halkaasi uun kasii wad,arintana
waa ta iridaha
u furtay in la yaso oo magacyo loo bixiyo cidii laga waayo astamihii ay ku
qeexdeen iyagu
qabyaalad.dhibatadana maanta waxay haysataa sida walalaheena la quudhsado
oo dhan.
maanta waxaynu ognahay in dadyow ka mid ah ummada islaamka ah,sidoo kalena
ah qoomiyad somaliyeed la yaso,lana cuna qabateeyo oo lagu sheego wax ayna
aheyn, waxa kale oo aan ognahay in laga curyamiyey sidii ay nolosha uga
qeyb qadan la hayeen, ee ay kaga muuqan lahayeen,haday ahaato dhinaca
maamul,ganacsi,in laga guursado,soco uun adigu waxaad dareemi kartaa in
cidhiidhi badan lagu hayo.marka gumeysigan,iyo cadaalad daradan sidee
looga samato saari karaa ummadani.4.5 wax lagu qaybsadeyna maaha mid
cadaalad ku dhisan.ee waa dulmi maxaa yeelay waa qorshe nina arintiisa
saraysiinaya nina jiritaankiisa iyo wixiisaba ku sheegay .5 oo ah in ayna
dhameystirneyn ama aysan haysan awood.
cadaadiskii lagula kacay dadka walalahen ah ee minority-ga loo baxshay
kadib markuu xawli
u faafay,ee cunaqabateyn dhaqan,dhaqaale,dawladeed ay la kulmeen.waxay
iridaha u furtay
in beesha calamku soo dhawayso gaar ahaan reer galbeedkii,dadyowgan
dhiban.waxase dhibaato ah walaalkaagi muslimka ahaa oo adiga ka wayey
magangalyo,qadarin,xushmeyn,iwm.gaal xuna ka helay. u fiirso badi dadkan
yurub iyo america jooga,waxay ku galeen in ay yihiin dadka minority-ga ah
ee ku yasan dalkoodi hooyo,sidoo kale dadkan safaaradaha itoobiya,kenya
iyo qaybo ka mid ah asia dul tubani si loo qaado waxa qaybo ka mid ahi
sheeganayaan in ay yihiin dadka la yaso si loo qaado. hase ahaate markuu
london galo ayuun buu qabiilkiisi caadiga ahaa jeebada kala soo baxaya.
shirar ayaa la qabtaa had iyo jeer ujeedada ka danbeysa tahay in la
isla meel dhigo xuquuqdii ay la hayeen dadka walalaheen ah ee raarta laga
tuurayo,waxana la isku dayaa in dadka laga dhaadhiciyo dariiqooyinkii lagu
tirtiri lahaa arxan daradan,iyo dulmigani. hase ahaate waa qaar fashil
badani haysto,maxaa yeelay cadaaladi,sinaantii,iyo horumarkii ay
raadceynayeen ayeyna si hufan u gorfeyneyn.masalan s/land waa lagaga
hadlaa caqabadan haddana arinkeedu waa qawda maqashii oo waxba ha u qaban
oo kale.waayo haddii in un dadkan lala rabo wax, waxa loo magacaabi
lahaa boos weyn oo dhinaca dawlada ah,ileen waatan dhamaan dadka kale ee
dega mandaqadu ka wada dhex dhalalayaan maamulka dalke.
Shirarka aynu qabanaa
Daacad kuma qorsheysnee
Wuxuu qariyey dooniyow
Qalbi iyo af kala jira
Allow yaa ina qala-oo
Qasnadeena daawada
Waxa quudhsi yuurura
GABAY
Qayla dhaan ha dhiirado Quudhsiguna ha baaba’o! -sangub.
sidee lagu joojin karaa dhibaatadan.
1.ugu horeyn waa in mujtamacu noqdaa kuwo ka cabsanaya ilahii abuuray,
una diyaar ah in ay qaataan kuna dhaqmaan wixii ilahay u sheegay oo
kaliya.tani ayaana ah mid qudh ee dadka kala dagaalami karta in ay ka fara
baxaan xumaan oo dhan.
2. waa in dhamaan dawladu ka soo saarto qaraar lagu mamnuucayo
in layaso dadka amase la quudhsado,waa in lagu dadaalo cadaalada,oo
xukunka loo qeybiyaa si sinaan ah oo aan qaar daaqada laga tuurin.
2.waa in abwaanadu gaar ahaan inta waa weyn ee maamuska iyo magaca ku
leh
bulshadu kaga qeyb qaatan arintan gabayo, dadka wax loogu sheegaayo
si loo joojiyo dulmigan lagu hayo walaalaheen,sidoo kalena waa in
abwaanadan cusubi isku hawlaan arintani.
3.waa in wadaada diintu dadka aad uga wacdiyaan,in ay ku kacaan falal
noocani ah
had iyo jeerna waa in dadka lagu booriya sidii ay uga fara bixi lahayeen
in ay
yaasaan dadka.
4.waa in la soo diyaariyaa doodo khuseeya arintani si la isugu dayo in
laga jaahil
saaro dadka aaminsan khuraafadkan la buun,buuniyey.
5.waa in odey dhaqameedyada iyo cuqaasha beeluhu isu tagaan go,aanana
laga soo sara
la xidhiidha in aan la heyb soocin dadkan walalaheeyn ah.
6.waa in dhalinyarta ka soo jeeda qabilaadan la heyb soocayo, iyo
dhalinyartan kale
ee reeraha kale loo qabtaa kulano,la isku baro, ay isku
dhexgalaan.afkaartoodana isku
weydaarsadaan.
7.waxa jira inamo iyo hablo ka soo jeeda dadkan walaalaheyn ah ee la
heyb soocayo,
hase ahaate,cuqdad nafsi ka qaaday yasidan lagu hayo, tani awgeedna u
sheegta qabiilo
kale, marka kooxahaasina waxan oran lahaa, col horti ha jabine.dhaha we
are proud to be
so, and so.
8.waa in la helaa dad u heelan in ay ka guursadaan qabiladaasi,waana in la
dhiiri galiya
cid kasta oo rabta in ay ku kacdo hawshaasi.
9.waa in la isku daya in la qoro bugaag badan,oo la xidhiidha
dhacdooyinkan heyb sooca ah
iyo sooyaalkii tariikheed,wakhtiga waxani bilaabmay iwm,si dadku u
akhristo ugana faaido aqoon
da,yarta soo kaceysana ula tisqaado fikradaha casriyeysan ee hadda la hayo.
waxan jecelahay in aan isugu soo minguuriyo nuxurkayga oo ah waa ta
kowaade , iska dhowr oo ka fogow inaad noqoto kuwa dadka yasa,ama
quudhsada. ama aaminsan waxaasi oo ka cabso ilahii ku abuuray,oo u ogsonow
in walaalkaga kula mid ahi uu yahay shakhsi u baahan in uu helo waxaad
rabto oo kale,haddii aanad diyaar u aheyn in lagu yaso ama lagu deyriyo,ha
lagu soo dhaweeye walaalkayow adna soo dhawee dadka islaamka ah,oo
ogsonow xadiiskii arbiciinka ku jiray ee ahaa "qofku muslim dhaba maaha
ilaa u la jeclaado walaalkii wuxu naftiisa la jecel yahay" markaa iska
dhowr in aad adna mansabka reerkiina ku faanto,ku kala mid ahna aad kiisa
waxba yahay ka soo qaado.
ta labaadna waxay tahay walaalahayga la heyb socow horta anigu shakhsi
ahaan waxaan ahay
nin isaaq ah,laakin la iguma oran hadaad isaaq tahay janada ayaad daaro
waa weyn ku leedahay,
amase la iguma oran qabiilka isaaq waa ka janada ugu badan,laakiin waxa la
igu yidhi ruuxi
u soo shaqeysta ee ilahay rumeeya,rasuulka rumeeya kitaabka iyo diinta ku
dhaqma ee laga nabad galo afkiisa,gacantiisa iwm.ayaa janada dhaxlaya ,markaa
waxan ku leeyahay horta waxaan ku dhaama maba jirtaba,laba shakhsi oo
siman ayeynanu nahay,markaa sidaa ula soco.walaalkayow.
xasuusin.
tariikh kooban oo ku saabsan habka uu u curtay dulmigan lagula kacay
dadka walaalaheen ah,waxaad ka heli kartaa,cajalada siinleyda ee uu duubay
yuusuf shaacir,inta aanu sharaxin gabay dulmanaha la quudhsaday ee uu ugu
hiilinayo
dadkan walaalaheen ah.