HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

qof xiran oo haddana xora !!!
 
marka laga soo bilaabo tan iyo wagii dagaalka  looga adkaaday boqorkii beesha gabooye ee (boqor baydare) kana talin jiray dhulka manta loo yaqaan (puntland) oo horay loo odhan jiray (bonland) waxaa bilaaw day in ummaddii looga adkaaday laga dhigay dad anan wax awooda ku dhex yeelan karin mushtamaca intiisa kale iyadoo caqli ahaana loo tusayo inuu xor yahay ,balse ay taasina  u sii dheer tahay shuruudo ay ka wada sinaa yeen inta kale ee anan ku ab tirsan magaca gabooye, shuruudaas oo tan ugu wayni ay tahay
in anan laga guursan loona guurin haweenka qabiilada ku bahoobay dagaalkaas,sababta oo ah guurku waa shayga kaliya ee ummaddi isku dhex geli karto si sahlan isla markaasna ay ku imaan karto is ixtiraam,xushmo,iyo qadarini,waxaa iyana taa wehelisa in laga ilaaliyo inay yeeshaan oday dhaqa meed yo keeni kara inaay noqdaan qabiilo meel loogu soo hagaago leh haddii ay yeeshaana laysku dayo sidii iyaga laysaga hor keeni lahaa halkaasna uu ku baabo'o balse loo ogolaado uun inaay hoos tagaan kuwa iyaga dhibtaas ku haya. 
 
Tan kale waa in la kala ilaaliyo inaay helaan degaan ay ku bahoobi karaan i suguna ururi karaan,sabab too ah iyana waxaay noqon  kartaa hab kale oo keeni kara aqoon si qabiil nimo iyo mid degaanba kaas oo la siman kan ay le yihiin qabiilada kale, taasina waxaay daliil cad u tahay ilaa iyo haddeer inaaynay jirin meel u gaara oo ku maga caaban, 
waxaayse arin tani daah fur u tahay in ummaddani ay tahay kuwo ananba is ogaan balse ay tahay ummadd silsiladi lugaha kaga xidhan tahay oo haddana u eg ummadd xora, tan kalena qoorta loogu xidhay boodh wayn oo ay ku qoran tahay hadba qabiilka ay la ka degan yihiin waa sidii loo kala qebsadaye ken tayna in awoodoodii lagu kala dhimyo'e,
 
Waxaa iyana murugo kale ah in ay nay iska soo sharixi karin dhamaanba degaanada ay ku nool yihiin ,balse food koodu yahay mid ninka ay la degan yihiin ku xisaab tamo,mar marna ay dhacdo in mid iyaga ka mida dhalan teed loo dhigo si niyada loogu dhiso loona tuso inuu xor yahay, waayo? haddiiba uu ku guulaysto foodka waxaa meesha ka baxaya wixii lagu ha yey waxaayna keeni kartaa inuu faraha kabaxo halkaana ku xoroobo taasina waxaay lid ku noqonaysaa qodobadii hore, waa su'aal akhriste tan iyo intii dagaalada so keeye ka dhaceen soomaaliya ma jiraa nin gabooye ah oo si xora oo doorasho ah ku soo galay ismaamul gobaleedyada somaliland,punt-land iyo maamuladdii loo sameeye soomaaliy ba? waa su'aal furan kaga soo jawaab webka dulmane ama Email kayga. 
 
Ugu dan bayntii ummadd kastaaba maalin bay xoroowdaa dha dhamisaana macaan keeda, danbi kastaana mar baa la cafiyaa,xujo kastaana marbaa la furaa,dhib kastaana xal baa loo helaa ,
hadaba gabooyow cid kale haka sugin inuu silsiladan kaa furo xalku gacma heena ayuu ku jiraa xadhigna gacan ayaa lagu furaa.
washington,
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com