HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Qisoo Dhaba Jacayl Baaxad Weyna Xambaarsan Dhexmartayna Wiil iyo Gabar Lagu Kala Magacaabo Siciid Warsame iyo Filsan Ciise Wardheere.. Halkey Ka Dhacday Qisadaan Seese U Dhacday

 
 
Qeybtii 2-aad
 
Saciid  Ayaa  sheekadii kubilaabey  Filsaneey intaan Dunidada  Kunolaa  Maanan Arag  Quf iisameeyaa  Arxanka  aad iisameysay  Walaale waxaan kuugu abaal gudana Magarnayo  Waxaan kuugu  abaalgudo  Filsan baa  Tire  ayadoo dhoolacadeynaysa  Waa  laysku leeyahay  In laisku gargaaro  .Saciid  baa  kujawaabey  Filsaneey  Ku iloobimaayo inta  aad dunida  Daafaheeda  kunooshahay  Mana  Lagayaabo  Saciid  oo Markastaa  Eegaayo Quruxada  iyo Hanaanka Filsan ilaaheyUsameeyey.
 

  Filasan Ayaa Tiri Walaal Saciid Aniga Mar waan Yabaa Mar waan Naxaa Mar na waan farxaa Saciid    oo  Yaabay Ayaa Yiri Walaal Maxaa  Keenay  noocyadaan  is bad badalkaa Filsan  oo  Hoos    u hadlaysa Ayaa Tiri Walaal Saciid Mar ka Aan Naxo   waa  Mar  ka Aan  soo   Xasuusto Falkii isbaarada aan  kala Kulanay Mar ka Aan  farxana  waa  mar  ka aan   soo  xasuusto  Bad baadadii adiga Iyo Adeer mar  waan yaabaa  oo    mar  ka aan    soo  xasuus to   qaab kaa   utaagnayd  is baarada   iyo sidaa   ula  Dhaqmaysay dad  ka Masaakiin ta  ee  Socotadaa,  

Saciid ayaa  Hadal kii  qaatay  oo  yiri Walaal Macaan Anigaba in taas  waan  kaala  Simana hay  Walow ay  isii  Dheertahay   Wal wal  iyo murugo gaara Akhristayaasha qiim aha iyo Qaayaha Lahow  in taas  kadib Ayaa  Waxa ay  filsan  iyo saciid uguda Galeen Sheeka  Gaara Sida Malagu qabaa Caruur maleedahay Walaal. 
 
Saciid Ayaa Yiri walaal  filsanay Anoo  kula Kaftamaaya Malagu qabaa Kolay  Quraxdaan  nin la,aan  Matihide Filsan Ayaa Qosol ooda Ka qaaday oo  muda Daqiiqadaa Qoslaysay    halka  uu  saciid na Qoslka  Dhiniciisa  Kawaday Filsan Ayaa  tiri walaal Nin aniga Malihi qurux Gaarana malihi  ee     Nin iraba Mahaysaa Aniga Nin waanba waa  yee Filsan Ayaa  Si kaftana Usii  raacisay Adigaan Saciidase  ma irabtaa Walaalow Anoo  kula kaftamaaya.
 
saciid Ayaa Yiri Igadaa igadaa Igadaa Filsan walaal Qurux    Adiga kaa maqan  halkee  loo  raadinaa Filsan Ayaa Tiri Mahad sanid madaama Aad  i amaantay walaal  saciid.

Filsan Ayaa Hadalkii  qaadatay  oo  Tiri Walaal Adiga waligaa Maguursatay mase Waa wali, saciid Ayaa Yiri Walaal Waligay Gabar Xariir Hoose   lama samayn  is kabadaa Guur Dumare Filsan Ayaa  Lasoo booday Why Why oo aad  gabar  xariir  ula Samey weyday filsan oo  sii  hadlaysa Ayaa Tiri Xataa Saciid   gabar  saaxiiba waligaa Mayeelan miyaa . saciid ayaa  hadal kii qaatay  oo  yiri Walaal Aniga Shaqadaydu  Waxa ay  ahayd   in aan  Dad  ka Dhaco Baarto Gabdhaha Ama Dumarkana Kufsado filsan Ayaa is taagtay Tiri saciid Bas Bas Naxariisa kaaba Dheer Maxaa  kugu  kalifay  Falal kaas Foosha xun miyaadan se ogayn in Gabar     kula dhalatay gabar  ku dhashay gabar kuu  dhaxi doonto ama aad  guursan doonto . 

Saciid Ayaa Yiri intaas Aad Sheegtay  iyo  in kabadanba Idaacadahaan kamaqlaa walaal marar ka qar laakiin  kuma Dhaqmo. Filsan Ayaa Tiri walaal Macaan Xaalkaagu maaha xaal  wanaagsan  ee     hada Kawaran hadii aad  towbad keento ama aad  Allhii  ku abuuray  usoo  Noqoto. saciid Ayaa  Yiri walaal Aniga waan  usoo  laabanayaa Allahii  i abuuray  igana bad baad Shay Dhaawacii  Foosha xumaa ee  isoo gaaray   Hadalkii  oo  halkaas  maraya Ayaa  waxaa Soo  is taagtay gabar shaqaalaaa  oo  lagu magacaabo Aamina gabadhii Ayaa  waxa Ay  Filsan iyo saciid ba si guud  ugu Sheegtay In Lajoogo waqtigii salaada Duhur qadadiina Loo  fadhiyo Balse Su aashu waa Saciid matukadaa Mase yaqaan sida loo tukado mase yaqaan     salaada  iyo sharuudaheeda.
  
Filsan  oo ahayd  inan   ku Wanaagsan Dhanka Diinta is laamka Ayaa Tiri Waa yahay Aamina Allahana Kaa Abaal marsho walaasheenay  Filsan Ayaa  is taagtay saciid Ayaa istaagay  isagoo Yaaban   is weydiinayana waxa  uu  sameeyo   Filsan ayaa weeso U Keentay Saciid In taas kadibna Filsan waxa Ay Gashay   Salaadii Balse Saciid Ayaa Waxa  uu  garan waayey  waxa  uu  sameeyo madaama  uusan daahir ahayn  xitaa   saciid ayaa  sitoosa   u aaday   Goob tii  qada  Halkaas  oo aan  kuwada sugnayn  aniga Cumar  iyo  Adeer C/Qaadir  Saciid Ayaa Mar  kii  uu  noo  yimid Si Guud  Noo  salaamay salaan kadibna qadadii Ayaa  lawada galay Daqiiqado kadibna qadadii ayaa  lagawada Kacay.
 
 
Saciid  iyo Aniga Ayaa  wada Sheekaysanay is Weydaarsanayna Su aalahaan Aniga Cumara Ayaa Hadalii Bilaabay  irina War saciid maanta oo Dhan Waxaa la ii Sheegay  in aad  wada Joog teen  Filsan   ee  Gabadha  Ma is  wareysateen Mase  is  fahan teen , saciid Ayaa Yiri Haa Saaxiib Cumarow Aniga iyo Filsan maanta waan is wareysanay Wax yaabo badan Ayaana  is ka wareysanay Aniga Ayaa iri saaxiib dadaal  oo Dhaqan kaaga Badal Aniga waan  idin katagayaa maal maha soo socda waayo Shaqo  iyo Arimo ayaa Iga Dhaca In taas   kadib Saciid Ayaa Yiri Maya Maya saaxiib naga tagi maysid  ilaa Iyo in tii Aan  is  ka Fahmayno Aniga Iyo Filsan iyo Adeer C/Qaadir. Waa yahay Ayaan   iri  .
 
 
In taas kadib Aniga Ayaa waxa aan    Siguud  ugu Sheegay Adeer    Filsan saciid   in aan  baxaayo  oo aan Kasoo laabanaayo Dagmada Afgooye  oo  Arimo  iiga  kala  Xayir  Naayeen Adeer Ayaan ii ogolaaday  balse   saciid  Ayaa  yiri saxaiib  aniga waan kuraacaa  waana kula so laabana Filsana waxa Ay  tiri Allow Allow  igu ma Ogid  In aan  wadadaas  ku laabto Saciida yaa  naxay  mar  kii  Hadal kaas  filsan tiri   balse  filsan ayaa garawsatay   garatayna  in saciid arin tu  salfanayso   war klii  oo  kooban Aniga    oo  qura Ayaa Dhaqaaqay saciidna waan  is  ka raabey Arimo  gaara oo    jira Awgood Sida Saciid  oo    dhaawacii  kasii muuqady    Ninman  kii Hoary  u dhaawacay   oo  lasii maraayo ayaan    ugataygay saciid  ANiga Cumara Ayaa saacado kadib  Gaaray degmada Afgooye mar ki Aan   tagay Xaafadayda oo aan Saacado joogay Ayaa  lagaaray waq tigii  Balantu Ahayd  in Aan soo Laabto.

Anigii Ayaa     laba kacleeyey  oo  is iri   halaaban  iyo laabo balse  kama danbayntii waan Laabtay waayo   Balan daro waa Diin daro Ayey somaalidu dhahdaa saacad kadib AYan waxa Aan soo gaaray xaafada BuuloXubey oo Ahayd halkii Filsan iyo Adeer C/qaadir  Daganaayeen Waxaan irida  ka kalay xaafadii  Waxaa  Albaabka iga Furtay Filsan  oo   salaan  igula soo booday iti Walala  Masoo laabatay Adoo nabada saan iri haa Walaal ee  Reer ku See  Yahay  Walaal waa nabad Ayey Tiri filsan iyadoona Sii raacisay Walala Waxaa   Saa ida oo  Kaliya hooyadey Macaan  ayaa timid Anigii AYa Farxay  oo  iri walaal  Goorma Filsan AYaa tiri Hal Saac oo kaliya Ayey kaa Soo Horaysay  Akhristayaasha Sharaftalahow aan  idin xasuusiyee      Filsan hooyadeed  Waxa Ay  jirta    oo ay  ka i maanaysay Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay Magaceeduna Waa Maryan.

 
 

Gurigii Ayaan Horay  ugalay Anigoona Utagay hooyo Maryan Hooyo maryan AYaa waxaa  is  kaayo bartay Filsan hooyo maryan Ayaa  iweydiisay dhawr Su aalood walow Ay Ahayd Su aashii  iigu   xanuun ka badnayd Yaatahay Ama Qolodaa laakiin Akhristayaal waan  uga Jawaabay hooyo Madaam Ay Ahayd qof Waa Yeela Laakiin Su aashaas Jawaab teeda Ma Soo bandhigi karo ee raali iga Ahaada. isbarasho kadib waxaa yimid waqtigii salaada Maqrib halkaas  oo salaadii aan  wada tukanay mar kii    laga reebo saciid   oo mar kaas  lawada ogaaday  in uusan tukan mar kii  uu  meel  gaara  is   ka fariis tay  Salaadii mar  ki aan  kabaxnay  rag iyo dumar ayaa    la sheekaystay   oo Hooyo maryan Ayaa tiri Nayaa Filsan  Saciid matukado miyaa filsan oo  wax   ay  kujawaab to aan  garanayn ayaa   tiri hooyo  waa  uu  tukadaa lakiin    salaadaan Maqrib   ayaa  umalaynayaa   in wax  si    kayihiin Hooyo Maryan Ayaa Tiri haa sax  lakaiin Hooyo u Sheeg salaadu  waa  lama huraan.

 

 
intaas kadib Filsan Ayaa  waxa Ay   Sheeko   u gashay Saciid  iyadoona Kutiri Walaalow macaanow maxaa  utukan weyday  maase  salaada  bilowdid sacid ayaa   yiri maxuma  laakiin walaalay  Sow inaan barto  kama Horayso Haa waa Yaab salaada mataqaanid sida loo  tukado miyaa Ayey tiri filsan intaas kadib Filsan Ayaa  waxa Ay toos  u soo abaaraty aniga cumara iyadoona ii sheegaty  in uusan saciid tukan balse  uu rabo  in labaro sida loo tukado  in aan  baro   qaab ka salaadana  aniga  la igarabo in taas kadib  aniga  cumara ayaa  usoo af jaray  wax walba  oo  laxariira  salaada.
  

filsan Ayaa  waxaa  u yeertay hooyadeed Maryan  oo  tiri naaya Mar yan Cumar  gartay  oo waad  ibartay  waana  wiil  Asxaan idin ku leh balse  wiil kaan saciida Aana  hadlayn   Maxuu  yahay  Mareer    dibadahaa  oo  dibaduu  kaala yimid  Maya Ayey tiri filsan   hooyo wiilkaan  halkaan Ayaan  is  kubaranay  waana wiil adeeb  badan fiicana haa waa sax  ayey  tiri Hooyo Maryan Hooyo maryan Ayaa Tiri hooyo   Maad  xasuusataa  wiil aan Ayaan   kuu Sheegay   oo Muxiyadiin Mire  oo  ina Adeer kaa Ah Filsan Ayaa tiri hooyo  maxaa  ......

 

 
NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo lamana Qaadan karo
 
Cumar  Cabdi  Xaashi
Kenya  Nairobi

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com