HALA GUURSADO HABLAHA
KA SOO JEEDA BEELAHA DULMAN
(Olole looga soo
horjeedo xaqiraadda Dumarkaas)
Dood
xiiso badan oo ku saabsan xaqiraadda, yasidda, quursiga ama takoorka
bani’aadanimada ka baxsan ee loo geysto dadka ka soo jeeda beelaha
dulman ayaa hareysay meel lagu shaaho oo aan joogay, waxaana halkaas
fikradahooda toosin ka soo jeedinayay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay
arrintani dhibeyso.
Dhab ahaan aad
ayaan ugu farxay inaan arko jiil cusub oo diyaarsan, lehna garaad
biseylkiisu gaaray inay si cad u diidaan quursiga soo jireenka ah oo
sida khaldan milki oo kale looga dhigay dadka Soomaaliyeed ee ka soo
jeeda beelo nafiif ah oo aysan jirin wax xumaan ah oo loo nisbeyn karo.
Doodda
aqoonyahannadaas ayaa si gaar ah waxay diiradda u saareysay takoorka
bilaa naxariista ah iyo sababaha loo diido guursiga hablaha ka soo jeeda
beelahaas sharafta badan, waxaana markiiba igu dhashay inaan qalinkeyga
u qaato qoraalkaan, olole ballaaranna u galo in qowmiyadahaas dulman ay
helaan xuquuqdooda ijtimaaciga ah, si gaar ahna aan mujtamaca ugu yeero
in ragga beelaha wax xaqiraya ay xaal ahaan u go’aansadaan inay
gabdhahaas guursadaan.
Xaqiiqdii
hablaha ka soo jeeda beelahaas dulman, waa kuwo aad uga qurux badan kuwa
ka soo jeeda beelaha wax xaqiray, xurmadooda iyo qaddarintoodana aad
ayey u sarreysaa sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyey dumarka
beelaha Soomaaliyeed oo idil. Haddii ay tillaabadaan dhaqan gasho oo uu
dhismo qoys ka kooban wiil iyo gabar ka soo kala jeeda beelaha dulman
iyo kuwa gaboodfalka sameeyey, waxaa hubanti ah in ubadka iyo jiilka
cusub ee ka dhasha ay noqonayaan kuwo ka fayow caadooyinkaas foosha xun
ee saameynta ballaaran ku yeeshay xitaa horumarka bulshadeenna.
Maxaa
Ragyahoow idiin diidaya inaad guursataan dumarka beelahooda dulman
yihiin ee loo geysto gabbood falyada lidka ku ah shareecada islaamka,
iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga? Miyaadan
ogeynina inay yihiin dumar nadiif ah, hawlkar iyo daacadba ah. waa kuwo
nadiif ah, walaalihiin ah, isku dhaqan iyo diinna aad tihiin. Waa kuwo
ka soo jeeda isirka beelo lagu yaqaan shaqooyin iyo xirfado mujtamaca
faa’iido u leh, kuwaas oo dheefsada dhididka waxa ay shaqeystaan.
Miyaaney ayaan
darro ahayn in la diido guursiga dumar ka soo jeeda bulshooyin shaqo iyo
howlkarnimo ku caan baxay? Maxaa loo quursanayaa dumar aan wax iin ah
lahayn? Miyaadan ogeynina in kuwa diidaya guursiga dumarkaas aysan jirin
wax qiil ah oo ay u hayaan arrintaas.
Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beelaha
xaqira kuwa dulman, waxaa la gudboon inay u sara istaagaan inay bulshada
ku baraarujiyaan ka gudubka caadooyinkaas foosha xun, waxaana habboon in
culimadu xarigga ka jaraan xayiraaddaas xagga guurka ah ee saaran
dumarkaas, oo ay horsed ka noqdaan guursigooda, si mujtamaca intiisa
kale ay ugu daydaan, waana inay shacabka fahamsiiyaan in caadadaas ay
tahay mid aan wax raad ah ku lahayd shareecada islaamka.
Haddiise ay
culimadu ka gaabsato inay arrintaan wax ka qabtaan, waxaa dhici doonta
in maalinta qiyaame uu Alle kula xisaabtami doono sida ay uga aamuseen
takoorka lagula kacay mujtamac xalaal ah, muslim-na ah, taas oo ay dhici
karto inay ku mutaan cadaab weyn oo xagga Rabbi uga timaada.
Ugu dambeyntii
waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Soomaaliyeed oo dhan gudaha iyo dibaddaba
inay u sara istaagaan olole ballaaran oo xayiraadda iyo takoorka xagga
guurka ah looga qaadayo dumarka beelaha dolman, taas oo aan hubo in lagu
guuleysan karo haddii si dhab ah loo wada wajaho.
Maxamed Muxiyaddiin
Cali
Tifaftiraha Wargeyska
Panorama