HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

OGOW SHISHEEYE SHEELA DUXA MA LEHE!

 

Beribaa waraabe gar qabsaday. Wuxuu ku muusanaabay inaysan xaq iyo dow ahayn in loogu yeedho dhurwaa, maadaama uu habaar yahay. Wuxuu kusii daray waraabena waa cay iyo aflagaado lay qariyey iyo horror baad tahay. Wuxuu golihii usoo bandhigay in loo bixiyo Ammiin. Qosol baa jaanta la rogey, bal adigu waraabe ammin ah meel ku sheeg ayaa lays weydaarsaday. Waraabe ayaa hadalkii u baxay isagoo ku baryootamaya in aan meel cidla ah laga eedeyn ee ay haboon tahay in la tijaabiyo. Waa hagaag iyo hawraarsan ayay habar dugaag isku raacday kadibna waxaa loo sheegay inuu hal iyo nirigteed foofsado, raaco oo uu nabad qab kusoo celiyo. Dugaagii kalaa faanin iyo sacab tun kusoo dhoweeyey iyagoo ku heesaya waa Aamin!, waa Ammiin!.

 

Dhowr maalmood markuu hororku si wanaagsan u daaqgeeyey hasha lamaansan ayaa maalintii danbe ishayn kari waayey. Waxaa u muuqday hilib dayacan oo cawra ah iyo sida uu uga qatan yahay, sidaa daraadeed waraabe wuxuu istusay inuu bal meel aan la arkeyn xoogaa dhadhamo ah ka yara goosto. Wuxuu cantuugo ku dhuftay naasihii hasha! Alla macaanaa! Ayuu yidhi. Intaa kuma joogine nirigtii ayuu iyana faruuryaha goostay! Yaa salaam oo waaba maalinba waslad yaroo la arkeyn barakeysee; ayuu hoos ahaan u yidhi. Gabal dhacii buu soo rogaal celiyey isagoo hashii Halaq ahayd ugu heesaya:

 

Helayaa Geelu Galabtii

Helayaa Galoof iyo Gudhan

Helayaa Ganiya irmaan

Helayaa ma isu kala guray

 

*******

Helayaa Ana galabtii

Helayaa Gaajiyo Haraad

Helayaa Ma isu kala guray

*******

Helayaa Shaluu odayaal

Helayaa Eeri go’an-iyo

Helayaa Ayda kaga tegay oo ana isigay

 

Waa la yaabay oo lays weydiiyey waxa sidan u bedelay Waraabihii dunidu ka qaylisay. Waxaa la damcay in hashii la liso sidaa daraadeed waxaa loo qaylshay Waraabe Ammiin inuu nirigta hasha kusoo daayo si ay u godlato. Xaaja waa xumaatay waayo Waraabe wuxuu ogyahay wuxuu sameeyey. Intuu hareerta guriga isku nabay ayuu yidhi: “ Waar lugooyada ka daaya neefka; Nirigtu maxay ka nuugtaa hasha, maxayse ku nuugtaa”. Ujeedadu waa Nirigtu farruurya maleh, hashii Halaq ahaydna candho (naaso) ma leh!. Wixii la tuhmayey in badan ee ahaa waraabe aamin ma galo ayaa soo baxday! Halkii baa lagu kala dhaqaaqay maadaama waraabe magacii loo bixin lahaa uu fashilmay waaye waraabe waa uun waraabe.

 

Waxaa iga yaabisay oo taa la mid ah aabaha isagoo markii horeba ulo boocbooc ah loogu kutubayey ilmihii uu dhalay ku aaminay kuwii u miliqsanayey. Malaha waxaan filayaa inaanan joogin meesha Ajiga loogu bixiyey Aammin. Maxaase lagu imtixaanay markii magacaa loo bixinayey? Mise tan haatan ka dhacday Saldhiga Gaalkacayo ayaaba u ah tijaabo bal in Ajiga falfal xumadii lagu yiqiin uu ka toobad keenay iyo in kale? Sidee odaygu ku aaminay dad u muusoonaya inay gumaadaan? Mise Odaygu wiikiisa wuu nacay oo khadyaan buuba ka taagnaa?

 

Waxaa inta badan la ogsoon yahay oo Soomaalidu aad u taqaanaa Madhibaanka ku noolaan jirey Boontland amaba haatan ku nooli inay hormood u ahaayeen walaalahooda kale ee ku qoqoban dhulalka kale. Waxaa Dhulka Boonta ka soo baxay halyeeyo aad caan uga noqday geyigaa oo ogaa in dhulku uu ahaa kii laga dhaxlay kana dhiidhiyey in la quursado. Waxay ka tageen taariikh iyo sheekooyin Ajiga ku khasabtay inay lafahooda ka badbaadiyaan colaad ay ka galaan Madhibaanka Mudug. Waxaase nasiib xuma ah in maanta Aabe Madhibaan ahi uu wiilkiisii inta uu geed ku xidho uu yiraahdo Waraabow magacii lagaa bedel oo waa la xaqiijiyey inaad aamin tahay ee wiilka ii nabad geli. Waxaaba kasii naxdin badan inuu Aabuhu uuba u sheegay in wiilka la yara jugeeyo si uu asluub u yeesho! Al yacnaa dhaqan celin!

 

Waxaa dhacdadan la mid ah ta ka dhacday ee Maxkamadii Argagixisada ahayd ay ku qalatay Omar Hussein. Waxaa layaab leh sida Omar looga hoos mariyey xayawaanka maadaama la yihdi marka xayawaanka la qalayo ha loo raaxeeyo, mididana ha la afeeyo oo yaan la tusin mindida lagu qalayo. Omar oo nool ayaa la saafay oo hilbihiisii la jarjartay. Akhristow ma u maleyneysaa in nin Laandheere ah sidaa iyo si u dhowtoona loo geli lahaa? Yaase ku dhaca? Maxkamadan baas ee xukunkan waxshiga ah riddey ayaa iyadu adeegsatay caqligii Hitler ee ahaa in dadka aan laandheeraha ahayn lagu tijaabiyo wax walba oo la doonayo in xal laga gaaro. Haddiiba la doonayo in la ogaado inta saacadood ee qof nool uu middi ku dhiman karo, inta uu xamaali karo isagoon nasan waxna cunin maalintii, inta lala heli karo shiishka iyo xowliga xabadu ku socoto waxaa lagu tijaabiyaa Gunta, Boonta, Midgaanka iyo Jareerka. Bulshadan laga tira badan yahay ayaa u eg xoolo meel ku xereysan oo markii la rabo in la sameeyo baadhitaan aan cilmiyeysneyn iyaga lagu tijaabiyo si loo gaaro wixii la rabey.

 

Waxaaba intaasba ka sii daran in googooynta iyo moora duuga Bulshada la quudhsado ay haatan gashay dhinaca siyaasada. Maxkamad-kusheegta Maka Al-Mukarama ayaa iyadu doontay lacag inay farqaha ka buuxsato sidaadaraateed ayaa waxay ku biirtay Ururkii Argagaxa ee laga itaal roonaaday. Si ay usoo bandhigto oo loo aqoonsado hawshii ay qabatay ayaa waxay tiirka soo taagtay Omar Hussein. Waxaa aan taas ka dhicin Bulsho degan Bacaadweyn oo ku kacsan Dowlad iyadu joogta Baydhabo oo haddana doonaysa inay Dowlada dhibaateyso. Maadaama aysan gaadhi karin Baydhabo ayaa waxaa lasoo xasuustay buuggii uu Hilter Ajiga u akhriyey ee ahaa Tijaabooyinka lagu Sameeyo Daanyeerada Gunta ah. Waxaa markiiba la soo arruuriyey dhallinyaro Digil iyo Mirifle ah oo si cilmiyeysan oo sheybaar wata loogu tijaabiyey in labada dhegood ee bini’aadamku isu daloolaan, in lafaha bini’aadamku cad yihiin iyo in kale, in xiniinyaha bini’aadamka laga dhigan karo Tennis, in maqaarka bini’aadamku kala sareeyo oo haddii midi gubto mid kale la heli karo iyo in Mindhiciradu laalaaban yihiin ama dheresan yihiin! Dhibaatooyinka intaas le’eg waxaa loo sameynayaa waa qof kale ku xumeyn. Haddiiba ay wax sameynayaan maxay ugu sameyn waayeen qofka ay xumeynayaan dadkiisa? Mase ku dhacaan? Haddii uu Laandheere Laandheere ku xadgudbo maxaa dhaca? Maxayse Bulshada la quudhsadaa ay u baran waayeen farsamada iyo sharciyada Ajigu isticmaalo?

 

Adiguba isu jawaab!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

           

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com