HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

NIN LAGA HIISHAY

Qalinku waa af aamusan, sida afka waxaad ka tiraadid loo qorayo oo malaa igtu u  qorto ayay qalinka waxaad ku qortidna u qoraysaa, kolkaa haddii laba jeeraaleba aan komeer joogta ah ku jirno soo gar maahn inaan wixii xaq ah ka hadalno wixii kalena iska deyno?

Wixii qalad dhacay soo inaan soo saarro daw mahan si dadkoo idil neecaw qabow u wada marto?   Ujeedada aan manta qalinka u qaatay waa mid la iiga horreyey oo dad badani ka hadleen inkastoo ay dhago awdan ku dheceen. Waa arrin diiradda saaraysa quursiga soomaalida dhexdeeda ah ee ah kan dunida ugu liita taasoo la so ogaaday guntiisa.

Soomaalidu waa dad qabyaaladda  ku dhaqma, waxayna  aamineen inay ugu baahan yihiin sidii neefta oo kale oo haddii ay waayaan aan nafiba ku jirin. Cid soomaali ah oo la hubo asal ahaan meeshay ka soo jeedo ma jirto markaan eegno qabiilooyinka kala duwan ee ku nool dhulka af soomaaliga looga hadlo, qolaba meel bay ku dhegtay, qolaa afka kala qaadoo tiri carab baa wax noogaleen, awoowgayana waa nin carab ah oo dhalad ah oo ka soo baxsaday yemen , kuwaa ka masayray oo yiri anaga idinka Qatar s an oo awowgayo la hubaa goortii uu  dhulkan yimina la ogaa oo  nibigii NNKH ayuu ku arooraa xijaas buuna ka yimi. Qolaa qabsatay oo ku dhegtay anaga dhulkaa naloo gu yimid, ka dib markii ay u cuntabi weyday sheegashada dad aan la midab iyyo aftoona ahayn, waana fikrad aniga ila qumman.  Waxaa soo hartay dad soomaaliyeed oo ciiddaas ka badan oo ah dadka la yaso, ha yeeshee su aashu waxay tahay  dadka afraad ee soo haray in badan ayay ka badan yihiin 3da qolaba garashadayda, maadaama aysan gobolna ma maqnayn oo aysan ku yarayn, xataa baadiyaha hadaad tagtid aad ku arkaysid ee xagee laga haystaa ?

Waa la yasaa,  lana duwaa,  siyaabo badana  loo takooraa, afkoodii baa la duwayoo qayb soomaalida ka mid ah ayaa yiri midguhu af xun  iyo qal jaban bay leeyihiin, misna waa ku sii dareenoo waxay yiraadeen sanqaday ka hadlaan, anigaaba arkay dad dhaajinaya hadal ay ku sheegeen inuu yahay midgaan, lakiin kolkii aan arkay sidaa maahayn, kuwii aanu isku magaalada degenayna si dayda uun bay u hadlayeen, cidkastaana waa ogtahay, waxaa hadalkooda loo durayaa oo beenta intaa le eg loo sheegayaa waa maag iyo af xumo la iska caadaystay oo aan garaad ku dhisnayn.

 

Soomaalidu dadka farasamada yaqaan waligood kama maarmin, illaa saacaan aan joogno waa u baahan yihiin. Berigii hore inta badan waxa guri u baahan yahay oo reer ku dhaqmo haduu yahay weel, hub, qalabka lagama maar maanka u ah  reer ka oo dhan iyagaa samayn jiray. Intaas kaliya kuma ekayne  waxqabadkoodii lama soo koobi karo qoraalkan kaliya kuma filna, waxaa kale oo ka mid ahaa  dharkii dhuuga la oran jiray, oo saamaha laga samayn jiray, dhaqaatiir na waa ahaayeen, caruurtana waa  gudi jireen, dadka xanunsana waa daawayn jireen. Hadaba qofkii garashadisu sarrayso inuu yaso iska dhaafe, wadankaba ha  xukumeen  ayuu oran lahaa waayo horumar weyn ayaaan gaari lahayn,  sabatoo ah dadkii qarniyo horoo adduunkoo dhan uu dambeeyey sidaa ahaa, hadii wadanka loo dhiibi lahaa xilligaan meel sare ayaan higsan  lahayn.

   

Dadkan la yaso waxay isugu jiraan  qabiilooyin kala duwan, waxayna kala qabtaan farsamooyin kala duwan oo nin la arkoo  ka mid  waa nin aan cidna ku tiirsanayn ee xoggiisa iyo xiskiisa maala. Horta ma garbaa in la is weydiiyo maxaa loo gumaystaa dadkan  maadama ay takoorid dhaaftay ?  waa jawaab iska cad oo ah aqoondarro mid diin iyo mid maadiba. Soomaalidu in badan oo ka mid ah ayaa carabaha tegey oo  kutubo ciidaas ka badan soo xafiday, qaar kaloo afaf qalaad wax ku qoray ayaa iyana jira ha yeeshee su aashu waxay tahay cilmigu dadkaas wax ma taray?  Aqristayaal aan dareenkayga inala wadaagee ma gelin cilmigu dadkaas ayaan  qabaa waayo marka arrintu joogto  wax yaabaha muhiimka ah  sida tan oo kale  ninka wax bartay ee soomaaliga ah iyo kan baadiyaha xoolaha la jooga ma kala duwana wax badan, kolka takoorka laga hadlayona isku jawaab ayay kaa siinayaan oo waxay ku leyihiin dadkaasi baqti bay cuneen waa hore,  waase  dhacdaa inuu ninkan cilmiga bartay erayo badan oo afkiisa ka soo burqanaya yihiin erayo ingiriis iyo carabi u badan , halka kan xoolaha la jooga uu afsoomaali kaliya ku hadlayo.

   

Aqristoow wali ma dhex gashay uurka qof dulman oo soomaali ah? Maxay kula tahay waxa ur kiisa ku jira markuu is weydiiyo waxa loo dulmay?  Muxuu naftiisa ku qanciyaa kolkuu is weydiiyo suaalo badan oo ku sabsan arrintan?

Qofka dulman waxaa uu ku jiraa cadaab  aan la darensanayn, qaar baa iskuulada kula dhigta aqristoow oo had iyo jeer aflagaddo iyo gef joogta ah aan ka bixin. Qaar baa kula shaqaysta ama kuuba shaqeeya oo aadan ixtiramin ee sidaad doontid ula dhaqantaa. Marbaan waxaan maqlay ninbaa damcay inuu timo jarto kolkaas ayuu yimid  meel timo jare ah, ninkii timaha jarayey ayuu  yiri timiha iga xiir, markaasuu shaqadiisii  bilaabay ninkii,  sheeko hallasi ahna waa dhex martay siday noo sheegen kuwii soo weriyey, in yar ka dib ayaa nin kale u yimid markaas ayay ninkii isla kaftameen, lacagna kala shaxaadeen  markaasa ninkii meesha fadhiyey ee ninka loo jarayo la kaftayey wuxuu yiri war intaan qaadan mayee lacagta noo kordhi midgaanyahaw, markaas waxaa maskaxdiisa ka maqan ninka timaha jaraya oo ah qabiilka loo baxshay midgaha oo had iyyo goor lagu caayo, ninkii timaha jarayey ma hadlin   hase yeeshee wuu ilmeeyey isago hawshiisii  wata, dhibco ka mid ah ilmadiisii ayaa ku dhacday ninkuu timaha u jarayey, markaasuu  ninkii dareemay gocdayna  sheekadii, kolkaasuu is hiifay. Aqristaw waa sheeko run u dhaw oo ka mid ah afxumada joogtada ah ee loo geysto dadkaas. Soomaalida kale haddii ay diideen in ay wax ku darsadaan dadkan xataa ma nabad gelin waayeen  waa yaabe  mise addun iyo aaqiro toona lama rabo?

Aqristoow aniga ayaa u soo joogay sheeko yaroo dhacday sana do ka hor anigoo soomaaliya jooga, waxaan soo galay  biibito shaaxa laga cabbo, waxay ahayd  fiid himhimaw ah, meesha waxaa jooga wilkii gadayey iyo wiil ka dhashay dadkaan la takooro ee gabooyaha ah, oo aan aad isku naqaan saaxiibana aanu naha y, wiilku wa macallin quraan, dugsi ayuuna haystaa, waxaa biibitadii soo gashay islaan waayeel ah oo aan ku qiyaasi karo 70 sano meelahaas oo magaalda deggen, oo aan naqaan caruurtay dhashay, wey na haybstay, 3 da yadiiba, kii meesha gadayey ayey ka bilawday, wuuna isku shegay, waxaa ku xigay wiilkii suu waa u sheegay isna malaha jiffi hoose oo ay taqaan buu u sheegay, anigase maqalkeea maalintaas ayaa iigu horraysay, say tiri aqas  ha oran  ha oran wa ceebe, iyadoo u haysata inuu  ku ciyaarayo, nasiib wanaagse waa ka sii tagtay oo anay  isoo gaartay saanne qolo ma lihi, markaasay iga tagtay. Aqristaw maxaad is oran kartaa markii aad jogtid dhacdadaas oo kale, nin intii qabilkiisii la weydiiyey markuu sheegana lagu caayayo, waa dhibaato aad u weyn oo dadkeena la takooro haysata, inogana baahan hiil. Aqristow dadkeenii kuwii waaweynaa oo la oran karo khaatumo ayay taagan yihiin ayaa sidaa u dhaqmaya, marka xagee mudan in la abbaaro?

 

Adduun weynuha waa ka jiraa takoorku inta badana kala saraynta dadka waxaa laga  Qiyaasaa  dhinaca aqoonta, dhaqaalaha iyo dadaalka, somaliduse  si kale Ayay  u cabbiraan waana ged cusub oo ay caalamka ku soo biiriyeen. Soomaalidu waxay qabaan qofkii wax cusub oo horumar ah ku soo kordhiya geyyigeena  waa saaxir falaanfalaw ah aana mudnayn amman iyo bogaadin. Dadka la takooro ee loo baxshay gabooyaha waa kumanaan qabiil oo iskugu jira qabilooyin kala geddisan oo dantu is raacisay, qolaba wax cusub ayay ku soo krdhiyen soomaaliya xilli hore iyo xilliganba. Hadaan u leexanno dhinaca sana acada ama farsamada, soomaalidu ma aqoon harag wax laga sameeyo sida dharka oo kale, bir na haba sheegin labadaasba dadkan ayaa keenay, Cumar dhuule oo u mana sheeganaya soomaalida  waxa dadkiisu u qabteen wuxuu yiri;

Haddanan birta kuu tumayn

Billawe ma xiranlahayd

Xoolha ma biraysan lahayd

Hadanan waran baaxad weyn

Anigu barqadii ku siin

Bahalka kuu soo dhiciyo

Cadawga  ma iska baacin lahayd

halkaas waxaan ka aragnaa qayb muhiim ah oo ka mid ah waxqabadka dadkaan. Waxaa la yiri doorshaanku barafuunka waa ku dhintaa, taa waxaa loogu maahmaahaa qofka aan wanagaba garan ee qof wax tara y iyo mid aan waxba u tarin kala sooci Karin. Abwaan soomaaliyeed ayaa yiri; doqontaan kala soocon darib ruuxa ku sooriyo kan haruurka ka daadshay.

Waa sida na haysata haddaan nahay dadka soomaaliyeed  waayo dadkii wanaaga inoo galay oo ah dawlad guuraysa ayaan la garan weynay wanaaggii. Soomaalidu waxay aad u jeceshahay fanka, dhinaca gabayada iyo heesahaba dadkani waa ku hormareen. Fanaaniinta waxaa ka mid ah cumar dhuule , cabdi tahlil, maryan mursal, maxamed suleymaan, cabdi naasir macalliniyo kuwo kaloo ciddaas ka badan Marka dadku dhagaysanayaan waa ku raaxaystaan hadii ay hortooda taagan yihin iyo haddii  kaleba, laakiin belo wxay ka dhacday markay damcaan inay ka guursdaan, ma ahan ninkii la jeclaa ee fanaanka weyn ee wadaniga ahaa ee waxa u noqonayaa nin xun oo qabiil liita ka dhashay soo wax la yaab leh mahan?

Maahmaah baa waxay ahayd dadku waa qof qof  haybtuna waa isku garasho, waa maahmaah soomaalidu leedahay, laakiin beentood weeye wax badan bay yiraadeen been ma maahmaahnee soo  maantaba laguma hayo iyadoo cad.

Qofkasta waa rumaysan yahay qabiilku inuusan wax ba tarin ee in la isku garto wuxuu ku dhaamio aanay jirin, oo waxaa caddayn u ah imisa ayaad aragtay wax nin tolka ah aad ka weyday inaad qof kale ka heshid?

Imsaad naag tolkaa ah inaad guursatay ood ku ba day oo dhibi kaa raacday aad guursatay mid soomaali aad wadaagtaan oo ilaahay kuu wanaajiyey.

Waxas  oo dhan dadku wa aogyahay laakiin ma rabaan inay qaataan oo waa sababta loogu celcelinayo maalin kasta.

Haddii qof ka hadlo arrintan waxaa lagu xujeeyaa maad guursatid gabdhahooda ama wiilashooda?  Qofku hadduu ka hadlo dulmiga, gefka iyo afxumada  iyo ka guurso ma waxisku  xirmi karaa?

Haddiise qofku ka guursado waa hal qofe maxay badeli kartaa?

soo gartu  mahan war si wada jir ah arrinta xooga ha loo saaro, sharci adagna ha loo yeelo. Xaqqoodana ha la siiyo haddii kale soomaaliya waligeed nabad noqon mayso  inta dulmigaasi joogo.

 

Manta soomaalidii qurbaha tagtay waa arkeen takoorka dhibaatadiisa,  waana marag ma doobto in wax is bedeli doonaan  mustaqbalka dhaw laakiin maxaa lagu sii gaarayaa xilligaas? Waxaan soo jeedinayaa in dadka la dulmay ay meesha iska qaadaan oo  rumaystaan in gobanimadodu  gacantooda ku jirto, ha ku dedaaleen  waxbarashada, dhaqaalaha, is garabqabashada, isu hiilinta, gumaysi diidka, waa in  ayna  u dulqaadan dullinimadan la baday aakhiraba ha geysee, geeridaa dhaanta siday ku jiraane. Waxaan hubaa hadii ay ku tashtaan sidii ay uga bixi lahaayeen takorida  inay wax badan ka qaban karaan, waxaana loo bahan yahay wacyi galin dhexdooda ah, dadka kalena gacan ayay ka helayaan.

 

Waxaan qoraalkayga ku soo gabagabaynayaa ilahay ha laga baqo, hana la ogaado in aaqiro jirto, dulmigana sidaad naftiina ula nacaysaan tan walaalihiina ula naca.

 

WA BILLAHI AL TAWFIIQ

QALINKII  CABDIFITAAX CABBAS

E-MAIL. SAALAXYARE@HOTMAIL.CO

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com