HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

MU’TAMAR MAALMA AH, MUXAADARO MEEREYSATA OO MIDGAAN KA MAMNUUCAN!!!

 “Wax Midgaan la yiraahdo ma jiraan, ninkii Jannada laga waayo ayaa Midgaan ah” waa hadaaqa Ajiga!. Waaba nabarkii horey u bukay oo haatan basbaas iyo cusbo laga buuxiyey! Eebe waa ogyahay aniguna waan ogahay in Ajigu uusan Midgaanka waxba u ogolayn. Hadh iyo habeen Soomaalida afkeedu kama daalo inuu si xun u sifeeyo Beelaha la quudhsado iyagoo marka ay wax fool xun tilmaamayaan odhanaya Midgaan baad tahay! Yibir baad tahay! Tumaal baad tahay!. Bal isweydii, sidey haddana u odhan karaan wax Midgaan la yiraahdo ma jiro?  Anigoo xiiqsan ayaan horey usii istaagay Hoolasha waaweyn ee lagu qabanayey Mu’tamarkii sanadkan 2006 oo ay dad aad u tira badan isugu yimaadeen. Waxaa aad u tira badnaa da’yarta halkan ku kortay oo meel walba buuxisey maadaama Muxaadarooyinka inta badan ay ku baxayeen af shisheeye. Waxaa qoorta iisurnaa boodh weyn oo uu dhinac kaga sawirnaa qof fool xun oo marka la arko laga argagaxayo (Alien). Dhinaca kale  waxaa ku qornaa xadiiska caanka ah ee ay Soomaalidu u adeegsato takoorka walaala hood oo ku qoran af Ingiriis. Waxaa maalmaha uu mu’tamarku socday ay dhallintii hawl wadeenada shirku ay ku xiiqeen sidii ay dadka ugu cellin lahaayeen Hoolalkii ay muxaadarooyinku ka socdeen. Waxaa sidii iyadoo subcis lagu jiro ama digri la qaadayo loogusoo meeray sidii loo arki lahaasawirkan la yaabka leh (Alien) iyo sidii loo akhrin lahaa sheekada lagu takooro Midgaanka. Walaalayaan muxaadaradii waa bilaabatay! Walaalyaal, jazaakumullaah, ordoo wax dhegeysta! Walaalayaal iska daaya maalayacnigan ee ordoo kheyrka dhegeysta! NAG! Dadkii waa la dhaqaajin waayey!. Markii danbe ayaa xaggii ninkii boodhka xambaarsanaa loo soo jeestay: “ Waaryaa waa ninka, orodoo Muxaadaradaada dibedahaa ku qabso! Waar ninyahow Illaahaaga ka baq oo dadka ha ka jeedin kheyrka”!. Mar keliya ayaa dhallintii markii ay ka bogteen akhriskii ayay iyagu u jawaabeen qoladii iska xiiqday: “ Shiikhoow muxaadaradiina tanaa ka wacan! Haddii aad daacad tihiin bullshit-kan ka hadla!. Waxaa markiiba bilaabantay su’aalo iyo in aad loo xiiseeyo wixii meesha ku qornaa ama ku sawirnaa. Waxaa igu soo xoomay waardiyeyaashii iyo booliskii oo iyaguna bal doonaya inay markooda akhriyaan waxa meesha ku qoran. Qof waliba isagoo madaxa ruxaya oo leh Soomaalidu ciyaalsanaa ayuu meesha ka dhaqaaqay. Waxaa su’aal aan la yaabay I weydiiyey nin carab ahaa oo ka soo qayb qalay Muxaadarada. Wuxuu yidhi: “ Eebaan kugu dhaarshee waxani ma jiraan” markaan haahey idhina wuxuu I weydiiyey maxaay cullimada howshan weyn wadaa uga hadli waayeen arrintan foosha xun. Waxaan ku idhi way ka hadlaan oo waxay yidhaahdaan iyagoo inkiraya jiritaanka Midgaanka in ninkii Jannada laga waayo uu Midgaan yahay. Allaa Kariim inta uu yidhi ayuu horey isaga sii luuday.

Laba Shiikh oo Mareykan ahaa ayaa ka mid ahaa dadkii aadka ula yaabay arrintan. Ilaa 3 goor ayay akhriyeen oo ku noqnoqdeen iyadoo ay ka daadegi weydey waxyaabaha kuqornaa halkaas. Waxayse ay aad arrintii uga daadegtay markii aan takoorka Midgaanka barbardhigay sidii Madowga Mareykanka loo geli jirey ee magacyada kala duwan loogu bixin jirey maadaama ay iyagu qowmiyadaa ka soo jeedaan. Inta uu kor iisoo eegay ayuu yidhi: “ Walaale waxani waa Jaahiliya”. Waxaan usheegay in sidii Jaahiya! Jaahiliya loo lahaa aan ku wareeray kana codsaday inuu ii sharxo bal waxa Jaahiliyadu tahay. Shiikhu wuxuu yidhi: “waaba dhibaato haddiiba idinkoo Muslimiin intaasoo qarni ahaa aad haatan garan la’dihiin Jaahiliya waxay tahay. Walaal Jaahiliya waa wixii ka horeeyey Diinta Islaamka” Ma Gaalnimaad ka wadaa baan ku celiyey? Haa buu yidhi! Waxaan weydiiyey waxa si fudud loogu odhan waayey waa Gaalnimo, waa Diin la’aan ee Jaahiliya! Jaahiliya loo leeyahay? War uma hayo, weligey kuma fikirin ayuu hadalka iigu soo jaray isagoo sii qoslaya!

Iyadoo dadku inuu sii bato mooyee uusan isdhimeyn oo aan su’aalo ay iweydiiyeen dadkii Soomaaliyeed ee igu xoonsanaa aan u kala dhigdhigayo ayaa waxaa halkan ka dhawaaqay Soomaali marya waaweyn watay oo afkiisa furtay: “ Waar jooji waxaad wadid oo wadaadada wax ha ka sheegin”. Xoogaa ka dib ayaa Kheyr Eebe ha siiyee Sh. Mustafe C/llahi Kaahin oo ah wadaadka keliya ee maalintaa damcay inuu ka hadlo arrinta Quudhsiga oo dadweynihii nagu xoonsanaa wax u sheego ayaa waxaa isku duubay Soomaaligii xamaasadeysanaa oo u diiday inuu halkaas wax ka yiraahdo. Shiikh Mustafe oo dhowr muxaadaro ka jeediyey Mu’tamarka ayaa iska dhuftay ninkan caadifadeysan markaasuu afkiisa furtay: “ Waa gef, waa wax aysan Diintu ogolay, Waa dulmi in dad Islaam ah la takooro oo la quudhsado. Waa xaqdarro in loogu yeedho magacyo quudhsi ah sida Midgaan, Yibir, Tumaal, Boon! Dhamaanteen haddaanu bilis nahay iyo haddaanu Boon nahayba isku asal baynu ka nimid…….. Halkaasuu kala dhacay!. Waxay ahayd Muxaadaro aad loogu diirsaday oo dadkii meesha tubnaa oo dhami ay si niyad ah u yiraahdeen Jazakumullaah iyagoo dhallintu ay odhanaysay: “ That’s my man!” 

Markasta oo ay dadku hoolashooda kasoo baxaan oo salaadda usoo baxaan ama ay soo cunteynayaan ayaa waxay kusoo baxaan muxaadaro kale, bulaan iyo dad ciiddaa ka badan oo tuban banaanka hoolasha, mise boodh baa la akhrinayaa! Waxaa halkaa ka bilaabmaya su’aalo hor leh, akhris hor leh iyo wacyi gelin hor leh. Sh. Oroma ah ayaa Soomaalidii misena u sheegay inay Qowmiyadu Oramadu ka ilbaxday waxyaabahan maalaayacniga ah ee Soomaalidu la meereysaneyso. Wuxuu la yaabay Soomaalida marka dusha laga eego sida loogu moodo Ahlu Sunna iyo sida ay uga fog yihiin marka hoos ahaan loo guda galo oo la eego dhaqankooda hoose. Alla kacabsi iyo iswalaaleysi ayuu kusoo gabagabeeyey. 

Mu’tamarkan oo ka duwanaa kuwii hore oo inta badan laga turjumayey dadka wax wacdinaya oo Ajaanib u badnaa ayaa waxaa markiiba igusoo baxayey dad badan oo doonayey inay sugaan muxaadarooyinka Soomaaliga ah ama doonayey inay aadaan qolol kale oo ay wax ka kororsadaan. Waxaa meela badan dadka lagu guubaabinayey inay Aakhiro wax la baxaan oo Masaajidkan(Abuubakar) ee inta badan soo jiitamayey caawiyaan. Anagoo baashaalku noo socdo ayaa waxaa su’aal I weydiiyey wiilal yar-yar oo 7 jirra ah oo ay hooyooyinkood la socdaan: “ Adeer, sawirkan foosha xumi muxuu ahaa” ayay yiraahdeen iyagoo Ingiriis ku hadlaya. Waxaan ugu jawaabay in sawirku uu yahay Midgaan. Hooyooyinkood ayaa neefsan kari waayey oo afku kala tegey! Adeer Midgaan waa maxay bay igu soo celiyeen. Waxaan u sheegay in uu yahay qof aabahaa u eg, hooyadaa u eg, Muslim ah oo Soomaali ah laakiin la yidhi waad naga hooseysaan. Iyagoo yaaban bay yidhaahdeen: “ That is not fair-haddee waxaasi caddaalad maaha”. Inaysan caddaalad ahayn anigu waan ogahaye, hooyooyinkiin u sheega ayaan ugu soo gabagabeeyey!. Alla Eebow dadka qurbaha ku koray iyo waalidkood maxaa kala haysta!. Weligiinba meel ula qaxa oo abtirsiinyada ka soo dhaadhiciya! Jawaabtii sawirkani muxuu yahay ayaa waxay noqotay: “Sawirka foosha xun ee laga argagaxayo ayaa ah dad u ekayaasha la yidhi waxay la socdaan Suxuunta Duusha(Alien). Anigu wax aan ku metelo  maskaxda Soomaaliga marka uu sifeynayo, caayayo, quudhsanayo ama takoorayo Midgaanka oon ka ahayn Sawirka Alien-kaas ma hayo”.

Akhristow sow la yaab maaha in waxa dhallaanka iyo sabigu gartay ay ciroolayaasha iyo qowsaarada Soomaalidu garan weydo? Sidee kuwaas akhyaar looga dhigan kartaa? Sidee hadalkooda loo maqli karaa? Sidee duubka ay soo xirtaan iyo wacdigoodu run u yahay?. Waxaa iigu yaab badnaa markii uu xariif meesha joogay uu ku dooday sababta aan Ingiriis ugu soo qoray sheeka xariirta loo adeegsado takoorka waayo buu yidhi dad badan oo Diinta soo geli lahaa ayey ka horistaageysaa inay soo islaamaan!. Waa uun Yaa iska Soomaali, Yaa qadariyey nin shisheeye, yaa xaqirey ninkiisa-e inta aan eegay ayaan u sheegay inuu ogyahay inta ay Diinta ISlaamka ka saartay amaba ka saari karto cunsuriyadda iyo takoorka ay keentay Sheeka Xariirtani! Waar maxaa iga galay ka soo galaya, kan ku jira maanu daneyno oo dulliga ka dulqaadno ayaan ugu soo gabagabeeyey! Ma taqaan Soomaaliga qiimeyntiisa ugu danbeysa marka aad isku fikrad noqon weydaan: Waa waalan yahay ama wuu soo wataa iyo nacnac badan iska dheh! 

Ogow Haani guntay ka tolantaaye! Maxaa madaxa sare loo salaaxi, xagii hoosaaba baaba’ ahe!

 C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com