HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                     

 Maxaad ku kala qeexi kartaa labada eray ee sab iyo soomaali?  

Sida la og yahay ba waxaa soomaalida loo qay biyaa laba ku waas oo lagu kala magacaabo (SAB iyo SOOMAALI), hadaba su`aasha lays weydinayaa waxaay tahay. Xaggee lagu saleeyn ka raa ereyga ugu horeeya oo ah SAB oo loo yaqaan sadex qabiilo oo kala ah Midgaan, Tumaal iyo Yibir. Waxaan is ku dayey inaan baadhitaan ku sameeyo anigoo dhinacyo badan ka ee gay waa marka hore e dadkani waa dadkii loogu yimi dalka taas oo aan ku cadeeyn karo xirfada dheer ee ay u lee yihiin xagga u gaadh siga iyo farsamooyin dhawra oo aynay soomaalidda kale la wadaagin. Sida dhamaan farshaxanka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliddu ku faanto maanta. Dadkan oo ah dad mudo dheer deganaa dalka ka hore dad yoow ga kale ayaa waxaa loo badinayaa inaay ka mid ahayeen boqoradii (BALQISA BINTU SABA) oo ka talin jirtay dhulkii loo yaqaanay ABYSSINIA wagii nabi (MUUSE) NNKH iyadoo haysatay diinti sa. Mudo ka dibna markii uu waqti gedii dhamaaday ayaa dadkii ku hoos noo laa xukun ke dii kala haajiray oo iniba meel u haajirtay.Balse qaar dad kaas ka mida aay soo gadhay geeska afrika iyagoo is ku kala qey biyey dawladdo dhawra oo kala ah Soomaaliya oo ay jogaan dadka loo yaqaan SAB is la markaana degaan ka dhigtay oo degay dhulka Bariga ilaa Waqooyiga Soomaaliya, Kenya oo iyana ay u qaxeen dadka Masaayda ahi iyo Ethopia oo dadkaas loo ga yaqaan Uraago. Waxaana taas kuu cadaynaysa waa dad is ku farsamo ah iskuna midab ah. Dabadeedna waxaa ii soo baxay in ereygani  ka soo jeedo eraygii Balqisa bintu saba erayguna sidaa loo yidhi SAB. Waxaad arkay saa in dadkani  ay yihiin dad aad uga ilbax sanaa Soomaalidda kale taasina ay ku tusayso inaay ahayeen qaran jiray hortood dadkani waxaay la hayeen dad xirfado kala duwan la haa .Ha daay noqoto xagga caafimaadka oo aay daaweyn jireen lafaha jaba, cuduradda( tii biida) oo aay ku daaweyn jireen gorayada suba geeda, hilib dalqaha oo ay ka gooyin jireen xoqodaha, cudurada ha weenka sida gudniinka, dhali taanka iyo adeeg yo badan oo ummadi u baah naan karto, sida dhinac yada birta oo ay ka shiili jireen ciida dabadeedna ka sameeyn jireen (midida, waramada, gaashaanka, maacuunta, muducyada, irbada, gudinta, seefaha, haraga ugaadha ooy ka jeexi jireen suumanka, Gabooyaha oo ay ku ridan jireen falaadhaha, ka baha, dhuuga la xidho)  iyo in ka loo badan oo anan soo koo bi karin, taasina waa calaamadaha lagu yaqaano dadka ilbaxa ah. Balse nasiib daro waxaay noqdeen kuwo lagu abaalmariyo in lagu liido laguna yaso xadaaradii ay dadka uga faa`iideyeen, Halka adduunka kale ay ku fanaan wax walaal kood soo saaro kuna sii yaan abaalmarino qiimo leh.Taa sina waa mid kale oo cadaynaysa in aynay Soomaaliddu laheey ilbaxnimo qoto dheer. Waxaaynu maqalaa ( Made in Hindia, Philipen, Hong-Kong, Pakistan, Kenya, etc), iyo qaar kaloo badan, Saw ma qurux bad na  adoo suuqyada adduunka ka hela alaab ay ku taalo MADE IN SOMALIA, kuna xushmayso walaal kaa iyo horimarka dal kaaga, adoo ku faanaya ileeyn adigu wax ba dalka kuma soo kor dhin kar tide. 

Waxaaynu maqalaa erayga (SOOMAALI) oo anan ilaa iyo haddeer la heeyn meel cad oo lagu qeexi karo, iyadoo inta badan aqoon yahanadu ku qexaan waa eray ka yimi (soomaal) oo macnaheedu yahay hasha soomaal. Dabadeedna sidaa loo yidhi soomaali. Hadaba anigu taas waan ka duwanahay ka dib markii aan dib u baadhay ereygaas ayaan waxaan ogaaday in uu ka yimi dadkii badnaa ee u soo haajiray inaay degaan geeska Afrika gaar ahaan somalia, dadkan oo ahaa dad iyagu degay dhinaca koonfureed ayaa waxaay noqdeen dad sameystay inaay yeshaan magac kulmiya dhamaan si ay u noqdaan hal mushtamac oo dhib iyo dheefba wada qeybsada is kana ilaaliya dhamaan wixii dhib ku keeni kara nolashooda, dabadeedna ay qateen ereyga, (samaale). Markii danbana loo rogay Erayga maanta loo yaqaan Soomaali.Taas oo aan ku ca deeynayo in aysan jirin Qabiilo Soomaaliyeed oo si toosa Hooyo iyo Aabe wada dhaleen.Tusaale haddaan u soo qaato Dadka la baxay Raxanweyn oo macnaheedu yahay Kooxdii isku taktay  isla markaana aay ku wada dhan yihiin Dad yoow kala sinjiyado duwan. Isaaq oo iyana ah dad isku tegay lana baxay magaca maanta loo yaqaan. Iyo Darood oo lagu maga caabo magacii Nin kii Daarta oo tay maantana loo yaqaan.  Hawiye oo ah iyana Dadkii uu ka yimi Erayga aan kor ku soo sheegay ee Samaale.

Mohamed Jaamac(Cudur)
inacudur@yahoo.com
 

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com