Qaybtii
Koowaad
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Bal
aan fiirinno aayadihii Qur’aanka ugu soo hordegay. Ilaahay wax akhrin
buu ku bilaabay iyo inuu yahay Rabbigii iyo Abuurihii. Ilaahay
makhluuqaadkiisa wuxuu markiiba ka xusay dadka Isagoo wax ka iftiimiyey
tadawurka dadku soo maray. Sidoo kale deeqsinimadiisa aan dhammaadka
lahayn iyo cilmi buu ku xusay. Waa kuwan aayadihii:
اقْرَأْ
بِاسْمِ
رَبِّكَ
الَّذِي
خَلَقَ .
خَلَقَ
الْإِنْسَانَ
مِنْ عَلَق .
اقْرَأْ
وَرَبُّكَ
الْأَكْرَم.
الَّذِي
عَلَّمَ
بِالْقَلَم .
عَلَّمَ
الْإِنْسَانَ
مَا لَمْ
يَعْلَم ْ
Aayadahaasi
waxay tusinayaan sida binu Aadamka Ilaahay u sharfay oo waan aragnaa
markii Ilaahay sheegtay sifada abuuridda inuu dadkii ka xusay Isagoon
xusin malaa’ig, makhluuqaad kale, cirar iyo dhulal midna toona. Markaad
shantaas aayadood akhriso waxaa kuu soo baxaya labo arrimood oo haddaad u
dhabbogasho ood ku dhaqanto kaa hor istaagaya qabyaaladda. Waa haddaad
fiiriso meeshaan ka nimid iyo tadawurkaan soo marnay oo ay ugu horreyso
ciiddii nabi Aadam (CS) laga abuuray. Tan kale waa aayadaha oo lagu xusay
akhrin iyo sida uu Ilaahay dadka u baray cilmiga. Xaggee laga keenay
waxaan afafka qalaad lagu yiraahdo “stick and carrot approach”?
Adduunku maanta waa dooriyeen fikraddaas oo gar iyo gardarraba waa loo
isticmaalaa! Ka warran Maraykanka oo dagaaloogayaasha Xamar karooto
siinaya? Marka qofkii Ilaah isku taaga wuxuu Allaah milicsiiyaa meeshuu ka
yimid sida aayadaha Qur’aanka ugu horreeyaba xuseen:
أَوَلَمْ
يَرَ
الْإِنسَانُ
أَنَّا
خَلَقْنَاهُ
مِن
نُّطْفَةٍ
فَإِذَا
هُوَ
خَصِيمٌ
مُّبِينٌ
Ilaahay
wuxuu leeyahay miyuuna qofku arag oo u dhabbogelin inaan ka abuurnay biyo
waana isagooba ah doodbadane cad.
Bal
Xaddiiskani oo Abuu Daa’uud soo saaray hanoo bayaansho meeshaan ka nimid:
قال
رسول الله صلى
الله عليه
وسلم إن
الله عز وجل
قد أذهب عنكم
عبية الجاهلية
وفخرها
بالآباء
مؤمن تقي
وفاجر شقي
أنتم بنو آدم
وآدم من
تراب ليدعن
رجال فخرهم
بأقوام إنما
هم فحم من فحم
جهنم أو
ليكونن أهون
على الله من
الجعلان التي
تدفع بأنفها
النتن
Rasuulku
(SCW) wuxuu yiri: ALLAAH CAZA WAJALLA wuxuu idin ka tagsiiyey sheegsheega
iyo isugu faanka jaahiliyadda aabbayaasha (qabiilka); waxaa jira mu’min
taqi ah iyo faajir hoogay; kulligiin ilmo Aadam baad tihiin, Aadamna ciid
baa laga abuuray; wey ka tagayaan niman ku faanka qolo noqotay dhuxushii
Jahannamo (mushrikiintii dhimmatay) ama waxay Ilaahay agtiisa ka
ahaanayaan kuwa ka liita xaar-walwaalka/doorshaanka.
Sidoo
kale qofkii Ilaah ka baqa isaga laftiisa waxaa la milicsiiyaa halkaan ka
nimid oo ah aabbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa laakiin waxaa lagu sheegay
inuu yahay kan dadka ugu sharaf badan. Bal aayaddan cajiibka ahna aan ku
darno:
يَا
أَيّهَا
النَّاس
إِنَّا
خَلَقْنَاكُمْ
مِنْ ذَكَر
وَأُنْثَى
وَجَعَلْنَاكُمْ
شُعُوبًا
وَقَبَائِل
لِتَعَارَفُوا
إِنَّ
أَكْرَمكُمْ
عِنْد
اللَّه
أَتْقَاكُمْ
إِنَّ
اللَّه
عَلِيم
خَبِير
}
Aayaddu
waxay leedahay: dadoow waxaan idin ka abuurnay nin iyo haweeney waxaanna
idin ka dhignay shucuub iyo qabaa’illo si aad isugu garataan; qofka
idiin ku sharaf badan Ilaahay agtiis waa kiinna ugu taqisan.
Waa
kee qofka noqon kara taqi? Wey dhici kartaa qof fidrada ku taagan oo
fahmay meeshuu ka yimid inuu noqdo qof wanaagsan hadduu helo culumo
fiican laakiin sida qaalibka ah taqwadu waxay rabtaa cilmi iyo camal. Bal
aan fiirinno aayaddii Ilaah ku lahaa:
إِنَّمَا
يَخْشَى
اللَّهَ
مِنْ
عِبَادِهِ
الْعُلَمَاءُ
إِنَّ
اللَّهَ
عَزِيزٌ
غَفُورٌ
Waxaa
Ilaahay ka baqa adoomadiisa culumada ah.
Yacni
waa baqdinta saxda ah maxaa yeelay qofka caalimka ah wuu u jeedaa wuxuu
sameynayo iney sax tahay iyo in kale halka qofka caamiga ahi uu cid kale
ku xiranyahay.
Marka
haddaynu xaggii cilmiga ka gaabinnay waa ineynaan hilmaanin halkeynu ka
nimid. Marka qofka caalimka ah ma qabato maahmaahyaha ah: fiqi tolkiis
kama janno tago. Ama: tolkaa iyo kabtaadaba bartankaa looga jiraa.
Caalimkaasi ma aha kitaab-gaab oo sida walaalo badan soo qoreen dhaha:
haddii qabiilkeygu saxanyahayna waa saxnahay hadduu xumaadana waan la
xumaan. Laakiin caalimku wuxuu maqlaa Ilaah. Waxyaalaha caalimku
daliishado waxaa ka mid ah aayaddan:
لَا
تَجِدُ
قَوْمًا
يُؤْمِنُونَ
بِاللَّهِ
وَالْيَوْمِ
الْآخِرِ
يُوَادُّونَ
مَنْ حَادَّ
اللَّهَ
وَرَسُولَهُ
وَلَوْ
كَانُوا
آبَاءهُمْ
أَوْ
أَبْنَاءهُمْ
أَوْ
إِخْوَانَهُمْ
أَوْ
عَشِيرَتَهُمْ
أُوْلَئِكَ
كَتَبَ فِي
قُلُوبِهِمُ
الْإِيمَانَ
وَأَيَّدَهُم
بِرُوحٍ
مِّنْهُ
وَيُدْخِلُهُمْ
جَنَّاتٍ
تَجْرِي مِن
تَحْتِهَا
الْأَنْهَارُ
خَالِدِينَ
فِيهَا
رَضِيَ
اللَّهُ
عَنْهُمْ
وَرَضُوا
عَنْهُ
أُوْلَئِكَ
حِزْبُ
اللَّهِ
أَلَا إِنَّ
حِزْبَ
اللَّهِ
هُمُ
الْمُفْلِحُونَ
Aayaddu
waxay leedahay: ma heleysid qolo Ilaahay iyo Aakhiro rumeysan oo kalgacal
u haya dad ka horyimid Ilaahay iyo Rasuulkiisa, dadkaasi haba ahaadeen
aabbayaashood, ilmahooda, walaalahooda iyo xigaaladooda ilaa dhammaadka
aayadda.
Sidoo
kale waxay maanka ku hayaan xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa qofna laguma
adeecayo macsida Abuuraha. Marka duulkaas Ilaah ka baqa cidna xumaan kuma
raacaan haba ahaadeen dadka dad ugu dhow sida waalid, wiilashooda iyo
walaalahoodaba.
Sidee
qabyaaladda looga tagaa? Horta aan ku biloowno inaan dadkeenna
Soomaaliyeed u kala qeybinno dhowr qeybood iyo sida ugu fiican ee aan
isleeyahay waa inaan qabyaaladda uga dhexbaxnaa.
- Dad
yar oo ay diintooda ama fidradu ka celisay iney qabyaalad adeegsadaan
laakiin waaba hadday jiraan. Kuwaasi mar kasta bannaankey ka joogaan
wax qabyaalad ku saabsan waana iney sidooda ku jiraan.
- Sida
dhallinyarada iyo dadku u badanyahay oo ah: dad qabiilkooda wax
kasta ku raaca. Marka waxaa noo fiican inaan shuruudihii towbadda la
nimaadno oon marka hore joojinno ku dhaqanka qabyaaladda oon ku biirno
qolyaha kore. Kaddiba ka xumaanno waxaan horay u sameynay sidoo kalana
goosanno ineynaan mar dambe wax macsi ah aynaan qabiilkeenna iyo
qabqablayaasheenna ku raacin. Ugu dambeyntana wixii xaq ah oo laga
heysto qabiilooyinka kalana loo cesho.
- Kuwa
seddexaad waa dadka horbooda qabiillada ha ahaadeen hogaamiye
dhaqameed, siyaasadeed ama dagaal. Waxaa fiican in hogaamiyayaashaas
la gacanqabto xag dhaqaale iyo xag wax baridba. Dadkani waa dad ay
qabiillooyinkoodu aad uga dambeeyaan. Marka haddii wax la baro oo loo
xoologooyo waxay u dhowdahay iney ka marmaan sandareerooyinka ay ka
helayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed dabadeedna dadkooda u
hogaanshaan sida Ilaah rabo.
- Qolodan
ugu dambeysa waa kuwa aan muuqan ooy dhicikarto in qaarkood
gaalo yihiin ama munaafiqiin oo iyagu aan qabiilkooda la dooneyn meel
kheyr leh. Marka dhibtoodu waa yaraaneysaa haddii dadku ka tago
qabyaaladda.
Halkee
wax laga bilaabaa? Anigu waxaan u arkaa inta Soomaali uu u soo baxayo
hogaamiye caalim ah oo taqiya oo dadka u hogaamiya xagga Ilaahay inaan
arrintu fari ka qodneyn. Marka qeybta labaad waxaan ku fiirindoonnaa
haddii Ilaah idmo iyadoo aan ka baqayo in Xamar iyo Soomaaliya oo dhami
isu bedesho goob dagaal oo cadowgeennu iska horkeenno hogaamiye
kooxeedyada dabadeedna dadka badankiisu halkaas ku dhammaado kaddibna
dadku garto in xalku yahay Islaamka. Waa markii aan cadowgeenna u jabno
ooy dhicikarto in dowlado kale na qabsadaan. Marka la soco qeybta labaad
haddii Ilaah idmo.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com