HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

 

Kalfadhiga Barlamaanka Somaaliyeed ee Ku meel gaarka ah oo ka furmay Magaalada Baydhabo Caasimada Gobolka Bay 26/02/2006 eeyna ka soo qeyb-galeen aqlabiyadii Xubnaha Golaha inkastoo Xubno muhiim ahi maqan yihiin gaar ahaan kuwa Hubeysan oo Muqdisho iyo Kismaayo kala jooga, Eeyna ka soo qeyb-galeen furitaankii xubno ka Socda Beesha Caalamka.  

        Kulankan ayaa ahamiyadiisa leh maadaama Goluhu ka maqnaa intii Mudo ah, una kala jabnaa labo garab oo Muqdisho iyo Jowhar kala fadhiyeey Khilaaf iyo Muran Siyaasadeedna jirra oo curyaamiyeey wada shaqeyn iyo is-aaminidii Hogaanka Sarre ee Dowlada, niyad jab iyo wal-wal weyna ku abuuray Guud ahaanba Ummada oo ku han-weynid hanashada hanaan iyo hogaamin dowladeed oo dhab ah loogana baxo dhibaatooyinka iyo xaaladda Burbur ee Dalka Saameeyeey, soona celisa habkii Kala dameynta iyo Nidaankii Dowladnimo oo sida weyn loogu haraadan yahay iyo Soo nooleynta Midnimadii iyo wadda jirkii Shacabka Somaaliyeed ee Walaalaha ah iyadoo lagu saleeynaayo Habka Nidaamka Fadaraalka ah oo Cadaalad, Sinaan, Xaq Soor, Habka Saami Qeyb Cadaalad leh iyo Hanaanka Hogaanka Sarre ee Dheeli-tir iyo Habka Kaltanka lagu Saleeyo(Waana habka eey u Halgamaayaan Bahda Jeceyl ama Doneeysa Midnimada Somaaliyeed iyo Habka Faderaalka Dhabta ah).    

      Kalfadhigan ayaa looga Fadhiyaa Go,aamo iyo Arrimo ahamiyadooda leh oo  Dhanka Wanaagsan ee Danta guud u adeegaaya, loogana gudbo dhibaatadda iyo Xaaladda Jaha-wareer ee Khilaafku Sababay,waxaa mudnaanta leh hirgelinta habka Dowladnimo iyo u guda gelida howla waaweyn oo qabyada ah oo horyaala golaha Barlamaanka iyo Xukuumada si adeegyada dadweynaha looga shaqeeyo,Nidaamka iyo habka Sugidda nabadgelyada,Daryeelka Arrimaha Bulshada,Dejinta Dastuurka Dalka,Hirgelinta Habka Federaalka ah,Nabadeynta iyo Xalinta Khilaafyada Jirra iyo u Gudbida mida ugu Mihiimsan oo ah Aayaha Midnimada Ummadda Somaaliyeed, Waxaa horyaal golaha arrimo masiiri ah culeeyskooda leh una baahan caqliyad wacan iyo dareen nool iyo Damiir daacadnimo leh, xaqa garanaaya micnaha,qiimaha iyo ahamiyadda masuuliyadda garanaaya,gudashadeedana u diyaar ah, waxaa kalle oo loo baahan yahay in laga taxadiro waxyaabaha ujeedooyinka qarsoon leh danaha Shisheeyaha u adeegaaya iyo dhammaan wixii ka soo hor-jeeda Danta guud  iyo Maslaxadda Dadka iyo dalka Somaaliyeed,Gaar ahaan Kuwa Cadowgeenu Waddo Dowladda Itoobiya.

    Golle Garo Xilkaaga Qarameed iyo Masuuliyada laguu igmadeey iyo Guulaha  laga Filaayo Kulfadhigiina Koowaad oo ahamiyadiisa leh,kana fogaada dhibaatada iyo Dhaawaca Qarameed oo Fashilaadiina keeni karto, noqda kuwii Loo aayo oo Taariikhda dhanka wanaagsan ka gala,inkastoo hada aad kaga jirtaan Dhankeeda Madoow iyo Bogageeda Xumaanta, Ummadda Somaaliyeed wey aragtay Murankiinii iyo kala daadsanaantiinii,Wax qabad la,aantiinii iyo Khilaafkiinii Daneeysiga Iyo Maslaxada Gaar ahaaneed ku fadhiyeey,waana Wajigii Xumaa,Maanta Waxeey Eegaayaan bal in uu Jirri karo Waji wanaagsan,Suuban oo Caqli adeegsiga,Garasho iyo Dadnimo Wanaag ku Saleeysan haa leedihiin oo Khilaafkii Dhamaaday Xalna loo Helay Wixii Jiray Meesha laga saaray,Mudnaanta Danaha Guud iyo Aayaha Ummada Somaaliyeed la Siiyeey,Wadada Fiican oo Xaqa iyo cadaalada lehna la Qaaday Talada iyo Go,aankuna yahay mid Somaaliyeed oo eey ka reeban tahay fara-gelin iyo u Yeerin Shisheeye noocii uu rabo ha noqdee Mudanayaal iyo Marwooyin Xildhibaano Sharaf iyo Xurmo Mudan,  Biyo Sara Tegay Waa La Sugaayaa,Nin La Sugayoow Maxaad Sugeeysaa.

 
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 01/03/2006.
 
 
   

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com