HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

JAWAABTII SULDAANKA HADALKA LOO SOO DHIIBAY

   

        Aniga oo ah SULDAAN CABDILAAHI XASAN FAARAX  "Ina Sanwayne" Waxaan halkan kaga jawaabayaa maqaaladii uu qoray suldaan Naasir Suldan Shiine ee ku taariikhaysnayd January 26, 2006  kagana hadlayay in Somaliland gabooyaha xuquuqdoodii oo dhan uu ka helo, waxaanan ku jawaabayaa sidatan:

1. Waxaan leeyahay Suldaanku miyuu ku riyooday xuquuqda uu sheegayo, mise waa arin loo dhiibay oo la yidhi dheh, yaa la siiyay xuquuqda uu sheegayo sowtan dhalinyaradii Gabooye suuqa lagu dhex tooganayo sidii Eydii, cid wa iska waydiinaysaana aanay jirin.

2. Miyuu hilmaamay suldaanku arinta  waysaaleheedii loo fadhiyo ee Marxuum khadar Dhabar, maxaase la siiyay ee ah wax la taaban karo ee xuquuq ah.

    Somaliland miyaanay ahayn meesha aanad hadli karin  ee aan xoriyad qawl ka jirin, hadii ruux  Isaaq ahi ku soo dacweeyana laguu haynayo mudadii uu qofkaasi uu doono ee aan sharci laguu eegayn in aad dambi leedahay iyo in kale.

3.Waxaan leeyahay Suldaan xuquuqda aad sheegayso Somaliland ha mariso arinta marxuum Khadar ee maanta hor taala, taasi hadaanay jirin waxaan kaaga digayaa in hadal laguu soo dhiibay aad xuquuq ummadeed ku baabi'so war ayaanad isu haynine ismaaciil mire ayaa laga hayaa:

     "Adigaaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede

     Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane."

4.  Waxaan leeyahay xuquuqdaas uu sheegayo Suldaanku ma jirto mana taalo Somaaliland xaqiiqaduna waxay tahay xuquuq la siiyo daayoo maalinba ninkii wax ka lumaan ayaa qori soo qaata oo iyaga loo cadaabaa waxa lumay sida wiilkii yaraa ee naagta A*** xaday ee dadkii Gabooye oo dhan loo cadaabay.

 

             ALLAA MAHAD LEH

 

Figrada waxaa iska leh qoraaga warqadan    

Suldan Cabdilaahi Hassan Faarah

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com