Taariikhdu waa maguurto, ma duugowdo wixii
mar soomarana waa laga dheehdaa.
Waxyaabaha yaabka leh ee siyaasada
Soomaaliya kusoo cusboonaaday ayaa wexey tahay in lagu qaraabto magaca Argagixisada
Isbaheysiga Argagixiso ladirirka ee looga
dhawaaqay Dayniile, kaasoo ay ku bahoobeen Hogaamiyo kooxeedyo iyo
ganacsato ku fikir ah, isbaheysiga majirto hogaan ay hishiis ku yihiin,
waxa kaliya oo ay ku mideysanyihiin waa in ay Maxkamadaha Islaamka
ladagaalaan iyo dhibaatadii ay ummada ku haayeen in ay labajibaaraan
Nimankan hogaamiye kooxeedka ah ee
dhistay isbaheysiga sharta iyo sheydaanka ma jirto cid dooratay iyo meel
lagu doortay intaba, balse mas’uuliyada ay sheeganaayaan ee hogaamiye
kooxeed waxaa ka dhigay duruufihii dalka ka jiray kadib markii ay dagaal
geliyeen beelihii ay ka dhasheen.
Isbaheysiga argagixiso la dirirka wexey
qandaraas ku soo qaateen iney ladagaalaan Maxkamada Islaamka, iney kala
qeyb qeybiyaan iskuna diraan ummada soomaaliyeed isla markaasna dib u soo
celiyaan dagaaladii sokeeye si ay ugu abuuraan colaad, shaki iyo is
aamindaro ummada nabada dooneyso ee ka daashay qax, dil, dhac, iyo dhiig
sokeeye oo micno la’ aan u daata.
18 kii feberaayo 2006 waxaa dhacay dagaal
oo ay iskaga horyimaadeen isbaheysiga sharta iyo sheydaanka iyo
Maxkamadaha Islaamka oo kaashanaayo shacbiga kaas oo socday afar maalmood
waxaana lagu jebiyay dagaalkaas Isbaheysiga sharta iyo sheydaanka
Waxaa kaloo dagaal ka dhacay dhinaca
waqooyi bari ee magaalada Muqdisho dagaalkaas oo socday afar maalmood
waxaa isna lagu jebiyay isbaheysiga sharta iyo sheydaanka.
Hadaba markii looga guuleystay dagaalkii
hogaamiyo kooxeedyadaii ayey bilaabeen iney bilaabeen iney ummada u
sheegaan warar kutiti kuteen ah oon sal iyo raad toona leheen, ayagoo ku
andacoonaayo waxaa dagaalka ku jiro niman ajnabi ah sida Yemen iyo Ooramo.
Mrakii ay maradii ka dhacday hogaamiyo
kooxeedyadii ayey beelahoodii ku beer laxawsanaayaan in dagaalku uu yahay
mid qabiil ee tolbeelayeey i taageera, soomaalidu wexey tiraahdaa NIN DAAD
QAADAY XUMBO CUSKAY.
Waa ayaan daro in ay shacbiga dib ugu soo
laabtaan,sow maahan shacbiga ay madaafiicda la dhacaayaan kuwii markii ay
Muqdisho ku soo laabteen kuwii soo dhoweeyay kadib markii ay kubeer
laxawsadeen waxaan diidanahay in dalka la keeno ciidamo safka hore ah iyo
in Muqdisho caasimada laga wareejiyo iyo waxaan qaadeynaa isbaarada,
maamulna magaala waan u sameyneynaa.
Hadaba su aashu wexey tahay maxey soo
kordhin karaan kadib markii ay 16 sano ka shaqeynayeen dagaal sokeeye,
isku dir, iyo in dhiiga ummada soomaaliyeed laga macaasho.
Jawaabtu waa iska cadahay wax ay soo
kaordhinkaraan ma leh , waana dhamaatay wakhtigii Qabiil waxku
kaxeysashada dadkuna waa bislaadeen waxeyna u baahan yihiin nabad halku
dhigoodana waa WAXAAN U BAAHANAHAY NABAD, SIDA AAN UGU BAAHANAHAY HAWO IYO
BIYO ( we need peace as much as we need air and water )
Aad baan uga xumahay waxa ka dhacay
Muqdisho, waxaase wax lala yaabo ah in shacbi dhistay Maxkamado Islaami ah
loogu yeero Argagixiso!! Hogaamiye kooxeedow xasil nin xasilan xanfar
maridee!! Marain habaabinta aad umada ku heysaan Waa mid ay taariikhdu ay
xusi doonto ( History repeats by itself ).
Ugu danbeyntii waxaan maqaalkeyga ku soo
gabagabeynayaa uguna baaqaayaa Maxkamadaha iyo Isbaheysiga in aad ummada u
turtaan iyo in aad xal kama danbeys ah ka gaartaan khilaafka dhexdiina ah
ee dagaalka sababay waxaana idin kula talinayaa in aad madaxa u dhiibataan
oday dhaqameedyada maadama aad huwantihiin magac beeleed.
By:- Yoonis Aadan (Cigalley )
Gothenburg- Sweden
Wardhiigley@hotmail.com