HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

HADDAAN TOL WAAYEY MUSLIMNA MA WAAYEY!

 

Waxa la yidhi maalin baa jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal joogta xariif ku ahow ama huuy-da aad u kas, haddii aan lagu fasaxin oo Eebe kuu fududeyn waad muquuran!. Magaran waxa dhidikaas balliga ka dhigay? Qorraxdii baa dhow markaasaa sida tubo la furay dhididku noqonayaa! Suubanahu(csw) wuxuu noo sheegay inay jiraan dad maalintaas helaya hoos iyo hadh aan la suureysan karin. Dadkaas waxaa ka mid ah qof ku gacan seydhay oo aayadaha Eebahay iyo sida ay runtu tahay ka hor cadeeyey mas’uul Eebe xadhigiisii ka goostay oo awood u leh inuu dadka ciqaabo!

 

Eebe hortiina ha nuuriyo; waa culumada tirada badan ee ku xirxiran Xabsiga Hargeisa ee maalinba mid la jirdilayo si ay u gadmaan, laakiin kasoo dhaqaaqi waayey wixii ay aaminsanaayeen.

 

Eebe ha idin dulleeyo Qoowmu Riyaale oo ah Maxishoodayaasha caadeystay kufsiga, xarigga, jirdilka iyo marin habaabinta Bulsha weynta Somaliland si ay danahooda ay ugu adeegayaan cadowga ummada Soomaaliyeed u gaaraan.

 

Waxaa la yidhi waraabe ayaa jiilaalku ku dheeraaday markaasuu arkay nin isna safarku ku dheeraaday. Waraabihii ayaa isbihinbihiyey si uu ninkan u sasabto: “ Waaryaahee waa ninka, sowdigan calfihii kaa go’een oo afkii jilifta ku noqday. Waar aan ku qaadee si uu toobiyuhu kuugu soo dhowaado ee kusoo bood dhabarkeyga!” Waaba waraabe faras ka dhigo! Ninkii baa ku booday waraabihii inta uu iska bixiyey kabihii jaangeriga ahaa. Waraabihii baa la faranduleeyey ninkii isagoo xowli ku socda. Ninkii baa qayliyey: “ Waraabow joogso! Waar joogso waad I dhaafisay gurigeygiiye! Waar xaguu nagu wadaa!” Waraabihii siduu ninkii ulasii cararayey ayuu godkiisii dalaq la yidhi, kadibna? Warmaa yaala hee!

 

Waxaan taas ka duwaneyn yeeyda Bulsha weynta Somaliland u kacday iyagoo isleh barwaaqo ayaad gaareysaan. Maxaa ka qabsaday waa qarsanayaane! Waxaan leeyahay maaweeladu intii hore ha ahaato ee Qowmu Riyaale meel idiima wadaane godkan aad gasheen ee aad madaxa kala soo jeedaan kasoo booda oo sida Reer Koonfurta iska xoreeya Ashahaada la dirirka! Waxaa la yaab leh sida Sabtiga iyo Axada uu Tigreegu uu Kalaabyada Hargeisa uu ugu caweeyo iyagoo wixii soo agmara ay laad kala daalayaan! Waxaa la yaableh sida iyagoo qaaqaawan ay meel walba ula mushaaxayaan dumarka Soomaaliyeed! Waxaa la yaab leh sida haddiiba lagaa maqlo erega Amxaar markiiba afka laguu goosanayo: “Afku ku go’ye! Waa inaad tidhaahdaa walaaladeen aanu jecel nahay ee Itoobiya” Waxaa la yaab leh sida ay Reer Somaliland u kala garan la’yihiin Muwaadinka iyo Ajnabiga. Waxaan leeyahay marka masiibo timaado Qowmu Riyaale oo keliya ku dhici maysee dhamaan ummada Somaliland bay taabanaysaa ee iska gaara Qowmkan horeyna idiinsoo gumaaday haatana weli magiciina wax ku gumaadaya. Dadku garasha yaraa! Isqabad yaraa! Arxan daranaa! Waa bad taqaanaan Riyaale wuxuu ahaan jirey iyo hawlihiisii hore ee sidee ku aaminteen! Xornimo ayaad raadineysaan idinkooba xor ahayn! Bal horta isxoreeya! Dadka noocan ah yaasoo habay oo soo ababiyey mataqaan? Akhri qoraalkii hore http://www.midgaan.com/sayid.htm

 

Suubanuhu wuxuu yidhi: “ Haddii aan xishoodba lagugu ogeyn wixii aad doontidba iska samee”. Xishoodkii iyo xayadii baa Eebe ka qaaday Qowmka Riyaale oo waa kuwii doorkii horena gabadhii yarayd ee ay wada awoowayaasha u ahaayeen ku fara xumeeyey Xabsigan baas ilaa qayladhaan dunida ka timid ay hoggaa kasoo saartay. Tolow miyeysay wixii tegey waxba ku qaadan mise maanta culumadu Doolar bay joogaan oo waaba jaanis furan!  Bal halkan akhri www.somalitalk.com/editorial/samsam63.html. Qowmu Riyaale waa kuwii qoowmiyada aan u dhalan Somaliland u dhiibay xabashida, waa kuwii maatada iyo carruurta Reer Koonfur ee martida u ahaa kasoo raafay Hargeisa markii Viise laga waayey. Waa kuwa Qowmiyada laga tirada badan yahay sida biciidka u ugaadha ama ku kala jeexa laba baabuur inta ay lugaha uga xiraan. Halkan ka akhri http://www.midgaan.com/mag.htm Sidey u wada dhan yihiin isma qabtaan oo qof yaxyaxa laguma oga, qof damqada laguma oga, qof waxgarad ah laguma oga.  Waxaase loo baahan yahay in shicibka Soomaaliland ay fahmaan aayahooda oo ay iska gartaan awrka lagu kacsanayo haddii kale masiibada ku dhacda Qowmu Riyaale ayaa iyagana aafeyn doonta. Ogow bahashu indha ay ku kala garato waayeel, carruur, daalim, munaafaq iyo mu’min ma laha-e!

 

Waxa la yidhi saaxiibku waa ka kugu dhinta een kaa cararin maalinta aad yaaban tahay. Waxa la yidhi carruur sidaa ismoodaysay inay isku ahaayeen ayaa Yeey xuubsata ah oo gaajeysani kusoo baxay markaasey cagaha wax ka dayeen. Mid saaxiibkood ah ayaa dhinacna u dhaqaaqi waayey naxdin darteed markaasuu dhulka isku dhuftay oo neeftana isku xidhay. Yeydii baa urursatay markaasey iskaga tagtay. Kuwii carary ayaa su’aalay miskiinkii ay ka carareen waxa ay yeeydu u sheegeysay. Wuxuu ugu jawaabay: “ Yeydu waxay ii sheegtay inaan raacin saaxiibada iga carara marka xaalku adag yahay”. Haddaba maxaa ku dhacay dadka damiirka leh, culumaa’udiinka iyo weliba asxaabtii ay lahaayeen wadaadada ku xiran Xabsiga CID-da ee Hargeisa. Sow iyagu maaha laandheerayaal u dhashay wadanka? Sow ma ahayn inay asxaabtooda badbaadiyaan ama ay xeer soomaali wax ku dhameeyaan? Tusaale wanaagsan waxaan usoo qaadanayaa wareysiga laga qaaday Sh. Maxamed Ismaaciil isagoo la jirdilayo ayaa waxaa ku jirtay inuu Muxaadarada lagu soo qabtay uu la sameynayey Sheekh Mustafa. Sheekh Mustafe lama soo qaban isaga waayo tolkiis ayaan u ogolaaneyn in lagu xadgudbo, laakiin Sheekh Mohamed iyo inta la xiran oo ilaa 10-yo ku dhowaad ah ayaa habeen iyo maalin walba la jirdilaa ilaa qaar ay naafo ka noqdeen! Ninkii tol leh wuu badbaadaye, tol yare yaa tol u ah!

 

Eebe hortiina ha nuuriyo; waa culumada tirada badan ee ku xirxiran Xabsiga Hargeisa ee maalinba mid la jirdilayo si ay gadmaan, laakiin kasoo dhaqaaqi waayey wixii ay aaminsanaayeen.

 

Eebe ha idin duleeyo Qoowmu Riyaale oo ah Maxishoodayaasha caadeystay kufsiga, xarigga, jirdilka iyo marin habaabinta Bulsha weynta Somaliland si ay danahooda ay ugu adeegayaan cadowga ummada Soomaaliyeed u gaaraan.

 

Culumada ku xidhan Xabsiga Hargeisa ee lagu waayey sicir iyo qiima wanaagsan oo laga siisto dibedda ayaa haatan waxaa jirdilkooda loogu raaxeeyaa Tigreega ka amarkutaagleeya Somaliland. Waxaay waayeen tolweyne u gurmada, waxaase ka daran markii ay waayeen shicib wax fahansan iyo muslimiin u gurmata, waxaase aan marnaba meesha ka bixin ducadooda aan soo laabaneyn ee Suubanuhu(csw) yidhi: “ Waar hooy ka baqa ducada dulmanaha, waayo lama soo celiyo”.

 

Walle Qowmu Riyaale  dhowdhowdu uma dhacsana!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com