HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

Masuuliyiinta Beesha Gabooye ee Yurub oo London kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga UCID

 

Bristol.UK: Masuuliyiin uu hor kacayay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabi oo ku magac dheer Saaqa ayaa 04-09-06 kulan gaar ah la yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka Eng. Faysal Cali Waraabe oo imika ku sugan magaalada London ee dalkan Britain.  

Kulankani waxaa si weyn loogu lafo guray sidii loo eegi lahaa waxna looga qaban lahaa sidii Beeshe Gabooye ee Somaliland ay u heli lahayd kaalinta ay ku lahayd hoggaanka dalka iyo qaybsiga khayraadka dalka oo si siman loogu sooro bulsho weynta Somaliland  iyada oo aan loo kala eegin qabyaalad iyo nin jeclaysi toona.

 
Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee  Qaaradan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika
Mudane Saaqa oo ka hadlayay kulankan ayuu waxa uu tilmaamay in aanay Beesha Gabooye ka faaiidin doorashooyinkii Baarlamaanka iyo kuwii dawladaha hoose ee dhawaan dalka ka hirgalay, waxaana uu sheegay inay  wax laga naxo tahay in Beelaha Gabooye ee Somaliland aanay Xubin qudhi uga soo bixin doorashadii Baarlamaanka oo aanay maanta Beesho xubin qudha  ku lahayn Baarlamaanka Cusub ee Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in iyana doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay sanadkii 2002 aanay beeshu waxba ka helin, isaga oo sheegay in magaalada Hargeysa oo Beelaha Gabooye ay ugu badan yihiin aanay xubin qudha ku lahayn Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo ka kooban 25 xubnood.

 Mudane Saaqa waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale uu aad uga rajo xun yahay in Beeshu ay wax ka hesho hadii la qabto doorashada Golaha Guurtida, waxaana uu ugu Baaqay Saddexda Xisbi Qaran ee UDUB, UCID iyo KULMIYE iyo Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaankuba  in ay si dhakhso ah u eegaan arrintan, si Beelaha Gabooye ay u helaan xaqa ay u leeyihiin inay ka mid noqdaan Golayaasha Qaranka ee Baarlamaanka, Guurtida iyo kan Dawladaha Hoose.

 Masuuliyiinta Beelaha Gabooye waxa kale oo ay ugu baaqeen Bulshada iyo Xukuumada Somaliland inay wax ka qabtaan dhinacyada waxbarsho, iyo dhaqaale ee Beesha haysata sidoo kalena in loo hawl galo sidii loola dagaalami lahaa loona cidhib tiri lahaa cunsuriyada iyo gooni sooca jahliga ku dhisan ee Beeshan Gabooye lagu hayay boqolaalkii sanadood ee aynu soo dhaafnay.

 Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhiniciisa waxa uu ballan qaaday in Xisbigiisu uu il gaar ah ku fiirin doono Beelahan Gabooye oo uu ku amaanay Dulqaad, Samir iyo Geesinimo ay ugu adkaysteen culaysyada faraha badan ee beeshan soo waajahay boqolaalkii sanadood ee tagay, waxaana uu Mudane Faysan Ballan qaaday in Xisbigiisu uu kaalin muhiim ah ka qaadan sidii beeshu ay xaqeeda u heli lahayd.

Hadaba iyada oo aynu ka warqabano cunsuriyada iyo gooni-sooca iyo duudsiga beeshan Gabooye lagu hayay sanadaha badan waxaa Jariirada Somali Voice ay ugu Baaqaysaa Xukuumada Somaliland inay Magacawdo  Gudi Heer Qaran ah oo ka kooban Xukuumada, Baarlamaanka iyo Guurtida si ay u baadhaan dhibaatooyinka kala duwan ee haysta beeshan iyo sida ugu haboon uguna dhakhsaha badan ee Beelaha Gabooye ay u heli lahaayeen Xaqa ay u leeyihiin ka qaybgalka  Xilalka Hogaanada Qaranka, iyo  gaar ahaan sida ay suurto gal u tahay in loo sameeyo tiro cayiman oo aan tartan galin oo Beesha Gabooye ay ku yeelato golayaasha deegaanada, baarlamaanka iyo guurtida iyaga oo aan luminayn xaqooda dastuuriga ah ee ah inay wax doortaan lana doorto, sidoo kale Gudigaasi Heer Qaran waa inay hubiyaan in Wasaarad kasta iyo Hay,ad kasta oo dawladeed ay hirgaliso oo ay shaqaaleeyso xubno kasoo jeeda Beeshan si kor loogu soo qaado niyada iyo kalsoonida bulshadan boqolaalka sanadood la takoorayay, dhinaca kale aqoonyahanka, culimaa'udiinka, ururrada dhalinyarada, ururrada haweenka iyo laamaha warbaahinta ee kala duwan ayaa iyaguna  looga baahan yahay inay bilaabaan wacyi galin balaadhan oo bulshada lagu dareensiinayo sidoo loo soo afjari lahaa cunsuriyadan.

 
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Somali Voice. Bristol. UK

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com