HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Gaadhi Lnguruusal ah oo Laguwareejiyey  Suldaanka  beesha Siciidkuul  Suldaan Daakir Hasan Khaliif, magaaladda Buuhoodle. 

Waxaa sharaf u ah dhamaan beesha Siciidkuul ee ku dhaqan wadanka dibadiisa iyo gudihiisaba in ay manta gabo u galiyen suldaankoodii ay sida xaqa ah ku doorteen si ay ugu fududaato howlaha uu beesha u hayo. Gaadhigana oo noociisu yahay kan ay soomaalidu u taqaano Layla-calaawi ( waan baaburta Land-kuruusarka ah)  waxa uu gacanta suldaanka lagu soo wareejiyey  04/05/2006,  Runtii waxaa la oran karaa waa guul u soo hoyatay dhamaan beelaha hoostaga suldaanka  waayo hada ka hor lama arkin suldaan beelahan kamida oo si xor ah loodoortey, u watana si habsami ah uguna shaqeeyo beeshaasi uu matalo balse waxaanu aragnaa iyadoo ka la doortaba ay qole kale ku kacdo ama wax ka sheegto dabadeena uu iska niyad jabo oo uusan waxba qaban howlihiisa khaaska ahna uu u dhaqaaqo intuu uu qaban lahaa howsha beesha (inbadan baanu aragnay arintaasi aan ka hadlayo) laakin waxaan Illahay waydiisanaynaa talaabadan ay qaaday beesha Sicidkuu inaysan u keenin beesha wax dhiba ee ay keento horu mar iyo in laga gudbo waxyaabihii la inagu xaman jirey ee ay ugu horeysay dadkanu qadiyad ma laha oo iskuma taageeraan wixii wanaagsan ee mid ka mid ahi u keeno hadiise ay xumaani soo dhex marto waxaa lagu sii shidaa gaas hor leh, dhibta ka dhex dhacda lama damiyo ee iyadaa iskeed isaga denta. Waxaan u mahadcelinaynaa marka hore Illaahii inoo suurta galiyay arintan, marka labaadna maamulka beesha Siciidkuul ee u guntaday inay fuliyaan howshan aan hore loogu arkin beelahan  sida xilkasnimada ah u fuliyay howshan, marka xigana dhamaan beesha Siciidkuul ee ku dhaqan qurbaha ee sida wanaagsan u gartay inay la tartamaan beelaha la midkaha ee maalinkasta fulinaya mashaariicda horu marineed ee laga fuliyo wadankii hooyo, ugu dambayna suldaanka beesha Suldan Daakir Xassan Khaliif iyo dhamaan odayaasha, culuma u diinka, waxgaradka, dhalinyarada, iyo haweenka beesha ee naga aqbalay hadyadan.

Sawiro badan oo kale ayaan soo galin doonaa oo arintan la xariira inshalaah

Mohamed Adam Xiirey

hirey1 @msn.com

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com