HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |


SOMAALIYEY, MIDGAAN MAGTIISU WAA MEEQA?

 

Boqorka Gobolada Waqooyi Galbeed ee Gabooyaha ayaa dhiigii ku karay. Boqor Ahmed Warsame wuxuu arkay wuxuu qaadan waayey, wuxuu la ooyey Kahadar Dhabar oo dunida hiila ku waayey, waxaa uga sii daran Khadar oo iilkana hiila ku waayey, dadow sow qofkii qof dila in la dilo ama diyo la qaato maaha, sow arrinku uma taalo dhibanaha  qoyskiisii, sow sharcigan baasi Ajigu ma sameysan, sow dhanka Midgaanka la jiifiyaa banaan kama aha, sow Ceerigaabo iyo Booramaba Ajigii lagu dilay looma aarin, sow hadh cad tiirka lama taagin, sow lama diidin diyo iyo maslaxo, sow sharciga Somaliland baa sidaa dhigaya maaha, sow maantana lama xukmin si kale, sow Ajiga dhiigiisu 2 goor kama qaalisana kan Midgaanka, sow magtii Khadar ma noqon 5 sano, sow dharbaaxo quudheed wajhada noogama dhicin, sow kuwii qaylin jiriey ashuunka kuma adimaan, sow Caabigii Ingiiska dantiisa ma raacin, sow kuwii wax qori jirey qalinkoodu ma engegin, sow kaa cudu weyni iyo kaa hub weyni xaalku maaha, sow nin Eebahay tala saartay iyo nin Sheydaan tala saartay ma kala sad roona!

 

Xaakimkii diraca gashanaa baa af labadii yeedhay: Waar heedhe heedhe Gabooyow, waar heedhe aniga may garan? War heedhe goormaad hadalna baratay? Waar heedhe goormaad igu dhiiratay? Waar heedhe goormaad wax isbiday? Waar heedhe goormaad kor iisoo eegtay? Waar heedhe goormaad ila sinji noqotay? Waar heedhe goormaad dunida baratay? Waar heedhe goormaad xorowday? Waar heedhe goormaad gooni isu taagtay? Waar heedhe goormaad Bini Haashim ka xorowday? Waar heedhe goormaad nin raga noqotay? Waar heedhe goormaad abaanimo ka baxaday? Waar heedhe goormaad kabahii ka tagaya? Waar heedhe goormaad gamuunkii iska daysay? Waar heedhe ba’naye goormay dunidu sidan isu bedeshay!

 

Qareenkii Askariga ayaa u baxay: Xaakimow, Mudanow I dhegeyso, miyaadan maqal murtida, miyaadan ogeyn cimri dheeri inaan ka baqo, miyaadan ogeyn inay waxwalba kusoo marayaan, miyaag la yaaban tahay inay tanina noo danbeysay, miyaadan ogeyn in qiyaama la joogo, miyaadan xusuusan xadiiskii Suubanaha, miyaadan garaneyn calaamaha qiyaamaha, miyuusan kabooluhu wax xukumi doonin, miyuusan jaahilku wax xukumi doonin, miyuusan kii hooseeyey sare soo mari doonin, maxaad mudanow ula yaabi Midgaanka, maxaad ula yaabi inuu xuquuq raadiyo, maxaad ula yaabi inuu isku kaaya dhereriyo, maxaad ula yaabi inuu sharciga quudhsado, maxaad ula yaabi inuu xukunka 5-ta sano ka qayliyo, maxaadse adigu nin Duriyadii ah 5 sano ugu xukuntay, miyaadan diinta iyo axkaamta garaneyn, miyaadan aayada Midgaha ka sheekeysa garaneyn, miyaadan ogeyn in ay yihiin kuwa aanu leenahay, miyaadan garaneyn “wa maa malakat eymaanukum”, sow duulku xoolaheenoo kale maaha, sow waxaanu milki u leenahay maaha, sow in la xoreeyo mooyee sidii la rabo looma geli karo, sow inaad Askariga dalacsiisid maaheyn, sow inaad argagixisada jeelka dhigtid maaheyn, sow inaad qabaanimadoodii iyo Reerahay ku lamaansanaayeen tusaaleysid maaheyn, sow adigu wixii aanu dhaqan u lahayn maadan garab marin, sow dhaladkii 5 sano kuma xukumin, sow jinni ninkii keenaa bixiyee, Xaakimow yeelkadaa arrinku maaha!

 

Qoraalan oo cod laga soo qabtay BBC ah ka dhegeyso Shabakada Dulmane.com http://dulmane.com/suganta/codka/gaboye.ram

 

 

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

 

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com