REER BAD LOO QUBAY, HILBA BADANOW MAAN BADH
XAABSADO(Q. 2-aad)
Haddaad u fiirsato
ilmaha qurbaha ku dhashay ee waalidkood la dedaalay, waxaad arkeysaa inay
ka xushmad iyo akhlaaqba badan yihiin kuwa ku dhashay ee ku koray
Soomaaliya. Waxaan ka hadlayaa carruurta kurayada ah ee aan weli baaluqin,
laakiin kuwa shiirkoodu usoo carfay war kama noola ilaa inyar mooyee.
Carruurtan yaryar ayaa waxaa lagusoo ababiyey inaysan wax caayin, wax
habaarin oo aysan ilma kale wax yeelin. Haddii uu ilma yari mid kale caayo,
kii la caayey ku celin mayo caydii oo dhan ee wuxuu macallinkiisa u
sheegayaa xarafka ugu horeeya cayda. Tusaale ahaan ilma yar ayaa mid kale
ku yidhi Sharmuuto. Ilmihii la caayey ayaa macallinkii u cararaya oo ku
leh hebel “Sh” buu igu yidhi. Markaa macallinkii ma budh buu la dhacayaa
kii wax caayey mise cay kale, nacalad iyo habaar buu ku afuufayaa?. Maya-e
inta uu usoo dhowaado oo hoosta ka soo galo ayuu u sheegayaa in aan
fasalka dhexdiisa loo ogolayn cay loona baahneyn in saaxiibadu iscaayaan.
Haddiiba uu ilmuhu madax adeygo oo uu sii wado caydii waalidka ayaa la
keenayaa si ilmaha looga dhaadhiciyo in caydu xuntahay, waalidkuna uusan u
horseedin ilmaha wax xun marka ay guriga joogaan. Haddaba marka ilma yari
wax xun afkooda ka soo baxo ayaa inta kaloo dhan mar keliya qayla ku
dhufanayaan: “ Wax xun buu yidhi! Hebel buu caayey!”. Laakiin ilmaha
Soomaaliya jooga ayaa xagga firfircoonida iyo garaadkaba ka sareeya kuwa
halkan jooga waayo kuwa qurbaha ku dhashay waxaabad moodeysaa inay ku
dhaafsan yihiin oo markaad la hadlayso meel kaa shisheysa ayayba eegayaan.
Haddiiba qurbihii ilmaha jooga ay sidaa yihiin, maxaa kuweena waddankii
jooga waalay oo wajaqay? Jawaabtu waxaan filayaa sidii aad kusoo akhriseen
Qaybtii Koowaad inay tahay Dadka waaweyn ayaa u horseeday afxumo ama
aan barin in waxay ku hadlayaan ay tahay wax xun.
Haddaabad
dheer tahay waa lagaa daba qaylin-Dheere dheere dhuuni waaye dheri
canbuulo……… ! Haddii qofka Eebe miirkiisa isdaba mariyo waa dhagaxtuur,
weero iyo waa waalan yahay jiniyuu qabaa… dadka waaweynina waa u riwaayad.
Waxaad maqlaysaa Wi, Wi, Wic, Wic iyo ey naftu ka socoto ilaa ka xaafad ka
xaafad lasoo garaacayey. Ha iloobin Aaminey sanduuq furtooy, Aabahaa
dharuu dhaqaa….! Haka tegin Sahra yarey, xashaash badaney, gabdhaha…..!
Xusuuso derbiyadii iskoolka wixii lagu qori jirey-Maryan waa la …. Yaa wa…..!
Waxaaba ka sii daran in dadka waaweyn u dhegeystaan sida idaacada Been
Been Sii-da ilmahoodii oo iscaayaya oo yoo-yootamaya. Yoo-yootanku waa in
ilmuhu ay meel dheer fuulaan oo lays caayo ka dibna laysu jawaabo. Waxaa
arrintan aad ay ugu badan tahay Gobolada Waqooyi oo xataa ay dadka
waaweyni habeenkii uga sheekeeyaan carruurtooda. Ilmo saaran geed dheer
ayaa ku qaylinya cay iyo faaxisho aad u xun isagoo ku leh kii kale: “
Hoobey iyo hoobey inankoow! Hooyadaa shalay baan arkayoo, shan nin baa
wadatoo, Gurey baa u yaroo, gacan buu geliyoo, gacantii qudhuntoo..… Xagga
Koonfurta iyana waxaa loo sameeyaa iyadoo dhulka la joogo oo laysu baxo
cay! Carruurta oo dhan baa dhegeysanaysa oo foorjeyneysa qofkii laga raayo!.
Tolow sideen u tilmaamaa! Wa uuhey, wa uuhey, wa uuhey uuhey uuheey! Ma la
yaabtay sida wixii la sameynayaba Geed loo fuulo. Awoowaya Ajiga xataa
Geed iyagoo saaran baa la arkay!
Maxaa intaaba ka siidaran mataqaan? Riwaayadaha hadh iyo habeen la soo
bandhigo ee lagu soo bandhigo carruurta iyo dumarka hortooda iyagoo laga
sheekeynayo isfuul, ereyo xunxun oo jinsiga ka sheekeynaya iyo niiko.
Waxaa lagu soo bandhigaa in qofta dumar ahi dabada ruxdo oo ninkuna uu
dabada kaga niikiyo iyadoo daawadayaashuna ay qoslayaan iyagoo leh Zigtaa!
Zigtaa, haddana Zigtaa! Waxaan u bixiyey “Kufsiga Masraxa”! Waa
arrinta aad u bedeshay maanka dhallinta Soomaaliyeed una horseeday
faaxishada dunidu ka yaabtay ee ay ku dhaqmayaan ilaa haddiiba aad gabadh
Soomaaliyad ah aad tahay uu qofku u maleynayo inaad iska diyaarba tahay!
Kufsiga Masraxa oo laga soo minguuriyey Wadanka Congo kadib marka
daanyeerka halkaa ku nooli uu qooqo uu dabada lulo ayaa waxay na dhaxal
siisey marka dhaqan ahaan loosoo bandhigo in Ferenjigu uu kala cararo
goobahaas carruurtooda iyagoo u arkaya in ay tahay wax cawra ah oo aan loo
baahnayn in carruurtoodu ay arkaan. Horey u yiraahdeen marka aad ka
sheekeyneysaan dhaqankiinu waa fiican yahay, laakiin ha soo bandhigina
fadlan waayo wax is leh oo isu dhow maaha! Marka aad Diintiina ka
sheekeyneysaan way fiican tahay, laakiin idinkama aragno oo kaalinta
koowaad ayaad waxaad ka gasheen Aids-ka,
Carruurta wecelada ah, Ilmo iska soo ridka,
Sharmuutanimada, Beenta iyo Khayaanada.
Maxaanu ka macaashnay arrintaas? In hadalkii iyo tababaradii dhaqanka ee
ay aqoonyahanada Soomaalidu soo jeedin jireen aanba haatan dheg loo dhigin.
Waayo marka aad dhaqankaaga ka hadlaysid oo dadka aad u sheegeysid ay
ogyihiin inaad been sheegeyso sow kuguma ah weji gabax iyo Faarax(dhoorre)
ha iska hadlo!.
Waa baan hay’ad
war ku daldalay oo uga sheekeeyay dhaqanka Soomaaliyeed, Diinta iyo guud
ahaan dhaqan wanaaga Soomaalida. Guud ahaan aad baa loo jeclaystay oo si
fiican baan ugu shaacireeyey. Akhristow sanooyin ka dib oo adduunku
dhabqay bay ii yeedheen bal inaan mar kale wixii ugu soo celiyo.
Ujeedadoodu waxay ahay in ay igu baashaalaan waayo wixii wanaagsanaa ee
aan ku akhrin jirey ayaanba maanta waxba ka jirin. Aniguna waanba iska
diiday waayo waxaan kaga jawaababa garan maayo. Waxaa cashar wanaagsan ii
noqotay dhibtii waxgaradka Soomaalida ka qabsatay meelaha looga hadlo ama
lagu soo bandhigo dhaqamada kala duwan.
Dhaqanka ugu yaabka badan ee ay xataa dunida Islaamku nalagu yaabtay waa
Naag carruur badan wadata oo aan qof rag ahi la socon oo dunida daafaheeda
isaga goosheysa! Dunida Islaamka ee loo haajirayo ayaa dhaqan ahaan waxay
u taqaan qof dumar ah oo carruur wadata bilaa nin ah in ay tahay qof iska
baayacmushtarta oo jirkeeda iibisa. Tusaale ahaan, gabadh ka soo qaxday
wadanka Imaaraadka ayaa laga soo weriyey in Soomaalidu, weliba dumarku, ku
bahdilan tahay wadankaas. Hadaabad qof dumar ah tahay oo taxi raacdid
waxaa af huura leh kula soo doonanaya taksiilaha oo su’aasha u horeysa ee
uu ku weydiinaya ayaa waxay tahay ma Soomaaliyad baa tahay? Haddii aad haa
ku jawaabtid markiiba inta uu istaajiyo ayuu kula gorgortamayaa: 3 Dirham,
5 dirmah, 10 Dirham! Sow wax la baray maaha oo meesha ka jira?
Weli ma aragtay Ferenji la yaaban lebiska Soomaali xaflad ama aroos isugu
timid! Dhar khafiif ah oo boodyaha wada jooga, labada dhinac ama horey iyo
gadaalna ka jeexan! Timuhuna xaga qadaadka danbe ayey ka qoor diiran
yihiin. Markaan weydiiyey waxay ula yaaban yihiina waxayba ii sheegeen wax
aan ka anfariiray. Waxay Michelle tidhi: “ Waar dharka aad moodada moodeen
horta ma taqaanaan cida iska leh? timahan qadaadka hoose laga qorayna yaa
sameysta? Waar Soomaaliyey adduunka kala barta! Sheekadu waxay noqotay
Waar Gaydhow Burco kala baro! Dharka inta badan waxaa xidha naagaha
jirkooda ka baayac mushtara oo isa soo bandhiga! Gadaad qoridana waxaa
iska leh naagaha isqaba oo caan ku ah! Markaa Michelle waxay tidhi maxaa
idiin diidey inaad wixiina haysataan waayo qowmiyad walba oo waddankan soo
gasha dhaqankoodey ku faantaaye! Mida kale idinku dheerey ogidiinaa shaley
baabad soo gasheene; waxan ma horaad u wadateen mise halkanaad ku barateen!
Waar heedhe Michelle run badanaa! Lebis xumaa! Weli
ma aragtay habla Soomaaliyeed oo la moodo Geberey Maanyo (mermaid). Xaga
kore waxay ka gashan tahay funaanad yar oo ilmaha 4 jirku xidho, xagga
hoosena goono hore, gadaal,
bowdyaha
iyo lugaha kaga malaasan, Markaasaa waxay u ekaatay sida Geberey Maanyada
ay xagga hoose ka tahay oo kale. Adigoo Buufiska iska saaraya oo iska
aaryeeysanaya ayuun baad waxaad maqlaysaa xaw, xaaf, xaw, xaaf, xaw, xaw!
Waar waxan iga daba guuxayaa waa maxay? Baabuur maaha, baaskiil maaha,
xawayaan cidii maaha, tolow ma kuwii barafka xaaqayey miyaa? Dib haddaan
jaleecaba waa qof naftii u timid oo socon la’ oo dabran! Naa heedhe maxaa
sidan kuu galay ee aad isu ciqaabtay haddiiba la weydiiyey, yaaba
Soomaaliga kuu yaqaan! Oo adeer imisaad joogtay markaad su’aashana, 3
bilood, 6 bilood, sanad lee maahoo! Yahuu!
Yaahuu Siiq siiqlow!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
|
|
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo
qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu
qoraagu soo qorayo.
|
|