HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |


Beesha Gabooye Ee Somaliland Oo Cadaalad Darro Ka Tirsatay Maxkamadda Rafcaanka Somaliland

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 April, 2006 

Hargeysa (Somaliland.Org)-- odayaasha iyo cuqaasha beesha gabooye ee Somaliland ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku eedeeyeen xukuumadda iyo garsoorka Somaliland inuu ku sameeyey cadaaladd darro iyo yasitaan ka dib markii marxuum ku abtirsada beesha gabooye oo sannadkii hore nin ka tirsan ciidanka booliisku uu xabad ku dhooftay goob ka mid magaalada Hargeysa, iyadoo maanta maxkamadda racfaanka ee Somaliland ay ku xukuntay ninkaasi dilka u gaystay marxuumka mag 100 halaad ah iyo shan sanno oo xadhig ah, balse beesha marxuumka ayaa ku tilmaantay xukunkaasi mid aanay raali ka ahayn maxkamaduna ay iyadu maroorsatay iyadoo og in beesha gabooye looga tiro badanyahay Somaliland. 

Garaad warsame oo ah garaadka beesha gabooye ee Somaliland ayaa saxaafadda isagoo maanta la hadlaaya wuxuu ku sheegay in xukunka maxkamaddu uu yahay mid cadaalad darro ah iyadoo ninkii marxuumka dilay toos loogu hiiliyey, garaad warsame wuxuu sheegay in magtu ay iman karto marka labada dhinac ay iskaga raali yahiin, balse iyagu ay dalbadeen in maadama uu yahay gacan ku dhiigle isagana loo dilo, taasina ayuu yidhi garaadku ay maxkamaddu xaqsoor ku samaysay iyadoo dirsooc iyo faquuqid ku samaysay baaqa beesha gabooye, wuxuuna sheegay inaanay beeshiisu aqbali doonin. 

horaantii sannadkii 2005 ayaa gacan ku dhiiglaha dilay marxuumku wuxuu goor fiid ah qudha kaga jiray xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa, isagoo gacan ku dhiiglahu wakhtigaasi ku jiray hawl ilaalaynta guud ee loo yaqaano roondada lana socday ciidamo iyagu kormeera magaalada Hargeysa habeenada qaar, maxkamadda racfaanka ayaa saaka ku xukuntay gacan ku dhiiglaha 100 halaad oo mag ah iyo shan sanno oo xadhig ah, balse waxay u furtay qoyska marxuumku inay racfaan ka qaadan karaan maxkamadda. 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

 

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com