HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Dhibaatooyinka lagu hayo dadka laga tirada
 badanyahay ee reer boontlaand/Xamar

****

Jirdilkii Ugu Xumaa Abid Ee Ka Dhaca Saldhiga Magaalada Gaalkacyo

Waxaa maalintii labaad saran dhagaxa maydka lagu dhaqo ee isbitaalka magaalada Gaalkacyo nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Dhuux kasoo si xun loogu jir dilay gudaha saldhiga boliska magaalada Gaalkacyo. Dilkan ayaa yimid kadib markii uu Aabihii dhalay ninkan uu saldhiga ugu soo xirtay si dhaqan celis ahaan ah kasoo loogu sheegay in uu wax qaad qaad bilaabay.
Hase yeeshee haweenay ayaa markii danbe timid gudaha saldhiga askartii halkaas joogtayna u sheegtay ninkani inuu Dahab ka xaday. Kuna sii xoojisay inay juga-jugayn ku sameeyaan si uu u sheego dahab ay ku sheegatay halka uu geeyay.

Siday ahaataba jirdil xoogan kadib Cali Dhuux wuxuu u geeriyoday jir dil aad u daran oo ay u gaysteen askartii ku fulisay jirdilka, aabihii dhalay wiilka oo is lahaa booqo wiilkaagii ayay filan waa ku noqotay wiilkaagii waa dhintay waxaa uuna yaalaa dhagaxa isbitaalka ee maydka lagu dhaqo.

Waa dhacdadii labaad ee jirdil caynkan oo kale ah loogu gaysto dadka laga tirada badan yahay,bil kahor ayay ahay markii jirdil loogu gaystay dhalin yaro kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool kuwasoo iyagana lagu eedeeyay inay bakhaar ku yaala degmeda Bacadwayn ka jabsadeen kana qaateen lacag dhan $3000 taasoo markii danbe noqotay waxba kama jiraan, dhalintaas ayaa iminka qaarkood laga jar jaray gacmahoodii kadib markii ay dhakhaatiirta isbitaalku sheegeen inaysan daawoobi Karin gacmohoodu.

Isku soo duuboo boliska magaalada gaalkacyo waxaa ay ku dhawaaqeen inaysan waxba kaqaban Karin amaanka magaalada Gaalkacyo kadib markii ay badatay qul-qulatooyinka Gobolka Mudug.


M J Faarax
GedoNet New Puntland

Galkacyo:- Taariikhdu markii ay ahayd 26/05/06  ayaa waxaa magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug lagu dilay marxuum
Cali-dhuux  Guuleed Guure, oo udhashay beesha madhibaan  isagoo markaa ku xirnaa saldhigga booliiska degmada  gaalkacyo oo loo geeyay dhaqan celin , kadibna askartii saldhigga boliiska qeyb ka mid ah oo habeenkaa kor ku xusan shaqada la haa ayaa waxa ay ku marjiyeen xarig sida ay qaarkood qirteen, dilkaasoo ay hadda uxiran yihiin laba ka mid ah askartii xilligii uu dilkaa foosha xun uu dhacayay shaqada lahayd.       waxaana dhibaatoo ah in aysan ilaa hadda aysan saxaafadda punt-land aysan arintaa kaa hadlin hadal haynteedana aan laga maqlin mana ahan wax la qarin karo amaba laga aamusi karo. waxaa kaloo jirta in aan ilaa hadda meydkii ninkaa dhalinyarada ah aan weli la aasin  maanta oo ay taariikhdu tahay 27/05/06 saacadduna tahay 10:00 barqo nimo  ee waqtiga soomaaliya  xaaladdiina aad bay ilaa xilligan ucakiran tahay .
 

waxaana horay udhacday in sanadkii 2002 kii  ay ciidanka booliiska gaalkacyo xassuuq ba'an ugeysteen beesha madhibaan halkaasoo ay ku geeriyoodeen labo nin kuna dhaawacmeen 12-qof  ilaa xilliganna aan wax laga qaban lana horkeenin sharciga . 

wixii dhacdadan  foosha xun ku soo kordhana dib baan ka soo shiigi doonnaa insha ALLAH.

 

 SABEEYE

****

Dhibaatooyinka lagu hayo dadka laga tirada
 badanyahay ee reer boontlaand

BURTINLE:-  Anaga waxaa naga soo gaartay halkaan in nala yiri nooga baxa xafiiskayaga midgayohaw midguhu dhaleen markaan diidnay canshuur qaad oo aan niri waxaan rabnaa xubnihii aan xaqa u lahayn deegaanka oo aan u dacwoonay meel kasta oo ay khusayso arintaas wax wax nooga qabtana weyney  kadibna waxaan diidnay canshuurtii ilaa ninkii canshuurt qaadayey ay kuwii kabaha tolayey sandaqadii ay kabaha ku hor tolayeen ku sooxireen waxaan isla gaarnay heerar xun xun idaacadiihiina iyo saxaafadahii reer buntilaana ay diideen inay wax kaqoraan ama anga  waraystaan dhibatooyinkaas nalagu hayo.

Raawe55@hotmail.

XAMAR:-
Odayaal Abgaal ah ama sheeganaya oo dadka dhiigooda cuna oo  leh waanala dulmay   iyagoo    waliba daddulmana haklan ka dhageyso  abgaalow

Warbaxin ku saabsan Niman Jareer ah oo lagu Gawracey (Qaley) xama Jareer

Ragii minority ah oo jirdil bili adanimada aad u uxun loogu geystey potland  Dhageyso jirdil

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com