Dagaalka ka socda Caasimadii Qaranka Muqdisho una dhexeeya
labada
Dhinaca ee Shalay ahaa Xulafada isku Qadaiyada ah,hab
nabadeed iyo hab
Iskaashi lehna kuwa joogay Magaalada, kaalin weyn ka
qaatay dhibaatadda Dadka shicibka ah,kana soo wada hor-jeeday
Dowlad ku Sheega u Madaxa
ka yahay
C/Laahi Sheekh oo anigu aan u aqaan Dowlada Igad/Soma
oo aan Heysan Kalsoonida Aqlabiyada Ummada Somaaliyeed,Khilaafkan
ayaa la
Oran karaa wuxuu leeyahay Ujeedooyinka Kalle,waxaana ka
dameeyn karra
Dhinacyo Qarsoon iyo Dowlado Waxaana lagu Fashilinaayaa
Shirka ama
Kulanka Golaha Barlamaanka Fadhiidka ah,
Colaadan oo u muuqata mid waji qabiil yeelatay oo ah Is-baheeysiga
Aqbaal/
Muruursade iyo Ceyr wax u eeg leh, sida la xaqiijinaayo
Gacmo Siyaasiyiin
ka Dameeyaan Gaar ahaa-Dr-C/Qaasim Salaad Xassan iyo Xataa
Xiisad
Abuurid Madaxweyne C/Laahi Yuusuf uu ku leg leeyahay,
ayaa ah mid ayaan Daradeeda leh, Dhibkeeda leh Dhaawac weyn ku ah
Guud ahaanba Ummada
Somaaliyeed oo Daalan Gaar ahaan Gobolka Banaadir Wadnaha
Qaranka,
Dagaalkan habka Diineed lagu Tilmaamaayo iyo Argagaxiso la
dagaalanka
Xaqiiqadu Sidaas ma ah ee waa Daaha wax lagu qarinaayo,
Maxaa Hadda
ka Dhigay Kooxo argagaxiso ah,Markii Horre Maxeey
ahaayeen,Waa Kuwii
la Ogaa oo Halkaas Joogey,Maxaa Isbedeleey, Dagaal
oogayaasha Miyeey Diinta ka Baxeen Waa Maxeey Jihaadku, Timir Laf
baa Ku Jirta.
Marka aan Cabiro Aragtideeyda waa Qorshe lagu
Curyaaminaayo Kulanka
Golaha Barlamaanka Fadhiidka ee 26/02/2006 la filaayo in
uu ka Furmo ama
Loo qoondeeyeey in uu ka Furmo Magaalada Baydhabo si looga
wada hadlo
Xalinta Khilaafka Labada Garab ee Muqdisho/Jowhar ee ka
Wada Tirsan
Dowlad ku Sheega Igad/Soma oo Liidata Hogaamin Xumano
Heysato,Shaki
kuma jirro in Colaadanu Khasaaraheeda leedahay, Dad badan
oo aan Waxba
Galina Naftooda ku Waayeen, Arrimaha eey sii murjin doonto,
waxaa kalle oo
Xusid mudan in Kalfadhiga Barlamaanku Wax Qiimaha yeelanan
hadii eey ka
Maqan yihiin Hogaamiyaasha Hubeeysan ee
Muqdisho(Libaaxyada Banaadir)
Suudi,Qanyare,Caato iyo Ini Ceydiid, Barlamaanku Cod
aqlabiyad ah kuma
Shaqeeyo ee wuxuu ku saleeysan yahay Xubno Mudnaan
leh,Dagaalka oo
Looga soo Hub iyo Ciidanba ururinaayo Gobolada Jubooyinka
iyo Sh/Hoose
ayaa kuu Cadeeyneeysa Wadada uu Qaadan oo Qabyaaladeed.
Xalka Arrimaha Somaaliyeed kuma
jirro Gacan Ummada ama Dadka
Caadiga ah oo Aqlabiyada ah ee Wuxuu Gacanta ugu Jiraa
Hogaamiyaasha
Dagaalka iyo Dhibaatada ka Shaqeeya,Dhiiga Dadka Daadiya
oo ah Wasiiro
iyo Xildhibaano Sharaf leh iyo Madaxweyne Maamuus
Mudan,Aslana ah
Gacan ku Dhiiglayaal Waaweyn, Belaayo Abuurayaal iyo
Qaranimo Diid
Dhab iyo Raxan Xaaraan ku Naaxayaal ah oo af-duubay
Shirkii Kenya oo
Laga Filaayeey in lagu Xaliyo Qadiyada Somaaliyeed,Lama
Marin Wadadii
Nabadeynta,Wadadii Danaha Somaaliyeed, Wadadii Hab
Dhaqameedka iyo
Xeerka Somaaliyeed ku Saleeysneyd, Habkii Wanaagsanaa
Saraaxadda iyo
Xaqiiqo Sheegida ku Fadhiyeey oo Guusha lagu Gaari Lahaa,
Faro gelin iyo
Talo Shisheeye iyo Aragti Dambiilayaal ayaa ku Midoobeey
Shirkaas Maxaa
Ka Soo Baxeey Dowlada Igad/Soma oo ah Shirka ka Dhexeesa
Raxanta isku
Sheegta Hogaamiyaasha Somaaliyeed iyo Hogaamiyaasha Habka
Qalfsan ku
Heeysta Shucuubka Dowladaha Igad,Dhanka Muqdisho iyo
Siraaca Awoodda
Waxaa Tusaale loo Soo qaadan karaa Golohii Degaanka oo
Hogaamiyaashu
si weyn ugu dadaaleen iyo sida loogala hoos baxay
Indhahooda oo Shan ah
Waana Guuldaro weyn iyo Dhaawac Siyaasadeed oo
Culeeyskiisa leh.

Waa ayaan Darro iyo Xaalad
Naxdiinteeda leh waana garasho xumadda
ama dareen la,aanta Dadka Somaaliyeed ee u af-duuban
Caadifada Qabiil
iyo Qabqablayaal Adeecida, Maalinba Waji Cusub iyo Xaalad
Hor leh oo
Dhiigaha Dadka lagu Daadinaayo ayaa la Daawanaayaa oo
Weliba Taageero
La Garab-taagan yahay, Guulaha eey Soo Hooyaana waa
Khasaare,Khasaare
iyo Ayaan Darro Iska Soconeeysa, Qoriga iyo Qabyaalada
ayaa Caqligii iyo
Dadnimadii ka Awood Weynaadeey ,Somaaliyeey Dantaa
Garo,Wanaag Garo
Xumaan Dhaaf,Colaad Dhaaf,Belaayo iyo Taageero Qaswadayaal
Iskaga
Baxa,Midnimo Dhab ah,Dowlad Xaq ah iyo Qiimaha Somaaliyeed
Garta oo
Garta Hadii Garaad Hadhay Somaaliyeey Garta.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 24/02/2006-