HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

China ma noqon kartaa mustaqbalka hormuudka ganacsiga iyo warshadaha adduunka
Ka dib markii aan gaarey Beijing, oo ah caasimadda Shiinaha fikirkii aan ka qabey intii aanan imaanin iyo kan aan kala kulmay waa wax aad u kala duwan maxaa yeelay waxaan filayey in  eey China tahay meel aad u horumarsan isla markaana  eey tahay in hadda boosas laga sii qabsado; si aan looga dib dhicin horumarka eey ku talaabsaneyso; laakiin yaaaaaaaa khasaaaaaaaaaaara.
 
ugu horeyn dadka shiinaha oo ah kuwa ugu tiradda badan adduunka maba daneeyaan luqadaha ajnabiga ah intooda badani amaba waxaan oran karaa 90% in ka badan.
 
tan xigta xataa  qoraaladda ama alaabadda ganacsiga waxeey ku qoraan fartooda, waxaan aad  ula yaabey ka dib shan saacadood oo aan magaaladda beijing ku dhex wareegaayey inaan waayo cid  af ingiriis ku hadasho iskaba daaye af kale waayo waxaanu wada soconay wiil ka yimid tuunis oo aanu kuwada hadleyney carabi isagana eey u dheereyd luqada france.
 
waa yaab aan yareyn, waxaad ku qasban tahay luqadda dhagoolayaasha inkastoo aad wax badan ku wareereyso si aad u sharaxdo.
 
magaalo madaxda shiinaha waxaa ku nool dad lagu qiyaasey 15,000,000 (shan iyo toban milyan), 95% in ka badan waa muwaadiniin shiine ah, hadaba ajnabigu maxeey ka noqon karaan in lagu dhex arko magaaladda jawaabta idinkaan idiin daayey; waxaa laga yaabaa in leys weydiiyo address sii qaado markaad shiinaha tageysid, taas lafteeda shaki baa galaya ah, haddii address-ka aad wadato uusan ku qorneyn far shiine cid kuu garata ayaadba waayeysaa, haddii uu far shiine ku qoran yahay waxaa lagaa rabaa faahfaahin dheeraad ah taasna waad ku dhiiqaneysaa, mana aha tani wax khiyaali ah ee waa dhab aan taabtey, oo aan is leeyahay uga war bixi dadkaaga, una sawir aragtidaada iyo fikirkaaga waxa aad ku aragtey shiinaha.
 
runtii dhinacyadda dhismaha daaraha dhaadheer ee magaaladda beijing, waa kuwo aad u qurux badan aadna u faro badan, inkastoo eey leedahay wadooyin waaweyn oo aad u faro badan hadana silkihii iyo xarkihii korontadda ayaad arkeysaa oo ku tuban baalayaasha wadooyinka mar baan waxaan soo xusuustey, bakaarahii xamar sida eey xarkaha taleefoonadu iyo kuwa korontaddu ugu tubnaayeen baalayaashii qadiimka ahaa ee ka harey dagaaladdii sokeeye iyadoo qaarkood eeyba la tiicayeen dhaawacyaddii xabadaha ee ka soo gaarey dagaaladda.
 
waxaan la yaabey busaska dadweynaha oo ku shaqeynaya koronto xarkaha eey ku shaqeeynayaane eey ku teedsan yihiin baalooyinka una raaracaan dhinaca waddada bartameheeda iyagoo dherer hooseeya u jira mana mari karaan meelahaasi baabuur dhaadheer ama aad kor ugu raran, inkastoo eeysan jirinba halkani baabuur dhaadheer iyo kuwo aad kor si taag ah loogu raro balse anigu waxaan ka qiyaas qaadanayaa N3-yadii rimooradda ahaa ee soomaaliya dhuxusha iyo alaabaha kale goboladda loogu rari jirey.
 
waa caasimad runtii aad u qurux badan, welina uu ku sii socdo dhismo daaro aad u dhaadheer una qurux badan, waxeey leedahay Taxi-yo dhowr nooc ah, iyo kuwo dhex bood ah, (waxaan uga jeedaa kuwo aan Taxi ahaan u sharciyeysneyn), lagama yaabo inaad hesho taxiile af ajnabi ah yaqaana haba yaraate; kolley anigu waxaan u fahmey ineey cuqdad ka qabaan luqadaha ajnabiga amaba eey  rabaan ineey ku qasbaan luqadoodu ineey noqoto international.
 
hadaba aqristoow, haddii dani kaa soo gasho Beijing, amaba duruufi ineey ku keento eey dhacdo xusuusnoow wadada
SUN LI TUN,
oo ah tan keliya ee aad ka heli karto dadka ajnabiga ah ee ku nool ama jooga magaalada beijing.
'Mohamed Abdi Ali Jabane' <bucurde14@hotmail.com>
 
WABILAAHI TOWFIIQ,
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com