|
 |
Beelaha
Jareer Weyne qaab Dhoola-tus ahaan miyaa Mashruucyadda Qaar loogu
fuliyaa?....Qisaastuna ma ayagu un bay qabataa.!!!!!!..?
Qisaasta waa nolol, haddii lagu
dhaqmana waxay horseedaa ammaan, xasiloomi iyo nabad, sida uu ALLE ku
cadeeyay Qur'aankiisa Kariimka ah, waxaana u aragnay si baraatiko ah,
marka loo eego xaalada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo
maxkamado islaami ah ay muddooyinkaan ka dhaqan galayeen Soomaaliya,
mar marna bur burayeen, waxayna maxkamad waliba salka ku haysaa
qabiil, oo waxaa si gaar ah u furta dadka ka soo jeeda beelaha isla
qobka wayn.
Qisaasta lagu fuliyo dadka, waxay
mararka qarkood noqon kartaa xad gudub iyo xitaa masiibo wayn oo
ummada loo halaago, sida uu rasuulka {SWC} uu ku yiri
Xadiis ka hadlaya Qisaasta, oo ay ku caddeyd; in dadkii hore loo
halaagay iyagoo qisaasta ama xadka ku oogi jiray dadka
masaakiinta ah, ee taagta daran, halka kuwa laf waynta ka soo
jeeda (Allaa awood lehe) markaas ayuu Rasuulka (SWC)ku dhaartay
inuu gabadhiisaba hanoqotee xadka ku oogi doono, haddii ay
xad ama dembi kale gasho.
Xaalada Soomaaliya waa la wada ogsoon
yahay, siiba magaalada Muqdisho, oo inta badan ay ka dhacaan
dilal maalaayacni ah, labadan bilood ee ugu danbeysayna ay soo
martay laba dagaal iyo isku dhacyo dad badan lagu laayay, qaarna
lagu dhaawacay. Waxaan dhawaan ka dhacay fal Qisaas ah, oo deegaanka
Barmuuda lagu fuliyay,
f alkaas ma ahayn kii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca
oo qisaas ah, laakiin wuxuu uga duwanaa kuwii uga horeeyay, in loo
fuliyay qaab ay dad badani xamili waayeen, oo Tooreey meel banaan
ah lagula dhacay gacan ku dhiiglaha, tasiba ha joogtee, waxaa dib
kasoo baxay in qaabkii loo fuliyay qisaasta aanay u dhamayn sharici
ahaan sidii Islaamku u dajiyay.
Haddii dil dhaco, waxaa iska caadi ah inay ka wada
hadlaan, kana xaajoodaan labada dhinac (Reerka ciida wax dishay
kasoo jeeda iyo reerka kale ee wax laga dilay), maxkamadda Maka
Al-mukarama ee Qisaasta fuliysay nooc kastoo ay ahaataba wax
dambi kuma laha in qisaas la fuliyo, waase ahddii ay shuruudihii u
dhan yihiin.
waxay qisaastu ka dhacaysaa magaalo madaafiic la
isku heysto oo maalin walba ciddii ladoono lagu dilo, iyadoo aanay
jirin wax isku raacasho ama sharci xukuma, waxaa kasii daran, ma jiro
nidaam iyo kala dambeyn, oo ma dhisna waxa loo yaqaan kala danbeynta
sida maamul xaafad, degmo iyo gobol midna, mana jirto awood wax
ka qaban karta haddii xad gudub ama falal dembi ah dhacaan.
Ninka la Qisaasay iyo kan wax qisaasay waxay kasoo
wadda jeedaan beelaha aan hubeysneyn ee loo yaqaan, looma ooyaan,
looma aaraanka, iyo hal heysyo kale oo dhammaantood muujinaya in aysan
waxba ahayn sida ladoonana laga yeelanaayo, waxayna labada reer kasoo
jeedaan beelaha {Shanta Caleemood iyo shiidle} waxayna beesha shanta
caleemood oo gacan ku dhiiglaha ka soo jeeday ku andacootay in
lagu degdegay qisaas ku fulinta wiilkooda, isla markaana ay balan
lahaayeen qoyska ninka laga dilay, sidaas darteed; qisaastii dhacday
dhawan waxay ahayd mid qalad ku jirto, haba ahaato sax in qofkii
qof dila abaalkiisu yahay in isna la dilo.
Baaritaan iyo raad raac uu sameeyey shabakada
Jiimonet, ayaa u suura gashay in xaalada dhabteeda wax ka ogaado,
iyadoo dad la qaraabo ah ninka la qisaasay ay jiimonet
u xaqiijiyeen in ayaga iyo reerka ninka laga dilay ay ku ballan sanaayeen
in ay diyo kala qaataan, hayeeshee, ay maxkamada soo dadajisay
falka Qisaasta, iyadoo xiliga la qisaasayay gacan ku dhiiglaha aysan
goobtaasi joogin wax ehelkiisa ah, xitaa gabar isaga
la dhalatay oo inta badan raashiin u keeni jirtay la xiray,
iyadoo aan wax danbi ah haba yaraatee aan galin. Taasna
waxay muujinaysaa in waxa ka socda Muqdisho oo dhami ay yihiin
xaalad yaab leh, oo dadka miyirka qaba ugu filan in ay ku waashaan. Ma
joogno xaalad aan khaladaad ku sixi karno, maxaa yeelay; waxaan
ku nool nahay xaalad wax waliba qaldan yihiin, waxaase muhiim ah, oo
wax haddii la helo loo aayi lahaa ah, in qofkii dembi galaa lagu qaado,
dambigiisa.
Waxaan jeclaan lahayn, deblayda Afduubka, Dhaca,
Kufsiga iyo dilalka har iyo habeen geeysata in Shareecada Islaamka la
mariyo, waxaan ku farxi lahayn; kuwa dagaalada qarxiya ee maalin walba
ummada dusheeda ku dagaalamaya, shacabkana gumaadaya laga jaasiyo
dhibaataeda ay geysanayaan......Shareecada Islaamka dadka oo dhan waa
u siman yihiin....Mise, xaalka waa in beelaha aan hubeysneyn sida
ladoono laga yeesho, Beelaha Jareer Weynana qaab dhoola-tus ahaan
mashruucyada qaarkood loogu fuliyo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Muqdisho Somalia
|
|
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo
qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu
qoraagu soo qorayo.
|
|