HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 
Isbaheysiga beelaha dulman oo soo saaray war ku saabsan kulanka Baarlamaanka iyo Soomaalida qurbaha ku nool

Somaliweyn -Muqdisho-Somalia-15/02/06

Waxaa maanta Qoraal dhinacyo badan taabanayay soo saaray Isbaheysiga beelaha Dulman ee Soomaaliyeed, taasoo Isbaheysigu ka hadlay ugu horeyntiiba qoraalkiisa ku muujiyay in markii la riday Dowladdii Maxamed Siyaad, laguna han weynaa in loo gudbi doono dib u heshiisiin Qaran iyo saami- qeybsi cadaaladeed, balse waxaa soo kordhay kala sooc siyaasadeed iyo nabadgelyo xumo saameysay dadka oo dhan gaar ahaan beelaha aan hubeysneyn ee ku abtirsada Isbaheysigan.

"Waxaa la hor-joogsaday dhammaan xuquuqdeenii cadaaladeed iyo karaamadii bani'aadanimo ee Ilaahey na siiyay oo lagu bedelay inaan nus nahay" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Isbaheysiga, oo dhinaca kale lagu faahfaahiyay aragtida Isbaheysigaasi ka qabo shirka Baydhaba ee la filayo inay isugu yimaadaan xubnaha Baarlamaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, "Waan soo dhoweyneynaa shirka Baydhaba, waxaana suuragal ah inuu fure u noqdo qaab cadaaladeed iyo jidkii loo mari lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo hub ka dhigis caalami ah.

“Ma jirto cid guul siyaasadeed ku gaari karta dulmi iyo kala sarreyn aan loo heyn nac diini ah, waxaana lagu xad gudbay xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo soo baxay sanadkii 1948-kii” ayaa lagu yiri qoraalkaasi oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Isbaheysiga beelaha Dulman Md. Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaalli).

Tusaale ahaan markii beelihii Soomaaliyeed ee abuuray dagaalada sokeeye kusoo ku abtirsada beelaha hubeysan u carareem dibadaha waxay sheegteen magaceena sida: Boon, gabooye, Tumaal, Banaadiri, Jareer iwm oo loogu heyb sooco beelaha ku abtirsada isbaheysigan oo ka kooban beelaha aan soo sheegay, waxaana beesha ka codsanaynaa in dib loo eego dadkii shalay na takooray, maantana magaceena caalamka lagu tixgelinayo ee xuquuq lagu siinayo” ayuu yiri Md. Shookaalli oo ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed

 

Jabriil Maxamuud Nuur “jabka”
jabriil37@hotmail.com

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com