Xaalad
Abaareed oo aad u ba,an ayaa ka taagan inta
Badan Goboladda Dalka Somaaliya, Biyo L,aan,
Baad La,aan Iyo Xoolihii oo Dhamaanaaya ayaa
laga Soo Sheegaayaa Gaar ahaan Goboladda
Koonfurta ee Xuduuda la leh Dalalka Kenya iyo
Itoobiya oo Halis ku Sugan.
Abaartan
ayaa Beryahan Damme Soo noq-noqoneeysay
Roobabkii oo Yaraaday Awgeed Iyo Dalka oo aan
la,heyn Dowlad Gurmad iyo Gargaar Biyo iyo Cunto
ah, Waana Xaalad Naxdiinteeda leh Heerka Nolosha
Dadku Gaarteey, Waxaa Wararku Sheegaayaan in
Dadkii Gaajo iyo Daryeel la,aan awgeed eey
Dhimanaayaan, Waana Mid Dhibaatadeeda leh,
Culeeyskeeda leh Wel-welkeeda leh Gurmad iyo
Gargaar Deg-deg ahna loo baahan yahay si loo
quudiyo dad fara-badan oo Xaaladoodu Liidato.
Waxaan
Halkan ugu Soo Jeedinaayaa Jaaliyadda
Somaaliyeed ee Qurba Jooga ah ee Qaaradda Yurub,
Waqooyiga Mareykanka Iyo Dalka Austaraaliya Baaq
ku Saleeysan Bani-aadaminimadda, Islaanimadda,
Somaalinimadda Iyo Walaalnimadda Asaliga ah ee
Ummadda Somaaliyeed ka Dhexeeya, Hab Dhaqmeedka
Wanaagsan ee Ummadda ayaa ku Saleeysan Is-Caawinta
Iyo Isu-Gargaaridaba, Waa Masuuliyad Weyn oo
Akhalaaqi ah, Dareenka iyo Dadnimadu ina
Fareeyso, Shareecadda Diinta
Xaniifka ah ee
Islaamku Ina Fareeyso, Garashadda Caqliga
Wanaagsani Ina Fareeyso Ehelnimadu Ina Fareeyso,
Iyadoo Xaalad Abaareed oo Bilow ahna laga Soo
Sheegayo Dhinaca P/Land Iyo S/Landba.
Waxaan
Soo Jeedinaayaa in Ololle Gargaar Dhaqaalle
Ururin si deg deg ah loo Bilaabo, Abaabulo
Habeeysan Jaaliyadu Qaado oo sida ku Haboon
loogu Guntado Caawinta Dadkeena, Walaalaheena
Tabaaleeysan ee Gaajadda iyo Biyo La,aanta ugu
Dhimanaaya Goboladda Koonfurta, Sanduuqyo waa in
La Furaa, Shairkadaha Xawaaladda Wadaniga ah ee
Waaweyn-Dahabshiil, Amal Exprees, Dalsan,Badda
Cas,Olampik, Xamdi, Iyo Kuwo Kaleba Waan in eey
Masuuliyadood Gutaan Sidii Looga Barteyna
Gurmadka iyo Gargaarka Doorkooda ka Qaataan,Hab
Xisaabeed Abaaraha ku Sabsana Furaan,
Culimaa-udiinka Somaaliyeed ee Qurbaha Jooga in
eey Masaajidyadda ka Jeediyaan Baaqo iyo Codsiyo
Caawimo Dadweynaha u Soo Jeediyaan, Daladaha
Haweenka oo ku Caanka ah Caawinta iyo u adeegida
Howlaha Samafalka ah,Door Wanaagsana lagu
Yaqaano ayaa Maanta Kaalintooda Loo Baahan Yahay.
Dhammaan
Akhristayaasha Sharafta iyo Xurmada weyn Mudan
ee Shebekadaha Somaaliyeed ee Wadaniga ah ku
Xiran Iyo Qorayaasha Waaweyn Iyo Maamulka
Shebekadaha Waxaan u Soo Jeedinaayaa in eey
Doorkooda qaataan,Gurmadkana Gacan ka Geeystaan,
Tusaaleenta iyo Dhiiri-gelinta Dadweynaha
Joogteeyaan, Qoraalo iyo Baaqyo Joogto ah oo
Abaaraha ku Saabsana Soo Saaraan, Alle ayaa
Raxmad, Kheeyrka , Barakadda Iyo Gargaarba leh
Waxaan ka Baryaayaa in uu Raxmadiisa Roobeed ugu
Deeqo Ummadda Somaaliyeed ee Abaaraha Ba,ani
hayaan Xaaladooduna Halista ku Jiro Badbaadiyo
oo Naxariistiisa ku Maneeysto-Amiin.