HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Maxamed Adam Xiirey oo ka qayb galay shirkii ururka SSHDA (ururkan oo magaciisa loo soo gaabiyay Sool, Sanaag, iyo Howd devolepment agency.

Asalaamu calaykum waraxmatulaah: Ilaahay baa mahad leh, isagaana xaq lagu caabudaa. Maalinimaddii July 4, 2005 waxaa ka dhacay magaalada Washinton DC ee wadanka maraykanka shir ay soo abaabushay shirkada SSHDA, shirkaasi waxaa beelaha gabooye uga qayb galay Maxamed Adam Xiirey. Maxay tahay shirkada SSHDA: waa shirkad horumarineed oo loogu talo galay inay ka howl gasho sadexdan gobal ee Sool, Sanaag, iyo Howd, sharkadanu waxay jirtay mudo 6 sano ah illaa hadana waxyaabaha ay u qabatay bulsha waynta ku nool gobaladan lama tirin karo (Illahaow ka abaal mari wanaaga ay samaynayaan dhalinyaradan ku midoobay shirkadan ) waxaase ugu muhiimsan :

1-     Jaamacada Magaalada Laascaanood ee loo bixiyay: Nugaal University

2-     Shirkada biyaha ee Dayah Group oo ceelkii biyaha ee ugu horeyay ka soo   saaray magaalada Buuhoodle hadana ku howlan sidii ay gobaladan oo dhan ugu soo saari lahaayeen biyo ku filan oo dadka iyo xooluhuba ka haqab beelaan.

3-     Waxbarashada dadka caruurta iyo dadka waawaynba oo ay waxbadan ka qabteen iyagoo ka dhisay magaalooyin fara badan iskuulo iyo dugsiyo qur’aan.

4-     Iyadoon la koobi Karin waxqabadka shirkadan waxaa kale oo ay fureen xarumo lagu daryeelo agoomaha iyo rajooyinka una furan qof kasta oo agoon ah. 

  Maxay tahay sababta aynu uga qayb galnay shirkan: Maadaama oo aynu ka mid nahay bulshooyinka ku nool goboladan waxaynu xaq u leenahay inaynu ka qayb galno wanaaga iyo hour marinta ka socota gobaladan 

Faa'idooyinkii aynu ka soo helnay shirka:

1-In dadku hadii ay tashadaan mowqif  iyo go’aan adagna ay leeyihin ay qaban karnaa waxyaabo badan, runtiina aysan malayn karayn waxqabadkooda.

2-In beesha gabooye ee ku nool goboladani ay ka qayb qaadan karaan adeegyadan horu-marineed ee ka socda gobaladan iyadoo aysan jirin wax u kala dhexeeya iyaga iyo adeegyadan beelaha oo dhan ka dhexeeya.

3- Soo dhawayn iyo walaaltinimo ay u muujiyeen beelaha kale ee dagan sedexdan gobol ee Sool, Sanaag, iyo Howd iyagoo ugu baaqay inay beelaha gabooye ka qayb qaateen horu-marinta gobaladan oo ay iska daayaan ismartiyayta, xaqoodana ay raadsadaan (nimaan hadal hooyadii qadisay).

        Ugu dambayn waxaan  mahad u celinayaa dhamaan odayaashii,haweenkii,dhalkiyaradii sida diiran ee walaaltinimadu ka muuqatay ee iigu soo dhaweeyay shirkani waxaanan ka rajaynaa in beesha gabooye ay hada ka dib iska saaraan is martiyaynta aan Illaahay ku qaban.

  Mohamed Adam Xiirey

   Hirey1@msn.com

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter