HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 Dugsi Cusub Ayaa Laga Furay Magaalada Laascaanood Oo Wax Lagu Barrayo Dadka Gabooyaha Ah Ee Dan Yarta Ah..

Warkii: May 15, 2005

Laascaanood(Radiossc.com):-
Waxa  laga furay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
 Iskuul  lagu magaacbo Gargaar oo ay wax ku baran doonaan  Arday  ka soo jeeda Beesha Gabooyaha ee aan awoodi karin in ay iska bixiyaan Dhaqaalaha Waxbarashada.

Iskuulkan ayaa ilaa iyo hada inta la diwaan galiyey ay marayaan Caruurta wax ku barta 70 iskatoo ay wali socoto is qoristu sida Radiossc.com u sheegtey Waris Cali Warsame oo ah madax Ururka Haweenka Gabooyaha ee Gobolka Sool, waxaana la filayaa in ay kor u dhaafaan tiradan,sidoo kale Waxaa Iskuulkan wax ku baran     doona Galinka Danbe Dadka Waaweyn gaar ahaan Haweenka.

Waris Cali oo sidoo kale madax ka ah Ururka Haweenka ee Hanaqaad
 
ayaa mar ay ka hadlaysay hadafka loo furay Iskuulka ku tilmaamtey mid
 looga gol leeyahay sidii baahida Aqooneed looga saari lahaa Bulshada Magaalada Laascaanood gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beelaha Laga Tirada badan yahay, oo ay haysato baahi balaadhan oo dhinac walba leh.

Waris oo ka hadlaysay Dhibaatada Haysata Dadka laga tirada badan ee ku Nool Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Soomaliya,waxa ay Waris sheegtey in ay haystaan bulshadaasi dhibaatooyin farabadan oo keentey in ay ka hadhaan bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed ,sida Waxbarashada,Dhaqaalaha IWM.

Waxaa kale oo ay Waris ka hadashay baahiyaha ugu waaweyn ee haysta,kuwaasi oo hakin kara ka midho dhalinta qorshan lagu Doonayo in Bulshadaas laga saaro baahiyaha haysta,islamarkaana loo soo gaadhsiin lahaa Bulshada Deegaanka inteeda kale,waxa ay sheegtey Waris in ay yihiin baahiyaha jira Qalab la’aan sida Kuraas, Miisas iyo Agab yada kale ee loo adeegsado Waxbarashada oo dhan.

Waris iyadoo wali ka hadlaysa Baahiyaha haysta Iskuulkan in ay mid yihiin Dhaqaale xumu, Guriga oo ku yar oo Hal Fasal iyo Dhiiri galin la’aan ka haysta Bulshada laga Tirada badan yahay kuwa jooga dalka gudahiisa iyo Dibadiisaba. 

Waxaa ay Waris ugu danbayntii u mahad celisay dadkii kala qayb qaatey Furida Iskuulkan oo ay ma kid yihiin Madaxa Hay’ada SVO, Hay’ada SSHDA,Gudoonka Waxbarashada, Iskuulka Gatewey, Culimada Degaanka, waxayna ugu baaqday Waris Maamulka Gobolka, Bulshada Deegaanka,iyo Jaaliyada Gabooye guuda haan iyo u dhashay Deegaanka SSC,in ay gacan ka sii yaan Hawlan Samafaleed ee Bulshada loogu adeegayo..

 

Radiossc.com

Laascaanood Puntland.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter