HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 
 

 Gabeygii  DIFAAC.

Gabaygan gaaban waxaa curiyey anigoo ah abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]. Wuxuu soo baxay 16/1/2006. Waxaana ku taageerayaa abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise [Singub] oo lagu been-abuurtay dhaawacna sumcaddiisa loo geystay. Gabaygan wuxuu hordhac u yahay suugaan taxana ah oon ugu talagalay difaaca abwaanka weyn.

 
           DIFAAC.
 
Suugaan qabiil lagu sidkiyo, tahartu waa seede.
Sadbursiyo sawaaf kuma wacniyo, inaad sagsaagtaaye.
Subax noolba waa dhabannahaays, waxaan salaannaaye.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
Sokeeyiyo nin aan saaxib nahay, iyo sabcowl guuna.
Sun nin ii walaaqiyo midkii, gacal I sooraaba.
Iyo kaan I sigineen I sadin, surunna ii joogsan.
Soomaalinimadaan jeclohoon, uga sarriigtaaye.
 
Sammihiyo wanaagguu dumaa, saban colaadeede.
Sumcaddiisa waa baarka sare, saaka iyo jeere.
Abwaan kama sarreeyaan qabaa, bilicda saansaane.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
Soddon sano ka badan buu ku jiray, curinta suugaane.
Sooyaalka waa laga bogtaa, sadaradiisiiye.
Saqaaf maansadiisaa ku bari, sawracuu yahaye.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
War waa ceeb-saliin waa suldaan, lama saluugaane.
Saqajaan ma booriya waqii, saad u aragteene.
Sinnaan iyo caddaaluu na faray, laga salgaaraaye.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
Saariqiyo Wallee tuugga, waan seeta barayaaye.
Sirroow iyo inuu khaa'in dhiman, saacu ka caddaaye.
Sacabadu ma daahaan midkaan, saa u garanoowe.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
Anigoon qabiil suud u xiran, dhinacna aan saarin.
Anigoon salfududaaninoon, been u sarajoogsan.
Suugaanta xeerkeeda wacan, anoon sansaareynin.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
Sarbeeb culus anoon kuu sawirin, dhumucda suugaanta.
Anigoon qabiil saalo marin, amaan ku seynsaabin.
Soomaali guudkeed anoon, saaka kala geynin.
Singub inaan difaaciyo murtida, igu sax weeyaane.
 
Seeddiyo abtaa lagu ogaa, iney sarriigtaane.
Sooyaalka qoom baa diloo, gacal siraadshaaye.
Sabeen iyo haddaan nalagu xirin, samo gob xeerkeeda.
Wallaahaan tix saakhina ka oran, ceebtan salaqleynin!!!.

 

  Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com