Home

Contact

GUEST BOOK Suganta GUEST BOOK

Isagii oo dhan

Ra,iisal Wasaarre Proff- Cali Maxamed Geedi ayaa Dhowaan Magacaabay Wasaaradda Daryeelka Bulshadda iyo Xuququl Inshaanka,

Loona Magacaabay Wasiirka- Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ah Nin Waayo arag ah, Muddo dheerna Saraakaal Dowladeed ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka ahaan Jiray, Aqoon Fiican u leh Habka Maamulka iyo Howlaha Qorsheeynta, Ra,iisal Wasaarre- Geedi ayaa Wasaaradaas u Xulay Masuulkii ku Haboonaa, Waana u Hambalyeeynaayaa Wasiirka-Mudane-Ceelaabe. 

 
Wasaaradda Daryeelka Bulshadda iyo Xuquuqul Inshaanka ayaa ka Wasaaradda ku Cusub
Golaha Xukuumadda Somaaliyeed waana Markii ugu Horeeysay oo Wasaaradda Noocaan ah lagu Soo Darro Golaha Xukuumada, waana mid Ahamiyadeeda leh, Si weyn loogu Baahnaa, Waayo Dalka Somaaliya waxaa ka Jirra Arrimaha Badan oo Culeeskooda leh oo ah ku Gafida Xuquuqul Inshaanka iyo Falal Waaweyn oo Xadgudubyo ah oo Si Cadaan ah loogu Hayo Qeybo Balaaran oo ka Mid ah Bulshadda Somaaliyeed, waa Arrimo la wadda ogyahay, Calaamad Madoowna ku ah Hab Dhaqameedka iyo Jiritaanka Qoomiyadda Somaaliyeed, waa Nooc ka mid ah kuwa ugu Xun Noocyadda Cunsuriyadda Aduunka ka Jirra (Habka Quursigga iyo Dulminta Lagu Dadka La Isir Sooco), Sidda Gobooyaha oo ah Beelo Xurmadood, Sharaftooda iyo Dadnimadooda leh, Ahana Dad Somaaliyeed oo Xuquuq ahaan la Siman Dadka Somaaliyeed oo Dhan, Isla Markaana aanu jirrin Wax Qiil ah oo Loo Cuskanaayo Habkan Takooridda iyo Xuquuq Duudsinta. 
 
Wasirka Wasaaraddaas, Mudane-Ceelaabe oo Asal ahaan ka Soo Jeedda Goboladda Waqooyigga ahna Nin Waayo Arag ah ayaa Sidda ku Haboon u Fahamsan una Dheregsan
Falalka iyo Dulmiyadda Faraha Badan ee Sidda Joogta ah loogu Geeysto Dadkaas, Umana Baahna Cid Faham Siisa Dhibka Jirra iyo Heerka uu Geeysiisan yahay, Heerka Xanuunka iyo
Tacadiyadda Soo Jiitamaayeey Qarniyadda iyo Qarniyadda, Waqtigana Gaaray Heerkii Ugu
Sareeyeey, Loona baahan yahay Joojinta iyo La Dagaalanka Dhaqankaas Foosh Xun,Gefka
iyo Dulmigga iyo Cadaalad Daradda Weyn ee Beelahaas Lagu Hayo. 
 
Mudane-Wasiir, Xilka Wasaaradda Iyadoo Laga duulaayo Howsha ugu Horeeysa oo in Si Deg-
Deg ah loogu Dhaqaaqo loo Baahan Yahay ayaa ah- In Habka Quursigga Loo Aqoonsado Nooc ama hab Cunsuriyadeed, Lagana Soo Saaro Shuruuc iyo Xeer Qaran oo Reebaya, iyo
In Wasaaradu Soo Diyaariso Barnaamijyo Wacyi Gelineed, Isla Marka La Abuuro Golaha La Dagaalanka Hababka Quursigga iyo Xuquuq Duudsinta Dadka Dulman oo Dhan, Golayaasha Somaaliyeed ee Illaalinta Xuquuqul Inshaankana lagu Booriyo Hirgelinta Baabi,inta Dhaqanka Foosha Xun ee Baadilka ah ee Kala Soocaaya Dadka Somaaliyeed, Iyadoo Guddiga ka koobnaato:- Dadka Aqoonta Fiican u Leh Shuruucdda ama Qawaaninta iyo Xeerarka,Dadka
Aqoonta Fiican u Leh Diinta Islaanka iyo Habka Shareecadda, Dadka Dhaqanka Somaaliyeed
ku Xeel Dheer oo Dadnimadda iyo Damiirka Wanaagsan leh,Xubno Ka Socdda Ururadda Rayidka Haweenka, Dhalinyaradda iyo Jaaliyadaha Qurba Jooga ah. 
 
Mudane-Ra,iisal Wasaarre iyo Mudane-Wasiir, Arrinta Quursigga iyo Xuquuq Duudsigga ayaa
ah Arrin Sumcad Xumo iyo Dhaawac Weyn ku ah Jiritaanka, Qaranimadda Ummadda iyo Dalka Somaaliyeed, Iyadoo Aduunyadda inteeda Badan laga Tir-tiray Dhammaan Noocyadda Cunsuriyadda iyo Falalka ka Soo Hor-jeedda Xuquuqdda Dadka Alle Abuuray Isla markaana Xuquuqdooda Simay, Maadaama Ummadda Somaaliyeed tahay Muslin Buuxa waa in La Raacaa Sidda Diinteenu Dhigeeyso, Adoonsigga, Quursigga, Dulmigga, Baadilka iyo Dhamaan Ficiladda Xadgudubka ah ayaa Reeban, Dowladda Somaaliyeed, Hogaamiyaasha Dhaqanka, Ururadda Bulshadda, Culimaa,udiinka, Qurba Jooga iyo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed ayaa Looga Baahan yahay Tir-tiridda Dhammaan Ficiladda Foosha Xun ee Dalkeena ka Jirra, Mudanayaal, Quursi Maya, Xuquuq Duudsin Maya, Sinaan La,aan Maya, Duli Maya, Xadgudubyo iyo Habka Baadilka ah Maya, Xaqiraadda Joogta ah Maya, Dhibka iyo Afla-gaaradda Joogta ah Maya, Ummadda Somaaliyeed, Beelaha Somaaliyeed waa Siman Yihiin Xuquuq Ahaan, Dad ahaan, Nasab ahaan, Diin ahaan, Iyo Isir ahaanba, Waxaa Dadku Is-Dheer yihiin Qof iyo Aqoontii iyo Kartiisa, Wixii Xuquuqdda Xaqa Dhaxalka ku Saabsan Waxaa laga Raacayaa Sidda Shareecadu Qeexeeyso.
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 11-07-2006.
 

Copyright © 2005 Dulmane.com   All rights reserved.
Hit Counter