Abwaanku wuxuu
guubaabinayaa dadkan la quudhsado inay isu
yimaadaan oo ay isku duubnaadaan. Wuxuu gabayga
guubaabada ah ku tusaaleynayaa in ay haboon tahay
in beesha la quudhsadaa fahanto taariikhdooda iyo
meesha ay ka soo jeedaan ee aysan iska qaadan
sheeka xariirta uu Ajigu(Talaamiin) isugu
sheekeeyo.
Wuxuu yidhi
Abwaanku:
Teeroon Tumaal
iyo Midgaan tuur isaga keeno
Oo aan Yibraa
taar u diro togaga maaxaaya
Teeroon
tamuuxaa niman ka badan tiirsho garabkayga
Teeron tol kay ururiyoon
talada gaar siiyo
Teeroy tacliin tiyo san cadu kay isukutoosto
Talaa miinta teeroon kabaxo taabka nagu haysta
Teeroon
Talaamiin u diro toban kun oo wiila
Taariikhda
teeroon hubsado nalaga toodheeyey
Tumunbaa
isaarane anaan gees isaga tuurin
Tirin mayo
maansooyinkaad igu taqaaniine
Tiiraanyadayda
aan qabee hay tagliifina
Inta ay
taraareen ragbaa saada tiigsadaye
Anigana taydu
Soomaali bay iigu taalaaye
Inaynu tiir ka
soo wada baxniyo turuqyadii Aadam
Ooynu isku tiig
nahay jidhkaa laga tilmaamaaye
Ma cirkaydin
tegi Eebahay baysku keen tolaye
Waxaa tiriyey Abwaan Boobe
Cabsiiye
abdi_duse@yahoo.fr
Waxaa soo diyaariyey C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com