Waxaa
gabayga hoose tiriyey Abwaanka Caanka ah ee
Soomaalinimadu ku dheer tahay Mohamed Sangub.
Abwaan Sangub oo aad uga soo qayb gala
golayaasha iyo shirarka looga hadlayo quudhsiga
iyo takoorka ayaa had iyo jeer ku baraarujiya
Soomaalida inaysan ku habsaamin sheeka xariirta
ay ku habsaameen awoowayaasheen. Wuxuu inta
badan ku canaantaa Soomaalidu inaysan daacad ka
ahayn waxyaabaha ay qabanayaan ama ay ku
hadlayaan. Wuxuu ku booriyaa dadweynaha
Soomaaliyeed ee ka soo qayb gala shirarka iyo
kuwa soo abaabulayba in afkooda iyo uurkoodu uu
is waafaqo. Inta badan waanadiisu waxay ku
saabsan tahay in layska daayo Munaafiqnimada oo
runta laga sheegaan waxa uuka yuurura ee buux
dhaafay. Hadaladiisu waxay ku soo gabagabeysmaan
in Quudhsiba uu dhamaan lahaa haddii inta ay
indhihiisu arkayaan oo soo hor fadhiya ay daacad
yihiin. Maansadu waa hoodo iyo heybad Eebe ku
siiyee isagoo cod baahiya dul taagan ayuu wuxuu
doono tiraabaa!.