HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK| OPINION |

Heeso

Gabayo Cod ah

Gabayo Qoraal ah

GABAYGA 
Qayla dhaan ha dhiirado Quudhsiguna ha baaba’o! 

 Waxaa gabayga hoose tiriyey Abwaanka Caanka ah ee Soomaalinimadu ku dheer tahay Mohamed Sangub. Abwaan Sangub oo aad uga soo qayb gala golayaasha iyo shirarka looga hadlayo quudhsiga iyo takoorka ayaa had iyo jeer ku baraarujiya Soomaalida inaysan ku habsaamin sheeka xariirta ay ku habsaameen awoowayaasheen. Wuxuu inta badan ku canaantaa Soomaalidu inaysan daacad ka ahayn waxyaabaha ay qabanayaan ama ay ku hadlayaan. Wuxuu ku booriyaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ka soo qayb gala shirarka iyo kuwa soo abaabulayba in afkooda iyo uurkoodu uu is waafaqo. Inta badan waanadiisu waxay ku saabsan tahay in layska daayo Munaafiqnimada oo runta laga sheegaan waxa uuka yuurura ee buux dhaafay. Hadaladiisu waxay ku soo gabagabeysmaan in Quudhsiba uu dhamaan lahaa haddii inta ay indhihiisu arkayaan oo soo hor fadhiya ay daacad yihiin.  Maansadu waa hoodo iyo heybad Eebe ku siiyee isagoo cod baahiya dul taagan ayuu wuxuu doono tiraabaa!.

Abwaan Sangub wuxuu ku bilaabay: 

  1. Ayax dhowre quudhsiga
  2. dadku way isku wada qayr
  3. waa in lays qadariyaa
  4. wuxuun buu ka qoonsaday
  5. qadafkii markaa jirey
  6. Welina way qandoodaa
  7. Buurihii qabiilkuyoo
  8. Way kala qoqoban tahay
  9. Qammaan baa wuxuu yidhi
  10. Baadida qof baa raba
  11. Raadkeeda qaadoo
  12. Quluubtiisu dooneyn
  13. Qudhii inuu kusoo baxo
  14. Ismaaciil qabaalkii
  15. Lagu qoday ridada-ee
  16. Kuwii ay qudh waayeen
  17. Qayla dhaantii uu yidhi
  18. Kibirkiyo qabkuu nacay
  19. Saahid qawlkii uu yidhi
  20. Maamul inaanu qaybsano
  21. Qorituurka loo rido
  22. Mase way qurxoon tahay
  23. Hadduuse qaadigii yidhi
  24. Qatagow dhig hay odhan
  25. Qaraarkaa maya dheh
  26. Qalad qalad ku sixii
  27. Qaynuun la’aantii
  28. Isqadarin la’aantii
  29. Qabiil qabiil ku faankii
  30. Ayaa khasaarahaas dhigay
  31. Qosol haddaad banaysaan
  32. Beentana aydin qeexdaan
  33. Runtana aydin qarisaan
  34. Indhaha qoordabeedka
  35. Midna qalac ka siisaan
  36. Midna dabin ku qabataan
  37. Qadaf weeye xaajadu
  38. Shirarka aynu qabanaa
  39. Daacad kuma qorsheysnee
  40. Wuxuu qariyey dooniyow
  41. Qalbi iyo af kala jira
  42. Allow yaa ina qala-oo
  43. Qasnadeena daawada
  44. Waxa quudhsi yuurura
  45. Qaadirkeen mid
  46. Ashahaada wada qire
  47. Muslimkii is qaabila
  48. Qolo qolo ma kala laha
  49. Imisaa Quraankiyo
  50. Qaybaha Xadiiska ah
  51. Laynoo dhigay ha qaateen
  52. Qalbiadage  Aadame
  53. Qaarbaa diiday Nebiyadii
  54. Qaadirkeen u soo diray
  55. Qayladhaan la dhiirado
  56. Quudhsiguna ha baaba’o
  57. Reerkaan aqoontii laga cunay
  58. Qiimihiina laga tiray
  59. Magacna qoorta loo suray
  60. Ee qoyska Soomaali
  61. Qarqarna aan u dhaafeyn
  62. Bal inay qaboobaan
  63. Boogta qolofta laga rogo
  64. Xaal aad u qara weyn
  65. Inaad taqabal siisaan
  66. Ood qoomameysaan
  67. Qiirada la oydaan
  68. Qayladhaan la dhiirado
  69. Quudhsiguna ha baaba’o
  70. Qufac aan dawo lahayn
  71. Qandha aan bogsoonayn
  72. Taariikhdii qudhmuuneyd
  73. Qanigani ma tiri waa
  74. Weli qodaxdii lama gurin
  75. Fartii boogtu may qaban
  76. Lama qodin dhibaatadii
  77. Qayladhaan la dhiirado
  78. Quudhsiguna ha baaba’o
  79. Arrimahan qarada weyn
  80. Qolku raagan soo jirey
  81. Qaadaa dhigeedii
  82. Aqoonyahan qorsheeyiyo
  83. Qalin-buug ha loo maro
  84. Xisaabaha la qaatiyo
  85. Qoraalada ha lagu daro
  86. Qayladhaan la dhiirado
  87. Quudhsiguna ha baaba’o
  88. Nabsi qooqay baa yimid
  89. Ina qaaday daadkii
  90. Haddaynaan is daba qaban
  91. Qabyadii la wada tolin
  92. Qaybiyuhu wax soo celin
  93. Dhamaan mayo quudhsigu
  94. Qaafil aan wax garaneyn
  95. Yam-yam iyo Qadaad weyn
  96. Isu qodhisadaas baas
  97. Qax iyo boobka lagu dhalay
  98. Qumayadan isu ekadan
  99. Aan qiimaha lahayn
  100. Ma ilaa Qiyaamey kala qaybsanaan uun
  101. Qayladhaan la dhiirado
  102. Quudhsiguna ha baaba’o
  103. Aqoonyahankii qarankow
  104. Qorax waliba shukul bay
  105. Qaadirkeeda wadataa
  106. Midiyaha inoo qora
  107. Neefkana inoo qala
  108. Oo qawda maqashii
  109. Qorshe kuma hagaagee
  110. Qayladhaan la dhiirado
  111. Quudhsiguna ha baaba’o
  112. Culimada quraankiyo
  113. Dhallinyaro qusuusiya
  114. Hooyo qaaliyoo wacan
  115. Odayaal wax qaban kara
  116. Kuligeen qasaarahan
  117. Qadafka weynu leenahay
  118. Qayladhaan la dhiirado
  119. Quudhsiguna ha baaba’o
  120. Dhiig lagu qubeystiyo
  121. Boolida la quutiyo
  122. Qaabkii Fircooniga
  123. Kulli qaatil baan nahay
  124. Qabrigii adduunku leeyahay
  125. Oo qabiil laguugu dul xidhay
  126. Qayladhaan la dhiirado
  127. Quudhsiguna ha baaba’o
  128. Maskaxda iyo qoortiyo
  129. Quruxda iyo wejigiyo
  130. Indhaha araga qaadiyo
  131. Dhegaha maqalka qaybiya
  132. Afka lagu qaraabtiyo
  133. Carabka qawlka celiyiyo
  134. Hunguri quud mareenkiyo
  135. Gacmaha hawsha qabaniyo
  136. Lugaha socodka qaybshiyo
  137. Qunbaha calooshiyo
  138. Qarqaradiyo beerkiyo
  139. Sambabka neefta qaadiyo
  140. Wadnaha qaaligee wacan
  141. Kelyaha qayb mareenka ah
  142. Qayb-qayb jirkeena
  143. Qaarkee baynu tuurnaa
  144. Keebaanse wax qaban
  145. Qaabkaasoo kalaan nahay
  146. Qakhtarada qaliinkaa
  147. Qaabkoodii aan nahay
  148. Haddaad qaadaneysaan

Waxaa tiriyey Abwaan Mohamed A. Sangub

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo

 
Copyright © 2005 Dulmane.com   All rights reserved.
Hit Counter