HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK| OPINION |

Heeso

Gabayo Cod ah

Gabayo Qoraal ah

GABAY EED SHEEGAD


Soomaalidu waxay isugu sheekeysaa quraafaadka ay ka dhaxleen awoowayaashood. Waxaa la yaableh sida maanta ay weli ugu dhegan yihiin caadada foosha xun oo u sheegeysa inuu Ajigu(Talaamiin) marna u ogolaan bulshadan uu hayb soocay xoolo, dhul, maal, tacliin, sharaf, nolo iyo waxkastoo oo uu isleeyahay way kuugula soo simi karaan. Abwaanku wuxuu ka qisoonayaa siyaabaha kala duwan ee kor ku xusan ee lagu bahdilo Midgaanka. Wuxuu kaloo tilmaamayaa beer laxawsiga Ajiga marka ay xaajadu adkaato: Sownagii isku jilib ahayn? Waar nin reerka ah baad tahaye wax nala qabo! Laakiin markii dantii la lahaa laga gaaro xaajadu waa: Waar yaad is mooday Midgaanyahow! Ma iska hadalkii baad run mooday! Is hubso Xaaji!

Wuxuu yidhi Abwaanku:

Abwaan weeye wanaagsan aynigii u sareeya
Urursha ah oo layaqaano Illaahay xigmad siiyay
Aragtidiisa tilmaamay eraygiisana dhiibtay
Illaah baan baryaa inusiiyo abaalgud
Intaasi wa arartiiye anbaqaadka warkayga aan ujeedo udhaafo

Soomaalay idilkaa aag kastood naga joogto
Inantaa iyo wiilba adyad baan ku qabnaa
Ehelkayga dhamaan inta aan ku arooro
Illaahay iga beeray aafooyin aad u dhib wayn
Ibtilooyin xanuun leh intoodii ku samaysay

Ayaa aad ugu baahay eelkan yaala dhaxdeena
Idinba aad aragtaanee abadee abka reebay
Hadii aan wada aasno abaal baan ku qabaa
Anficii dhulka hooyo Illaahay kugu siiyo
Eed amaan ku helayso aayihiisu wacnaaday

Ufo meel ka hilaacday adigoo aan ag joogin
Oonka kaama baabiiso
Afartaa isugeeyay idhi oo iska dhaafay
Waxa uurka gubaaya intaydiina irdheeyay
Inyar aan ka idhaahdo

Arligeena dhamaan intiinoo matalaysay
Askarigeena amaanka ka albaabka ilaasha
Intii kalee ka saraysay idinkaa isku koobay
Intii aad iska diiday naftaadii ku adkaatay
Ana aan ku samraayay ubadkii ku sabaayay

Ajnabaad egmateenoo arla dheer laga keenay
Ayaa iridii iga buuxshay
Islaantaydi udgoonee oridii dhaliwayda
Ee sadkeedi adkaaday dhir ay aad u taqaano

Adhaxdaa marinaysay Illaahay u sahlaayay
Idaacadahaa ka hadlaaya iyaduun lagu haysto
Idinkaa u sameeyay Inantaydii sabool ee
Iftiinkiisa aroorta irsaaq doonka ahayd
Ololaa lagu qaaday adin meel dhigi wayday 

Ardaygaygii iskuulka aayar soo dhigan waa
Aflagaado darteed idinkaa ka eryaaya
Oontii Eeba na siiyay inyar laygama siinin
Agtiinaan ku dhamaaday
Aqalkaan ka kiraysto adduun buuran mahaysto

Amaahdii igu diid albaabkii iga ooday
Ardaa meelan ka taago oryihii ku xaraysto
Ordayoo heli waayay
Idinkaa iiga horeeyay awowgaa baa yar il duufay
Ehel baynu ahayn inagaa isku ooda

Aaminoo dhulka hooyo shisheeyaa ka ilaasho
Meel kaleeto ha aadin afkaa yaad waxba saarin
Adduunyada ha u qayshan cidi yay ku ogaanin
Amakaag iyo yaab iyo erkeg baanu ka qaadnay
Haddii aan Alla weyne allaylkii intaan tooso

Arjigayga u dhiibto inkaara ay ku dhacaana Ana way i asiibi
Haddaan kii usha qaata iyagii u daraayay
Ayaama aan u shaqeeyana kaga eed bixi waayay
Wax danboo aan ku eegto safarkayga ku oosho
Meesha iimaba yaalee eraymaal idilkii

Kan ka aaminayoow heedhe Yuusuf Abwaan
Afkeenu waysu amaane
Maahmaahbaa odhanaysay wadaad oomane jooga
Injirtii lama taabto arinkay u ekaaye 

Gobanimo aad u macaan uumiyuu ku qaboobay
Guryaa aad u sareeyiyo baabuur aad u qurxoon
Diyaaraad laga iibshay indhahayga ma saarin
Ayaan aan idin raacee ma isoo tusaysaan

 

Waxaa tiriyey Abwaan C/Raxmaan Duse abdi_duse@yahoo.fr

Waxaa soo diyaariyey C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

 

 

 
Copyright © 2005 Dulmane.com   All rights reserved.
Hit Counter