Tixdan gaabannna waxaan u soo tiriyay aniga oo
ka xumaaday dhibaatooyinka lagu hayay qoyska Gabooyaha
loo bixiyay oo misna mid kale loogu daray taasoo ah gumaad
dil xarig iyo xasuuq iyo weliba caburin.
Tixduna waa tan ee bal ila eega.
Ga'da gabay in dhowaydba waa anigaan geline
Gelin dhexaadkii xalay baan hurdada is gariifney
Gardarrada gadoodka ah baa i gelisay geeskiise
Gabooyuhu gun maahee idinkaa guneeyeye
Geed hadduusan gun lahayn gobku ma gaareene
Gaddayda ma aha in guluf la igu gaadaaye
Geyi gobi joogtaan lahaa geli calooshaade
Giddi wixii horaan lahaa gees iskaga riixe
Guryo samo dhankeedii miyaan gaysh ka filanaayay?
Geedkaa ma fuuleene gorgaatoow adaa gilgilay howshaane
Geeddi baan ka ahay gadahaan la igu gumaadaayo
Gole wayn bal ii xaadha idinkaan gacal wadaagnaaye
Gabdhahayga guursada iina guuriya kuwiinna waannu is geynaaye
Gogol gacaltooyo ii gogol hadaan iga galiilyooni
Goor aan gabbalku iigu dhicin geeddi baan ahaye
Gaadiid iyo gawaari iiga diyaari geyiga Banaadir
Gadaal baana looga garrami geesiga ciidda hoos maraye
Idinka irir wada sheegta waayadaan nimanka iiddoore
Gashigiinna ha uga tegina weiligiin haba guduutaane
Go ee iyo go ee maxaa gardarro la ii gaystay
ka gees iyo ka gees maxaa guudka la ii saaray
Gardarradan aan geed galka lahayn garanba maayaane
Gaashaamo guriyow middaan saa ku guri maysee
Guullahaan cuskanayaa wixii gef ee la ii gaystay
Gole looga aaraa jira miskiin guudka laga fuulay
Gar yaqaannadaan u diri intay dunida guud joogto
Gar dambana Guullaan ka sugayaa haatan dabadeedeeee