HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika


Bristol- Somali Voice 22-08-06: Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo imika ku sugan dalkan Britain ayaa maanta ku qaabilay huteelka uu deggan yahay ee ku yaala badhtamaha London Masuuliyiin ka socotay Beelaha Gabooye ee reer Somaliland oo uu hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Beeshaasi ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabi oo ku magac dheer " Saaqa"

Xubnahan ka socday beesha Gabooye waxay madaxweynaha ka wada hadleen guud ahaan dhibaatooyinka dhaqaale, waxbarasho iyo dhinaca cadaalada darrada ee beeshaasi dul saarnayd sanadaha tirada badan ee sida cadaalada ka fog loogu takoorayay beeshaasi Gabooye, waxaanay ka doodeen sidii xukuumada Somaliland ay gacan u siin lahayd sidii beeshu ay uga soo kaban lahayd dhibaatooyinkaasi una heli lahayd cadaalad iyo xaq soor u siman guud ahaan bulsho weynta Somaliland. 

 Kulankan oo ahaa mid si weyn ay isugu afgarteen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Beesha Gabooye waxaa la isla gartay in Xukuumada Somaliland ay si weyn wax uga qaban doonto cabashooyinka jira ee beeshu ay tabanayso isla markaasna waxa Madaxweynuhu uu sheegay in dhamaan muwaadiniinta Somaliland ay yihiin qaar u siman sharciga hortiisa isla markaasna xukuumadiisu ay wax la qaban doonto beeshan boqolaalka sanadood la takoorayay. 

Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabi oo jariidadan Somali Voice uga warramay kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha, waxa uu yidhi  

" Si fiican ayaanu isula afgaranay Madaxweynaha arrimaha aanu kala hadalnay, waxaana uu ahaa kulan aad u qiimo badan oo aanu rajaynayno in faaiido balaadhani uga soo baxdo beeshan la dulmiyay, waxaana Madaxweynuhu uu naga codsaday inaanu qoraal ahaan ugu soo gudbino wax alla waxa ay beeshu tabanayso taasoo uu ballan qaaday inuu wax ka qabto, sidoo kale waxaanu ku ballanay inaanu dalka hooyo tagno si cabashooyinka jira wax looga qabto" 

 Si kastaba ha ahaatee Beeshan Gabooye ee Somaliland oo ah beel geesiyiin ah oo kaalin weyn kaga jira horumarinta dalka Somaliland isla markaasna ah muwaadiniin boqolaal sanadood uu saarnaa dulmi iyo gooni sooc ayaa waxaa imika shacbiga Somaliland ay ku baraarugeen siday lagama -maarmaanka u tahay in la soo afjaro cadaalad darrada iyo cunsuriyada Jahliga ku dhisan ee lagu hayo muwaadiniintan.  

Jariidada Somali Voice waxay ugu baaqaysaa qof kasta oo Muslin ahiba inuu u hawl galo sidii loo tirtiri lahaa cadaalad darrada iyo hayb sooca lagu hayo beeshan, waxaa sidoo kale aanu ugu baaqaynaa Guud ahaan Shacbiweynaha Somaliland iyo Xukuumada Somalilandba inay u hawlgalaan sidii wax loola qaban lahaa beeshan wadaniyiinta ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaale, waxbarasho, iyo horumarineed si beeshan loo soo gaadhsiiyo beelaha kale ee Somaliland. 

 
Kaysar Cabdilaahi
Tafatiraha Jariidada Somali Voice
Email: kaysar202@yahoo.co.uk
www.thesomalivoice.co.uk

Masuuliyiinta Beesha Gabooye ee Yurub oo London kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga UCID  ( Riix Halkan)

Haklan Kadaawo sidii loo sogasoo qeybgaley banaan baxaas

»Wareysigii BBC ay la yeelatey Gudoomiyaha beesha gabooye ee Yurub iyo waqooyiga America.
» Gabooyahu Cadaalada  Sinaanta iyo Xoriyadba. S/Land. BBC
» Banaanbixii  Beesha gabooye ee  Hargeysa  BBC

 

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com