HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Pro Cali Khaliif Galaydh iyo odayaasha SSC oo dadaal ugu jira sidii ay u damin lahaayeen colaada ka aloosantay tuulada Angalo.

Buuhoodle:Waxaa maalintii shalay gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn wafti oo ay hor kacayeen PRO Cali khaliif Galaydh,iyo Col. Maxamed Cumar Cigaal (Tacabir) oo isugu jirey siyaasiyiin,madaxda ciidamada,cuqaal,culimaa'udiin,iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada,waftigaas oo ka soo yimid dhinaca Laascaanood.

 Waftigaas ayaa ujeedada ugu weyn ee ay deegaankaas u tageen ay tahay,sidii ay wax uga qaban lahaayeen shaqaaqadii keentay iany isku dhacaan labada ardaa ee Hayaag iyo Reer Hagar,tuulada Angalo oo qiyaastii 35 km kaga beegan dhinaca Koonfurta magaalada Buuhoodle,arintaas oo sida aan wararka ku helay bilaabatay kadib markii nin wadaad ah la dilay,kadibna arintii faraha ka baxday,oo wax waliba ku dhaceen si lama filaan ah,taasoo kentay inay naftoodii waayaan ugu yaraan 11 qof,in badan oo kalena ay ku dhaawacmeen. Pro Cali Khaliif iyo odayaashii la socday ayaa isla shalayba kulamo la yeeshay qaar ka mid odayaasha labda ardaa ee xurguftu dhex martay,iyagoo ugu horeyn isla gartay in arinta gacanta odayaasha la geliyo,isla markaana la kala kaxeeyo dhalinyarada qoryaha sidata,sida ugu degdegsiiyaha badana loo saaro odayo arinta dhameeya. .

Cali Khaliif ayaa shalay masaajidka weyn ee magaaladaas kala hadlay shacabka isaga oo ku booriyey in nabada la ilaaliyo,isla markaana u tacsiyeeyey eheladii dadkii halkaas ku geeriyooday,wuxuuna sheegay in Buuhoodle aya tahay meeshii uu ku barbaaray,waxaana sida uu sheegay ugu danbeysey mudo 40 sandood ka hor ah.Waxaa iyaguna halkaas hadalo qiimo leh ka soo jeediyey Caaqil Cabdi Jaamac Halac, Suldaan Daakir Xasan khaliif & Sheekh Cumar Sh. Cismaan iyo culumaa'udiin, kuwaas oo dhamaantood ka hadlay qiimaha ay leedahay nabadu,iyagoo ku booriyey in dhiig mulim in la daadiyaa ay xaaraan tahay. .

Dhanka kale waxaa ku sugan tuulada Angalo wafti hada dhowr maalmodba ku sugnaa goobtaas,waftigaas oo uu horkacayey Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe,oo ay ku weheliyeen Caaqil Axmed Xirsi Cawl iyo Aw Daahir Xaaji Xasan, culumaa'udiin iyo waxgaraka deegaamadas,kuwaas oo isla markiiba ku guulaystey inay kala dhex galaan dhalinyara qoryaha sidata ee dagaalka isaga hor yimid,waxayna ku guulaysteen in la iclaamiyo xabad joojin,wixii kale ee farsamo ahna la isaga yimaado si arinta loo dejiyo. Tuulada Angalo iyo deegaanka ku xeeran ayaa ahaa deegaan nabad ah,waxaana dadku qaadan la yihiin  waxa si dada fudud arinta heerkaas gaadhsiiyey. Waftiga Pro Galaydh ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalada Laascaanood maalmaha inagu soo aadan,iyada oo ay halkaas ka socdnaan diyaar garoow,loo diyaar garoobayo caleemo saarka garaadkii 19-aad ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali,oo dhacaysa 22 may 2006.

Subeyr Cismaan Idiris

Laascaanood, Somalia

contact: Subeyr_2@hotmail.com

 
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com