Kulankii Furitaanka Tartanka 25-aad ee Ciyaaradda
Qaramadda Afrika oo Ka Bilaabay Dalka Masaarida
ayaa Xulka Dalkaasuu kaga Guuleeystay Dalka Libiya
3-0,Waana Natiijo ahamiyadeeda leh.
Kadib Marki Madaxweyne Xusi Mubaakar Si rasmi
ah u Furay Tartanka oo eey ka Qeyb qaadanaayaan 16 Dal,
ayaa Ciyaartii Koowaad waxaa isku Haleeyeey Masar iyo
Dhigeeda Liibiya, Garoonka Weyn ee Astaadiyo Qaahira
oo eey Soo Buuxiyeen Dad lagu Qiyaasay 80 ilaa 90 Kun
oo Boqolkii 93% ahaayeen Taageerayaasha Reer Masar oo
Sacab iyo Heeso Qiiro leh u Taageeraayay Xulkooda oo
Ciidu u Hiilineeyso, Xidiga Dalkaas Axmed Xusaam(Mido)
ayaa Goolkii Kuwo Horeey ee Tartanka u
Dhaliyeey Dalkiisa Daqiiqadii 18 ee Qeybii Hore,
Daqiidadii 23 abu Troreka ayaa kii Labaas Masaarida u
Dhaliyeey, Qeybtii ayaa sidaas ku dhamaaay iyadoo
Gacan Sareeynta iyo Ciyaar wanaagaba Masaaridu Laheyd.
Qeybtoii Dame ayaa Goolhayihii Dalka Liibiya
Kaar Cas loo taagey rigoore loo Dhigay Xulka
Masaaridda, Waxaana u Soo Baxay Xidigooda Mido Laakiin
Ninkii ama Goolhayihii Labaad ee Liibiya ayaa Kubadaas
Celiyeey, Ayaan Daro Difaaciisii ayaa Doorkoodii
Dayacay Waxaana kubadii Goolka ku Soo Celiyeey
Hogaamiyaha Xulka Masaaridda Axmed Xassan oo goolkii
Sadexaad Halkaas ka Dhaliyeey, Guushay ayaa
Dhiiri-gelin u ah Xulka Dalkaas, Niyadna u Dhisay
Taageerayaashii Faraha Badnaa ee La Duubnaa Xulkooda
uuna ka midka ahaa Madaxweyne Xusni Mubaakar iyo
Marwadiisa Susaan Mubaarak, Waxaa Kulanka Joogay
Madaxweynaha
Xiirka Kubadda Cagta Aduunka Fifa iyo Gudoomiyaha
Xiriirka Afrika Ciise Xayaato oo Gacan Weyn ka
Geeystay Horumarka Kubadda Cagta Qaaradda Afrika
Gaartay, Tababaraha Dalka Masaarida Xassan Shaxaata
ayaa ah Khabiir weyn oo Aqoon Iyo Waayo aragnimo weyn
u leh Kubadda Cagta iyo habka Tababaridaba, Wuxuuna ka
Mid ahaan Jiray Xidigihii Waaweyn ee Naadiga Al-Samaalik
iyo Xulka Dalkiisaba. Waxaa Kulankaas Ciyaar Wanaag
ku Muujiyeey-Mido, Axmed Xassan,Abu Treka, Goolhaye
Hadarey Iyo El-Zaki Iyo Xulka Masaarida Guud ahaanba,
Liibiya Weey Dadaaleen, Laakiin Dhanka Farsamadda u
Dhigmeen Dhigooda Reer Masar.
Kulamadda Beri Dhacaaya Waxaa ka mid ah:-
-Kamaroon/Angoola.
-Marooko/Kudufa.
-Togo/Congada Dimuqraadiga.
-Ciyaarahan ayaa Si Toos ah loo Daawan Karo, Waana
kuwo Xiisahooda leh, Qaab Ciyaar Wanaag iyo Xamaasadda
Taageerayaasha iyo Daawadayaashaba, Lama Saadaalin
Karo Dalka Horyaalnimadda Hanan Doona iyo Cidda
Ciyaarta Finaalka Imaan Doonta, Hadana
Dalalka-Masaaridda, Kamaroon, Kudufo, Tunisiya,
Nejeriya, Senegal Ayaa ah kuwa Ugu Cad cad inkastoo
aan la yareeysan Kareen Dalalka:-
Marooko, Togo, Angoola, Ghana Iyo Koonfurta Afrika,
Hadal iyo Dhamaantii Fardo La Isugu Joogo Waxaa La
Isugu Faani, Garoomadda ayaa kala Reebi Doona Dalalka
Kulamadan ayaa ka Dhici Doona Magaalooyinka:-
-Qaahira Caasimadda Masaaridda.
-Al-Askandariya.
-Al-Ismaaciliya Iyo Magaalooyin Kaleba.
Tartanka Qaramadda
Afrika.
Maanta oo Taariikhdu tahay 20/01/2006 waxaa
Magaalada Qaahira Caasimadda Masaaridda ka Furmi
Doona Tartanka Qaramadda Afrika ee Kubadda Cagta oo
eey Ciyaarta Furitaanka Isku Haleeli Doonaa Dalka
Martida Loo yahay Masar iyo Dhigiisa Liibiya.
Tartanka Qaradda Afrika ayaa ah mid Xiiso weyn
u leh Shucuubta Afrika iyo Dadka Xiiseeya Kubada
Cagta gaar ahaan Yurubiyanka oo indhaha ku haya ama
Doonaaya in eey ka Soo Xushaan Xidigaha Cusub ee ka
Soo Bixi Kara Tartankan Naadiyadda Waaweyn ee
Dalalka Yurub ayaa waxaa u Safta Ciyaartooy Afrikaan
ah oo Garoomadda Wacdaro ka Dhiga, Dalka Masaarida
ayaa ka mid ah 3 Dal oo oo Min 4-jeer ku Guuleeystay
Horyaalnimadda Qaaradda Sida Ghana iyo Dalka
Camaroon, Halka Neyjeeriya 2 Jeer ku Guuleeystay,
Tartankan ayaa ah Midka Sedexaad ee Aduunka waxaana
ka Horeeya Midka koobka Aduunka iyo Midka Qaramadda
Yurub oo Keliya, Waxaa Loo Aqoonsan Yahay in uu Ka
Sareeyo Midka Koonfurta Mareeykanka oo Brazil iyo
Argantiinba ka mid Yihiin.
Xidigihii ugu Caansanaa ee Dalka Masar Soo
Maray Waxaa ka mid ahaa;-
-Saalax Saliim.
-Max,ud Al-Joowhari.
-Xamaada Imaam.
-Xassan Shaxaata(Tababaraha Qaranka Masar ee Xiligan).
-Faaruuq Jacfar.
-Shaxta
-Daaha Basri.
-Cali Banu Gereesha.
-Max,ud El-Khadiib.
-Xamaama.
-Majdi C/Qani.
-Al-Kaptan Ibrahiim.
-Erkaami.
-Daaha Abu Seeyd.
-Axmed Shubeer.
-Axmed Al-Kaas.
-Xusaam Xassan.
-C/Sataar Sabri.
-Xaatim Imaam.
-Axmed Xassan-Captanka Xiligan.
-Max,d Barakaat.Ka mid ah Xulka Xiligan.
-Axmed Xusaam(Mido) Ka mid ah Xulka Xiligan, Iyo
Xidogo Kalleba.
-Naadiyadda Ugu Caansan Dalka Masaaridda Waxaa ka
mid ah:-
-Al -Ahli(qaahira)-
-Al Samaalik(Qaahira)-
-Al-Ismaaciili.
-Al-Muqaawiliin Al-Carab.
-Al-Masri.
-Al-Tarasaana.
-Al-Maxala.
Dalka Liibiya uma Dhigmo Masaarida marka la
qiimeeynaayo Kubadda Cagta Mana laha Naadiyo Waaweyn
oo Magac leh iyo Xidigo Caan ah, Laakiin Kulamada
Labadan Dal ayaa Ahamiyadooda iyo Xiisahooda leh,
inkastoo Guusha loo Badinayo Dhanka Dalka Masar oo
Ciidooda lagu Ciyaaraayo, Hadna Kubadda Cagta Wax
Walba ka Filo, Culeeys Weyn ayaa Saaran Xulka
Qaranka Reer Masar oo Laga Doonaayo in eey
Haryaalnimadda Hantaan Markii Shanaadna ku
Guuleeystaan, Waana Arrin Keeni Karta Dhibaatadeeda,
Shaki kuma jiro in Dalalka-Camaron, Senegaal,
Neeyjeeriya, Tuuniya, Masaaridda, Kodufa Iyo
Marookoba Yihiin Kooxo Waaweyn oo Guulo laga Filan
Karo, Hadana lama Yareeysan Karo- Togo, Ghana,
Angoola Iyo Koonfurta Afrika oo Qaab Ciyaareed
Wanaagsan leh, Tartankan ayaa Kii 25-aad,
Horyaalnimadana Waxaa Heysta Dalka Tuunisiya.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 20/01/2006-