HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!

 

Booliska hororka ah Beesha isa siisa Hargeisa ee ka soo faranduleysa saldhiga Kubor ayaa maalin walba baad ka qaadi jirey nin ka mid ah Beelaha laga tirada badan yahay kaasoo dukaan timo jara ah ku haystay Xaafadda Xera Awr ee Magaalada Harga-Geys. Cabdinaasir ayaa u adkeysan waayey in maalin walba lacagtii uu dhididkiisa kusoo shaqaystay lagu bahdilo oo rag marqaan raadis ah ama uu ku badhgo’ay qaadku ay si sahal ah ku qaataan. Maalintii danbe ayaa wuxuu isbarbar dhigay lacagtan ay u baahan yihiin qooysiisa uu isagu masruufo iyo nimanka iska jeebbaarta ujeedadooda. Wuxuu go’aan ku gaaray inuusan lacag danbe oo baad ah bixin. Maangaabyadii direyska xidhnaa ayaa dukaanka albaabkiisa isasoo dhereriyey iyagoo C/Naasir u hanjabaya:

 

Waar hooy na dhegeyso, waar hooy Abbaanow na maqal, waar hooy Cabdinaasirow goroda laalaadi, waar hooy xaafaddan Xera Awrna xerta Binu Haashimkaa leh, Waar hooy direyskana Duriyadaanu u sidanaa, waar hooy tima jaraha waanu kula leenahay, waar hooy lacagtana waanu kula qaybsan, waar hooy Addoon aanu leenahaad tahay, waar hooy ha maqlin bahaa-bahaada qurbaha, waar hooy dheg ha u dhigin xuquuqul insaanka la sheegayo, waar hooy dhalanteedka dheg ha u raaricin, waar hooy kuwaa dibedda ka qaylinaya ma garan, waar hooy  haddey yimaadaan madaxey foorarin, waar hooy anuunbay baaleshle ii noqon, waar hooy anuun bay ii nacamleyn, waar hooy sidaadii soo soco beesada, waar hooy daa madax adeyga iyo isadkeynta, waar hooy internetka iyo qashinkey qoraan iska illoow, waar hooy Maxaakiimtan xiiqsan hadaaqooda ka bax, waar hooy anuun baad I hoos joogtaaye isukey dullee, waar hooy waanu soo noqonaynaaye marqaankayagii sii diyaari, waar hooy gunuunaca iyo guraabaaska daa, waar hooy waad deg-degaysaaye waa lagu dejin, waar hooy yeynaan ku xabaal nololin, waar hooy Diintaa qabta inaad Sayidkaaga maqashid, waar hooy Diintaa qabta in Addoonka madaxa adag la ciqaabo, war hooy Diintaa kuu diideysa diya iyo xaqtoona, waar hooy Diintaa qabta inaad canshuur iyo baad bixisid, waar waan kuu soo noqonayaaye Midgaanow bal halagaa waayo kistayadii!

 

 

C/Naasir ayaa cid usoo gurmata waayey. Dadku kala naxariis badane, derisku kala damiir roone bustahoodii ayay hoosta kasii galeen iyagoo Ajiga u dhow oo dhami ay hoostaa kasii leeyihiin: “ Baastar! Qayla dheeraa, hiinraag badanaa! Ma sagaaruu tolow caydhsanayaa”. Naftu waa macaan tahaye, C/Naasir ayaa af labadii yeedhay:

 

Waar miyeydaan damiir lahayn, waar maskiin agoon koriyaan ahay, war timahaan jaraa, war ma helo qutulyoonka reerkaba, waar xagaan maalin walba baad ka keenaa, waar miyeydaan boolis aheyn, waar miyeydaan amniga qaabilsaneyn, waar haddaad na baadaan tuuguna muxuu sameyn, waar leejadan baas ee beesheena uun saaran waa maxay?

 

Alla! Alla! War iga daa bilaawaha! War dhiig Islaam ha gelina! Alla yaa Islaameey, Alla yaa Ummada Nebi Maxamad ah, Alla yaa Soomaaliya, Alla yaa naxa, Alla yaa iga qabta, Alla ii gurmada, Alla yaa iga celiya, Alla yaa I maqlaya, Alla yaa waxgarad ah, Alla yaa dhiidhiya, Alla yaa ii naxa, Alla iga daaya toorida, Alla iga daaya bilaawaha, Alla miyeydaan Islaam ahayn, Alla maad ii naxariisataan, Alla miyaan laydiin soomin, Alla miyaan laydiin salaadin, Alla miyeydaan naxariisan, Alla miyeydaan ahayn……….!

 

Alla maxaad ii xireysaan, Alla waa maxay gardaduubku, Alla aan jirkeyga daadanaya ceshtee idaaya, Alla aan dhiiga daba qabtee ha I xirina, Alla biyooy, Alla igu haba baraf! War yaa Islaamey, war waad imaqashaane iisoo gurmada, Alla igaqabta nimanka, Alla ii naxariista, Alla waa maxay batroolku, Alla igadaaya, igadaaya, Alla ha igubina, Alla ha daarin qarafka, Alla yaa muslineeey, Alla yaa Ummada Nebi Maxamad ah, Alla yaa Soomaaliya, Alla yaa naxa…….!

 

Hooyooy hooyo, Hooyooy hooyo, Alla Hooya macaan, Alla Hooyo ma I maqashaa, hooyo waan hurayaa, hooyo dabbaa laygu shiday, hooyo waan gubanayaa, hooyo waan shiilmayaa, hooyo waan shuuqayaa, hooyo waa naar adduun, hooyo neecaaw ma leh, hooyo kaaley I afuuf, hooyo Eebe ii bari, hooyo miyaanan lay aareyn, hooyo miyaadan xusuusan Khadar, hooyo miyaadan garaneyn kuwii jirkooda la siiyey waraabaha, hooyo miyaadan xasuusan kuwii gawaarida lagu kala jeexay, hooyo sow mag iyo xaq la’aan lama wada aasin, hooyo haddeynaan jihaadin yaa noo nixi, hooyo miyeynaan wax iska celis aqoon, hooyo ficiladii iyo fartaagii aaway, hooyo maxaa dadkan nagu diray, hooyo maxaa duulka na daba dhigay, hooyooy intiina hadhayna waad I daba haysaan, hooyooy kuwani Ajigiina kasii qaab daran, hooyooy hooyo, Hooyo haddaaban ku arko, hooyo sow lugaha kaama sii dhunkadeen!

 

 

Hooyadii ayaa ilmadu ka qubatay iyadoo leh Eeboow adigaa awood leh! Eebow adigaa awood leh! Inaa Li-llaahi Wa innaa Illeyhi Raajicuun. Eeboow waxay ahayd Jimce, Eebow waa maalin barakeysan, Eebow waxay ahayd saq dhexe, Eeboow dunidan dhow baad gelinka danbe joogtaa, Eebow ducaduna waa maqbuul, Eeboow naga soo gaadh oo noo gargaar, Eeboow masiibo tii Siyaad ka daran ku rid, Eebow isma qabtaane kawada sim, Eebow sow wiilkeyga ma aragtid, Eeboow sidii hilib la soloy buu noqday, Eeboow adigey iska kaa dhigeen Markey gubeen, Eeboow adiga uun baa ciqaabtaas wax ku ciqaaba, Eeboow ballanqaadkaagii dusha kaga rog, Eeboow Asxaabul ukhduud baan xasuustay, Eeboow Mujaahidkaa magdhawgiisa Janna ka yeel, Eeboow ducadii Nebi Ibraahim u aqbal markuu lahaa: Tawakaltu Cala-llaah, Wakafaa Billaahi Wakiilan. Alla Eebe Naxariis Badanow noo naxariiso, Cidina noo nixi maysee ayay hooyadii kusoo gabagabeysey murugadeedii iyadoo ilmeyneysa!

 

 

The Messenger of Allah (Allah bless him & give him peace) said,


“The merciful are shown mercy by the All-Merciful. Have mercy to those on earth, and the Lord of the Heavens will have mercy upon you.”

The Messenger of Allah (Allah bless him & give him peace) said,

"Do not punish anybody with Allah's punishment (of fire)."

Tirmidhi-Volume 6, Book 60, Number 47: Narrated Anas.

Inaa Li-llaah, Wa Inaa Ileyhi Raajicuun!

C/Rahman Eelay eediran@hotmail.com

 


Hargeysa, 09-November-06 ( Qaadisiya.com) Iyadoo Magaalada Hargeysa ay beryihii dambe kasoo ifbaxayeen Dhibaato lagu hayo Dadka lagu sheego in beelahooda laga tirada badan yahay ayaa waxaa iminka dhibaatadii ugu dambeysay ay kasoo ifbaxday Gudaha Magaalada Hargeysa taasi oo aan warbaahinta Maamulka isku magacaabay Somaliland marna soo hadal qaadin.

Hadaba Taariikhdu markii ay aheyd 3/11/06 ayaa nin lagu magacaabi jiray Cabdinaasir siciid odawaa dhimbil kana soo jeeda Beelaha Laga tirada badan yahay gaar ahaan beesha muuse dherille degenaana Magaalada Hargeysa kuna lahaa dukaan timaha lagu jaro xaafadda xera awr kaasoo laga qaadi jiray lacag baad ah muddo dheer isagoo mararka qaar u caban jiray hooyadii oo oran jiray hooyo dukaankaan dhib badan ayaa iga heystee dukaanka meeshaan aan ka – wareejino, hooyada oo la yiraahdo sahra aw-cumar  ayaa wiilkeeda ku

qancin jirtay in aan duruuftu u saamaxayn sababtoo ah iyadoo ay jiraan carruur badan oo agoon ah  oo isagu biili jiray, dhibaatooyinka soo  

gaaray waxaa ka mid ahaa in mar lug laga dhaawacay una sheegay police-ka Somaliland laakiin nasiib darro aan wax loo qaban maadaama uu yahay Dadka lagu tilmaamo looma ooyaan looma aaraan!!!!!!!!!!!!!.

waxaa dhacday habeen  habeenada ka mid ah inay u yimaadeen nimanki Baadda ka qaadi jiray oo ay waydiisteen lacag baad ah ka dibna uu yiri ma hayo ka dibna lagu yiri haddaad caawaba noolaato waad arki doontaa.

wuxuu seexan jiray dukaanka si uu u waardiyeesto hantida yar ee u taal ka dib maxaa dhacay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!?

DHACDO NAXDIN LEH : -

saqdii dhexe ayaa dukaanka lagu soo jabiyay ka dibna mindi ayaa lala dhacay taasoo qaylidaiisa darisku maqlaayeen isagoo leh war mindida iga daaya, ka dibna kursigi ayay ku xirxireen, hadalada derisku maqleen waxaa ka mid ahaa “haddaad mindida ila dhacdeen maxaad ii xirxiraysaan” ka dibna patrol ayaa lagu shubay dabna waa la qabadsiiyay, taasoo uu caddeeyey dhakhtarki baaray in dabku yahay patrol.

intaas waxaa ka sii daran saxaafadda somaliland oo aan soo hadal qaadin dhacdadan iyadoo Radio hargeysa oo ku hadlaya Afka Maamulka Rayaale uu ku yaal meel u muuqata halka lagu gubay marxuum cabdinaasir siciid odawaa dhimbil, dawladuna waxay bilawday inay la xiriirto waalidka marxuumka kuna tiraahdo “waa in arrintaan aan la ogaan haddii aad doonaysid in magdhaw lagu siiyo haddiise saxaafadda ay u gudubto wax xuquuq ah ma lihid”. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

********
******

 

Hargeysa: Wararka naga soogaaraya Magaaladaasi oo sheegaya wali in ay ku sii socoto dulmigii  iyo dhibaatadii lagu hayay beelaha gabooye. Hadana cadaaladii ay indhaha istireyso   tasoo micneheedu yahay waxba kumalaha Gabooyahu Cadaalada  Sinaanta  iyo Xoriyadba. S/Land.


Gabooyahu Cadaalada  Sinaanta iyo Xoriyadba. S/Land. BBC
Banaanbixii  Beesha gabooye ee  Hargeysa  BBC

LONDAN UK. Banaanbax aad iyo aad u wayn oo ka dhacay magaaladda Londan oo ay soo qaban qaabisay beesha Gabooye ee London oo looga soo horjeedo cadaalad daraddii lagu sameeyey Alle ha u naxariistii Marxuun Khadar A. Cismaan (Dhabar) daawo sawirdii laga soo qaaday iyo sida iyo dhamaanba sida uu u dhacay banaanbaxani..Daawo sawiradda

 

»» Warbixintii Amnesty iyo Jawaabteeda
»» Amnesty appeals for release of "Gaboye" demonstrators

 

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com