WARARKII
Khamiista::: Dec 22, 2005
Dalka Ciraaq:-
Maxkamadii Madaxweynihii Xukunka laga xayuubiyeey Sadam Xuseen
ayaa dib loo bilaabay, iyadoo uu eedeysanuhu
si weyn u weeraray habka
eey u la dhaqmaan Ciidamada mareykan oo jeelka
ku illaaliso dhibaatooyin
badana ku haya oo ka soo hor-jeeda xuquuqa iyo
xoriyada dadka Jeelasha
lagu hayo, wuxuuna sheegay in jir dil loo
geeystay.
Dowlada Mareykanka
ayaa si weyn u beeneeysay wararka Sadam kuna
Tilmaamtay Dacaayad iyo waxba kama jiraan,
maxkamada ayaa ku guda
jirta dhegeeysiga cadeemaha markhaatiyada
xasuuqii tuulada el-daguula
ee sanadkii 82-kii oo 150 qof lagu gumaaday,
kadib markii la isku dayeey
Khaarijinta Sadaam.
Wararka
laga helaayaa Dalka Ciraaq ayaa sheegay in Saaka lagu
Dilay 4 askari oo boliis ah goob kantarool oo
caasimadda Baqdaad ku Taal
falkaasna eey geeysteen kuwa kacdoonka wadaa,
warkan ayaa laga soo Xigtaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka
Ciraaq.
Dalka Iraan:-
Madaxweynaha Dalka
Iraan El-Sayid-Max,ud Axmed Najaad soo saaray Amar lagu
mamnuucaaya Muusikada reer galbeed oo Anshaxa xun leh,
Tv-ga iyo Idaacadaha Dowladana laga soo deeyn
kareen waxyaabaha ku
Saleeysan Dhaqn xumada iyo fasaadka, Amarkan
ayaa ka duulaayeey talo
Baxin ee soo saaran Golaha Sarre ee Dhaqnka ee
Dalkaas.
Kooxaha Muusika
iyo Hab Faneedka Galbeed jecel ayaa ku tilmaamay Amarka
Madaxweyne-Najaadi mid aqoonta ku saleeysan iyo cadaamado
Muujinaaya Jaalidnimadisa iyo Aduun ka
xirnaata Madaxweynaha.
Libnaan:-
Hogaanka
Siyaasadeed iyo Garsoon ee Dalka Libnaan ayaa ka yaabay
Codsi la yaab leh oo ugu yimid dhnka Dalka
Mareykanka oo codsanaayaa
Ninka la yiraahdo:-Max,d Cali Xamaadi oo
18-sano ka dib laga soo daayeey
Jeelka Dalka Jarmalka, kadib markii sandkii
89-dilay Duuliye Mareykanka.
Xamaadi ayaa ka
tirsan ururka Xisbu Allaha ee Jihaadka Weyn ku la jira
Dowladda Isra,iil, Waxaana sbuucii dhowaa loo
duuliyeey dalkiisa libnaan maadaama jeelkiisii dhamaaday,
wasaarada garsoorka jarmalka ayaa si
weyn u beneeysay isku xirka soo Deeynta
Xamaadi iyo Gabadha Jarmalka
aheyd ee Dalka Ciraaq lagu heeystay.
Somaaliya:-Boosaaso-
Madaxweynaha
Dowlada ku meel gaarka ah iyo Ra,iisal Wasaarihiisa
iyo Wafti balaadhan oo la socday ayaa booqasho
rasmi ah ku tegay P/Land
Gaar ahaan Gobolka Barri Magaalada Boosaaso oo
si aad iyo aad u Wacan
loogu soo dhoweeyeey, kana yaabisay madaxda
sare ee Dowlada Gaar
ahaan Ra,iisal Wasaaraha oo Muqdisho marka uu
booqdoba weerar lagu
Soo Qaado.
Dadka Reer
Boosaaso iyo Maamulka P/Land ayaa gacmo furan iyo
Niyad Samid weyn ku soo dhoweeyey Waftigaas,
Calamada Qaran iyo
Celeemo Quyan ayaa Wadooyinka la taagnaa,
waana astaan wanaagsan
iyo hab Xurmadiisa leh oo dhaqan u ah Ummadda
Somaaliyeed Guud
ahaanba.
Ra,iisal Wasaaraha
Proff-Geedi ayaa Degmada Carmo ka Furay Dugsi
ama Kuliyadda Ciidamada Boliiska Somaliyeed oo
loogu talo galay Kor
u Qaadida Aqoonta iyo Tababarada Ciidanka iyo
ku Xereeynta Dufcado
Cusub oo Ciidanka loo Qaraayo, aliyaha Ciidnka
Boliiska Somaaliyeed Jen-Cali Madoobe ayaa si masuuliyad, Karti
iyo Wadaniyad leh u wadda xilkaama Gudashada Shaqadiisa Taliyenimo,
Weeyna Muuqdaan Wax
Qabadkii iyo Mirihii Shaqo iyo Habkii lagu soo
nooleyn lahaa Ciidanka oo
ah Laf-dhabarta Amaanka Gudaha.
Somaaliya:-Muqdisho-
Gudoomiyaha Golaha
Barlamaanka Somaaliyeed Shariif Xassan Sh.Aden
ayaa Shalay ku soo laabtay Caasimada Qaranka
Muqdisho kadib markii uu
Booqashooyin debeda ku soo maray, sida wararku
sheegayaan si diiran
ayaa loo soo dhoweeyeey Gudoomiyaha, inkasto
warar la xaqiijiyey qexeen
In uu jiro wax lagu tilmaamay aragti kala
duwanaan dhex taala Gudomiyaha
iyo Qanyarre iyo Muuse oo ku saabsan Habka loo
gelaayo wada hadaladda
labada Garab ee Dowladda oo la filaayo in
Kismaayo lagu Qabto Biloowga
Sanadka 2006-Hadii Alle Idmo.
-Alla Mahad Leh-
-Diyaarintii-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan
Carab)-
-Huddersfield-England- 22/12/2005-