WARARKII
MAANTA::: Dec 21, 2005
Waftigii Madaxweynaha Soomaaliya oo
si heersare ah loogu soo dhoweeyey Boosaaso iyo Carmo
| Boosaaso

Madaxweynaha iyo waftigiisa
oo kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Ardayda ka qayb qaatay soo dhoweynta

Ardayda ka qayb qaatay soo dhoweynta |

Raysalwasaaraha oo Qaadanaya
Salaanta Ciidanaka Booliska Degmada Carmo

Cali Maxamed Geedi oo ka hadlaya xafladii Carmo

Taliyaha ciidanka Boliska oo ka hadlaya xafladii Carmo |
Madaxweynaha DFKG
Soomaliyeed Col: Cabdulaahi Yuusuf iyo Raysal Wasaaraha DFKG Prof:
Cali Maxamed Geedi Soomaaliyeed ayaa December 20 ka soo Dagay
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso Wafdigaa uu hogaaminayay
Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo Dhaweeyay Garoonka Diyaarada
Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamed Muuse Xirsi (Cade), Wasiiro,
Xildhibaano ka tirsan DFKG Soomaaliyeed iyo DGPL, Waxaa kaloo soo Dhaweeytaa
ka qayb galay Ardayda iyo Bulshada Boosaaso oo aad ugu soo Baxay soo
Dhaweynta.
Madaxweynaha DFKG
Soomaaliyeed Col: Cabdulaahi iyo Wafdiguu Hogaaminaayay ayaa
loo soo Gudbiyay Hotelka Wayn ee International Village ee Boosaaso
kadib ayaa halkaa Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed Col:
Cabdulaahi uu kula hadlay Saxaafada isagoo sheegay Ulajeedada
socdaalaka Wafdiga uu Hogaaminayo oo uu u Horeeyo Raysal Wasaaraha
DFKG Soomaaliyed Prof: Cali Maxamed Geedi, Madaxweynaha ayaa
Saxaafada u sheegay in uu Doonayo isaga uu shaqsi ahaan la Kulmo
Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse isagoon sheegin ula jeedadada
Kulankooda lakiin Raysal wasaaruhu uu Furi doono Dugsiga Booliska
Soomaliyeed ee Degmada Carmo.
Raysal wasaaraha DFKG
Soomaliyeed Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa u Gudbay Dugsiga Booliska
Degmada Carmo oo Boosaaso u jirta 90km, Qada sharaf loogu sameeyay
kadib ayuu Raysal Wasaruhu Guda galay Furitaanka Dugsiga Booliska
ayadoo ay Xaflada Furitaanka Dugsiga Booliska ay ka hadleen Madax
aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Degmada Carmo,
Taliyaha Booliska Soomaliyeed iyo Wakiilka UNDP ayaa Waxaa ugu
Dambayntii ka hadlay Raysal Wasaaraha DFKG Soomaliyeed Prof: Cali
Maxamed Geedi oo Tilmaamay Muhiimada ay u leedahay Dugsigaan
Shacabka iyo DFKG Soomaliyeed kadib markay ka soo Baxaan Boolis taba
baran ayadoo hada ay Booliskii Hore ay intooda Badan Gaboobeen.

C/lahi Yusuf oo salaamaya shacabka

Geedi iyo c/laahi Yuusuf oo salaamaya shacabka |

Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf

Madaxweynaha oo u waramaya saxaafada |
Dugsiga Booliska Carmo ayaa
hada waxaa ku sugan Tiro aan la sheegin oo Tababar ugu Jira kuwaas
oo ka kala yimi Guud ahaan Gobolada Soomaaliya.
Madaxweyaha iyo Raysal
wasaaraha ayaa sida Warar Xogogaal ah lagu helayo ay sheegayaan in
ay ku sugnaan doonaan Gobolada Puntland mudo Gaaban oo aan la
cayimin.
Warar
aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha marka uu dhameysto
safarka Boosaaso uu u gudbi doono dalka Yemen oo uu kaga qaybgalayo
kulanka ay isugu imaanayaan Golaha Iskaashiga SANCA oo kala ah
wadamada Yemen, Suudaan iyo Itoobiya, waxaana sanadkaan la filayaa
in ay ku biiraan Jabuuti iyo Soomaali.