WARARKII
MAANTA::: Dec 20, 2005
Ardaydii ugu Horaysay oo ka qalin
jabisa Jaamacada Bariga Afrika oo la gudoonsiiyay Shahaadadii,
Dhisme Cusub oo ay leedahay Jamacada Bariga Afrika oo la Furay iyo
u diyaar garaw loogu jiro Soo dhaweynta Madaweynaha DFKG
Soomaaliya iyo Raysal Wasaraha DFKG Soomaaliya.
- SomaliTalk.com | Boosaaso |
Dec 19, 2005

Kulliyada Cusub ee laga dhisay
Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso


Ardaydii
Qalinjabinaysay oo Fadhida. |

Qaar kamid ah Gabdhahii
Jaamacada ka qalinjebiyey

Arday aad u da' yar oo
kasoo Qaybgalay Xafladhii Qalinjabinta. |
Waxaa Caawa lagu gudoonsiiyay
Shahaadooyin Jaamacada Bariga Afrika Ardaydii ka Qalin jabisay
Jaamacad Bariga Afrika ee ugu horaysay Shahaadooyinkaa ayaa waxaa
Gudoonsiiyay Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade).
Xaflada Qalin jabinta oo ahayd
mid aad u qurxoonayd ayaa waxaa ka soo Qayb galay Safiirka
Jaamacada Carabta ee Soomaaliay Cabdala Mubaarak, Safiirka Dalka
kenya ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay, WAkiilka UNDP Soomaaliya
Maxwell Gaylard ,
Qaar ka mida Wasiirada DGPl iyo Wafuud ka kala socota Jaaliyada
Dibada
Madaxweynaha ayaa waxa uu xariga
ka jaray Dhisme Cusub oo ay dhistay hay,ad Kuwait ah kaasoo loogu
tala Galay in ay wax ku dhigtaan Kuliyada Dhaqaalaha iyo Kuliyada
Computarka.
Xafladaa ayaa waxaa ka hadlay
Hormuudka Kuliyada Waxbarshada Muxidiin Cali oo ka warbixiyay
dhibka ay jaamacada ku bilaabatay iyo hada heerka ay marayso,
Waxaa kaloo ka hadlay Arday ku hadlaayay Magaca Ardayda qalin
jabinaysa , waxaa kaloo ka hadlay Safiirada Jaamcada Carabta,
Dalka kenya iyo Wakiilka UNDP oo intaba balan qaaday in ay Caawin
doonaan Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso, Waxaa kale oo ka hadlay
Beeldaaje Faarax oo ku hadlaayay Magaca Hogaamiye Dhaqameedyada

Beeldaaje Faarax oo ka
hadlaya xaflada

Madaweynaha
oo Gudoonsiinaya Shahaado Arday kamida Ardaydii ka
Qalinjabisay Kuliyada Sharciyada. |

Gudoomiyaha
Jaamacada Bariga Afrika Dr. Cabduqaadir oo kahadlaya
Xafladii

Ingineerada Dhisay Kuliyada Cusub |
Guud ahaan Xafladii ayaa Waxa ay
ku dhamaatay Jawi aad u wanaagsan.
Dhanka kale waxaa aad loogu
diyaar garoobayaa soo dhaweyntii Madaweynaha DFKG Soomaaliyeed iyo
Raysalwasaaraha DFKG Soomaaliyeed oo lagu wado in ay yimaadaan
Puntland u diyaar garowgaa ayaa waxaa waday Dowlada Hoose Boosaaso.

Madaxweynaha DGPL Gen.Cade oo kahadlay Xaflada

Muxidiin
oo ah Hormuudka Kuliyada Waxbarashada Jamacada
BarigaAfrika oo warbixinta jaamacada soojeediyay |

Madaxweynaha DGPL oo
Xariga kajaraya Dhismaha Kuliyada Cusub ee Jaamacada
Bariga Afrika Boosaaso

Gudaha dhismaha cusub ee Jaamacada |
SomaliTalk.com | Boosaaso | Dec
19, 2005
Kulan ka fool ka fool ah oo ay wada yeesheen qaar ka mid
xubnaha Dowlada ee Jowhar iyo Muqdisho
Waxaa maalintii shalay ahayd kulan ka fool ka fool ah isugu Yimid
Xubnaha Dowladda oo fikirkoodu kala duwaan kalana taageeraya
Madaxweynaha C/llaahi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan, Waxaana kalunkaan uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya. Kulankaan oo qado ahaa ayaa waxaa isugu yeeray
Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyoadoo dhinacii kale ay si niyad leh u
aqbaleen kulankaasi, waxaana looga hadlay sidii loo soo afjari
lahaa khilaafka xukumadda. Kulankaan oo ka dhacay halkii uu ka
dhacay dagaalkii dhex maray Xubnaha Baarla-maanka 17-kii Maasro ee
sanadkaan ayaa ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in loo baahan
yahay in si deg deg ah loo dhameeyo khilaafka Dowladda. Xubnihii
kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ra’isul Wasaare ku
xigeenka ahana Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Faarax
Caydiid oo isna sheegay in kulankaan uu ka turjumayo dhamaadka
khilaafkii xubnaha Dowladda. Waxaa kalloo ka hadlay Ra’isul
Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka ahna Wasiirka Maaliyadda
Saalim Caliyoow Ibrow oo isna sheegay in maanta ay tahay maalin
aad ugu weyn Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in ay soo
dhowdhay neecowdii lagu soo gebagabeyn lahaa in Dowladdu ay kala
degto Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Kulankaan oo si aad
ah iskula canaantay labada dhinacna ay ka muuqatay reyreyn iyo
rajo wanaagsan ayaa gabagabadii la isku afgartay in laga wada
qaybo kulanka ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Bad-Maceeye
“waa in uu Xildh. Mahad Cabdalla Cawad uu sideg deg ah iaga
xaadiriyaa.
Maxamuud Faarax Warsme (Bad-Maceeye) oo ahaa xildhibaan ka tirsaan
dowladdii Carta lagu soo dhisay isla markaana ka mid ahaa ka
qaybgalayaashii Shirkii ka dhacay dalka dalka Kenya ee lagu soo
dhisay Dowladda Federaalka ah ayaa sheegay isagoo ku hadlaya Magaca
Beesha Suleymaan Cabdalla ee Dir in aysan beeshaasi waxba kala socon
arrimaha siyaasadeed ee socda taas oo uu sheegay uu sheegay in ay
sabab u tahay maqnaashaha uu dalka ka maqan yahay xildhibaanka
beeshaasi ugu jira Dowladda Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo uu
sheegay in uu weli ku sugan yahay dalka Kenya, wuxuuna ugu baaqay in
uu si deg deg ah ku yimaado dalka si dhaqdhaqaaqyo badan oo socda uu
ula socodsiiyo dadka uu matalo.
Mar uu ka hadlayay xildhibaanad Qamar Aadan Cali oo iyaduna ka mid
ah xildhibaanada beeshaasi ka soo jeeda, waxa uu yiri “Anagu qayb
uma aanan lahayn booska ay ku fadhiso Qamar Aadan Cali, ee
waxaa lahaa Beesha Reer Fuqu- Max’ed, waxaana si sharci daro ah u
siiyay IGAD oo ay ugu horeeyaan Keyna iyo Itoobiya Marka nama
qoseyso”
Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Aqoonayahanada, Waxgaradka,
Culuma’u-diinka in isku yimaadaan oo ay ka tashtaan arrimaha dhex
dooda ah inta lagu jiro marxaladaha adag.
Cabdalla
Deerow “Max’ed Dheere waxa uu la heshiiyey nin xoog ku haysta
Deegaano ka tirsan..
Cabdalla Deerow Isaaq oo ah Wsiirka Dastuurka ee Dowladda Federaalka
ayaa mar uu dhamaaday kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada iyo
Wasiirada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxa ay si aad ah uga soo
horjeesteen heshiiskii dhawaan dhex maray Guddoomiyaha Sh/dhexe
Max’ed Dheere iyo Guddoomiyaha Sh/hoose Shiikh Yuusuf Indha-Cadde,
heshiiskaas oo dhigayay in la soo afjaro wixii khilaaf ah ee u
dhexeeyay labadaasi nin.
“Max’ed Dheere waxa uu la heshiiyay caddowgeena ee xoogga ku
haysta dhulka Beelaha Digil iyo Mirifle, Max’ed Dheere waxa inoo
caddeystay Dagaal” ayuu yiri Cabdalla Deerow Isaaq oo intaa
raaciyay “xaqeena cid aan uga heybeysaneyno ama aan uga gambaneyno
ma jirto” ayuu yiri Cabdala Deerow oo sheegay in beelaha Digil iyo
Mirifle wixii haatan ka dambeeya ay u diyaar-garoobayaan sidii ay
isaga dhici lahaayeen labadaasi nin.
Cabdalla Deerow waxa uu sheegay in Max’ed Dheere uu xadgudub ku
sameeyay beelaha Digil iyo Mirifle, markii uu heshiis la galay nin
xoog ku haysta deegaano uunsa u dhalan.
Cabdalla Deerow markii uu la hadlayay saxaafadda wax auu ku
sugnaa Magaalada Jowhar oo xarun u ah qayb ka mid ah Dowladda
Federaalka.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com