HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

WARARKII MAANTA::: Dec 19, 2005


Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo sadon & shan xubnood oo Axadii ka ambabaxay magaalada kismayo ayagoo ku sii jeeda deegaanka carmo ee gobolka Barri

Waxaa Axadii ka anbabaxay magaalada kismaayo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka boolsika somaliyeed iyo waliba shan iyo sodon xubnood oo sida la sheegay tababar looga furayo deeganka carmo ee gobolka barri.

Ciidankaan ka anababxay magaalada kismayo oo tiradoodu gaaraysay shan iyo sodon xubnood oo ay shan ka mid ah ay dumar ahayeen ayaa waxaa ay ka kala socdeen deegano hoos yimaada oo ka tiran gobolada jubbada hoose & jubbada dhexe ayadoo shan iyo sodonkaan qof la filayo in tababar xaga ciidanka booliska looga furayo deeganka carmo ee gobolka barri.

Dadkaan ka anbaxabaxay magalaada kismayo ayaa diyaardii qaaday waxay ay ka timid magaalada neyroobi ee dalka Kenya waxaana diyaaradaas saarnaa oo la yimid magaalada kismayo taliyaha ciidanka booliska somaliyeed .

Markii uu ka soo dagay dayaaradii uu saarnaa taliyaha ciidanka somaliyed Genaral cali madoobe ayaan waxaan weydiiyay suaal ahayd in socdaalkiisa uu haatan ku soo gaaray magaalada kismayo uu ku wajahanyahay furitaanka xero boolis oo uu taliyaha dhawaan sheegay in laga farurayo magaalada kismayo ayaa waxaa uu sheegay in socdaalkiisa uu Axadii ku yimid magaalada kismayo uu ku wajahanyahay qaadista shan iyo socdon xubnod oo la rabo in tababar looga furo deeganka carmo ee gobolka barri waxaana uu sheegay taliyaha in ay ciidankaan haatan laga qaday magaalada kismayo lagu biirin doono ciidamo kale oo ka kala yimid deegana gobolada shabeelada hoose iyo barri.

Imaatinkii taliyaha uu Axadii yimid magaalad kismayo ayaa waxaa uu ahaa mid waqti gaaban ku ekaa ayadoo markii uu dhamestay taliyaha socdaalkiisii saacadaha qaatay uu ku yimdi magaalada kismayo uu dib u sagootiyay taliyaha iyo ciidanka ku wajahan deeganka carmo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FKG ah ee somaliyeed xildhibvaan barre aadan shire barre hiraale iyo waliba dadweyne aad u fara badan oo la qaraabo ah ciidankii tababarka loogu waday deeganak carmo.

cabdi khadar Nuur <cabdiqadar84@hotmail.com>


Qaramada Midoobey oo Dowladda Yemen ku canaanatay sidii. ay ula dhaqantey dadkii soomaaliyeed.

            Qaramada Midoobey ayaa si weyn ugu canaanatay Dowladda Yemen sidii ay ula dhaqantay Qaxooti Soomaaliyeed oo mudooyinkaabna hor dhoobnaa xarunta Hay’adda UNCHR ee Magaalada Sanca kuwaas oo halkaasi ka dhigayay banaanbaxyo cabasho ah, oo ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen nolol ka duwan midda ay haatan ku sugan yihiin, “Ciidamada Yemen ma ahayn in ay rasaas u adeegsadaan dadkaas” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobey oo sheegay in Dowladda Yemen looga baahan yahay in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso sababihii ay Ciidamada Yemen ugu fureen saraasta dadkaa qaxootiga ah. Ugu yaraan shan qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay tacshiiradii ay fureen ciidamada wadanka Yemen, waxaana ku dhaawacmay 20 qof oo qaarkood ay la ildaran yihiin dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray saraastaasi, sidoo kale waxaa la sheegay  in dadka dhaawaca ah ay ku jiraan carruur aad u da’ yar, ma ahan markii ugu horeysay ee Ciidamada Yemen ay rasaas u adeegsadaan dad Soomaali ah oo ka banaanbaxayay dhibaato ku haysatay wadankaasi. Sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee u tahriibka wadanka Yemen ayaa iyana dhibaato kala kulma ciidamada Badda wadankaasi, iyagoo ula dhaqma si aad u fool xun, qaarkoodna waxaa loo taxaabaa xabsiyadda wadanka Yemen, sidoo kale dadka Qaxootiga ah ee ku nool wadankaasi ayaa iyana ku nool duruufo aad u adag oo dhinaca nolosha ah.

  • Dhimasho badan iyo dhaawaac Soo Gaaraay Qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugan Yemen iyo sideetaneeyo qof oo loo taxaabay xabsiyadda dalka Yemen .. GUJI....

Xubnaha Xildhbaanada Beelaha Digil iyo Mirifle oo kulankii Daraasaadka ku tilmaamey...

Kulan gaar ah oo ay maalintii shalay ahayd ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira shirkii daraasaadka Gobalada oo dhawaan lagu soo gebaga-beeyay Magaalada Jowhar, waxayna sheegeen xildhibaana-daasi in shirkaasi aysan ka qaybgalin dad ka socday beelaha Digil iyo Mirifle, balse ay ahaayeen kuwii ka qaybgalay kuwo laga uruuriyay deegaano kale oo aan matali karin beelah Digil iyo Mirifle.

“Shirka daraasaadka ujeedadiisu waxay ahayd in Gobalo ay nabadi ka jirto in la carqaladeeyo laguna abuuro dagaalo sokeeye” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi oo sheegay in aan shirna lagu qaban karin Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool, iyagoo sheegay in ciddii halkaasi isku tagta ay mas’uul ka noqon wixii ku dhaca.

Xildhibaanada waxay sheegeen in Gobalada Bay iyo Bakool ay haatan ka jirto xasilooni buuxda taas oo ay sheegeen in ay ka shaqeeyeen Waxgaradka, Culuma’u-diinka Malaaqyada iyo Odoyaasha beelaha Digil iyo Mirifle.

Sidoo kale Gobalo ka tirsan Dalka ayaa iyana ku gacanseyray shirkii daraasaadka ee dib u dhiska gobalada, iyagoo sheegay in xubnihii ka qaygalay ay ahaayeen kuwo aan matalin Gobaladii ay sheegteen, waxaaan ka mid ah Gobaladaasi Galguduud, Mudug iyo Hiiraan.

Maamulka Muuse Suudi oo sii daayay Nabadoono ku xirnaa...

Maalintii shalay ahayd ayaa xabsi ku yaala Magaalada Balcad laga sii daayay saddex nabadoon oo u dhashay beesha Hillibi Dallandoole, kuwaas oo ay waxgaradka beesha Hillibi Dallandoole ay sheegeen in si gardaro ah lagu xiray.

Siideynta nabadoonadaan ayaa waxaa ka dambeeyay maamulka Muuse Suudi ee ka taliya halkaasi kaddib markii ay sheegeen in dib loo soo celiyay qorey uu horey u qaatay dhallinyaro ah balse loo xiray Odoyaashaan.

Saddexda xubnood ayaa waxaa ku jiray nin si aad ah looga yaqaano deegaankaasi, gaar ahaan dhinaca nabadoonimada laguna magacaabo Xasan Shoobaaye Maxamuud, waxaana siideynta raggaan si aad ah u soo dhaweeyay Waxgaradka iyo Odoyaasha Beesha Hillibi Dallandoole, Saddexdaan nin ayaa muddo toban maalmood ah ku jiray xabsiga Magaalad Balcad.    

C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi oo u ambabaxaya  Boosaaso..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la filayaa in (maanta) ay u ambabaxaan Magaalada Boosaaso halkaas oo ay kaga qaybgalayaan xaflad lagu furayo Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo laga furayo deegaanka Carmo.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa inta ay halkaas ku sugan yihiin waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiinta maamul Gobaleedka Puntland oo uu ugu horeeyo Gen, Cadde Muuse, waxaana haatan Magaalad Boosaaso ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweyn wafdiga Madaxweynaha.

Gen, Cadde Muuse ayaa waxa uu magacaabay guddiyo soo dhaweyn ah oo isugu jiro guddiga nabadgelyada, guddiga dhaqaalah, guddiga Gaadiidka, guddiga warfaafinta iyo guddiyo kale, kuwaas oo dhamaantood ah Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.

Dhinaca kale Gen, Cadde Muuse ayaa shalay xarigga ka jiray Aargo aar u qurux badan oo laga dhisay bartamaha Magaalada Boosaaso. 

Warbixin ku saabsan dagaalo dhex maray Ciidamada Itoobiya iyo...

Jabahadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay kaga warameyso dagaalo dhex maray Jabhadda iyo Ciidamada Itoobiya, waxayna dagaaladaasi ay ka dhaceen deegaanada kala ah Dhaan, Jidhacle, Ban-Baas, Ceel Buur, Qoleji, Dhagax Buur, Galalshe, Mishinka, Waaf Dhuug, Sanxaskule, Baarguun, Qeylo Dhuurey, Jeerinka, oo ka wada tirsan Gobalada Godey, Jig Jiga, Dhagax Buur, Nogob, Doolo, waxayna dagaaladaasi ay dhaceen 7/11/2005 ilaa iyo 12/12/2005, guud ahaan tirada ciidamada looga dilay Xabashida ayaa waxay gaarayaan 200 oo Askri, waxaana looga dhaawacay 157 askari, waxaana laga gubey saddex Baabuur, waxaana laga furtay hub aad u fara badan.

Jabhaddu waxay war saxaafadeedkeeda ku sheegtay in marka ciidamada Xabashida khasaaro loo gaysto iyana ay dhibaato u gaystaan shacabka Maataada ah oo iyagu kula kaca dil, dhac, Kufsi, Xasuuq iyo Xarig,. waxaana ugu dambeeyay gumaadkii ka dhacay Qabri-Dahare 15/11/2005.

Ugu dambeyntii Jabhaddu waxay ugu baaqeysaa shacabka Soomaalida Ogaadeeniya in ay u adkeystaan dhibka uu ku hayo gumeysiga, una diyaar garoobaan sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen heeryada Gumeysiga Itoobiya, waxay kalloo ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda gumeysiga lagu haysto, gacanna ay ku siiyaan halganka ay kula jiraan Gumeysiga, waxaana war-saxaafadeedkaan ku saxiixnaa wakiilka Jabhadda ee Soomaaliya Cilmi Muxumad.  

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


PAKISTAN: SAFAARADA SOMAALIYEED EE WADANKA PAKISTAN OO DHAKHAATIIR IYO KAL KAALIYAL CAAFIMAAD U DIRTAY MEELIHII UU KA DHACAY DHULGARIIRKU.
 
8dii bishaan aan ku jirno ee December 2005 ayaa safaarada Somalida ee wadanka pakistan waxay dirtay koox isugu jirtay dhakhaatiir iyo kal kaaliyal caafimaad.
kooxdaan ayaa safaaradu waxay oogu tala gashay inay ka qaybqaataan gurmadka caalamku u fidiyay dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dhulgariirka, kooxdaan ayaa door aad u wanaagsan ka qaatay gurmadka ayagoo si sharaf leh ooga qayb qaatay daawaynta iyo dayactirka dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dhulgariirka.
gurmadkaan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya wadama badan oo caalamka oo isugu jira Africa, Asia, America iyo Australia.
Somalia ayaa waxay ka midtahay sadex wadan oo African ah oo gurmad u dira dadkii wax yeeladu soo gaartay ayadoo hada ka hor ay horay gurmad u direen wadamada South African iyo Sudan.
arintaan ah ka qayb qaadashada somaliaya ka qayb qaadatay gurmadkaan ayaa wuxuu noqday mid aad loogu farxo ayadoo si aad ah loogu mahadceliyay safaarada somaliyeed ee wadanka pakistan.
si kastaba ha ahaatee waxaa ilaa hada socda gurmadka lagu caawinayo dadkii dhulgariirku ku dhuftay wadanka pakistan.
 
Durran Hassan Aden
Somalitalk | Karachi 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com