Wararkii
Dec 18, 2005
Dowladda
Talyaaniga oo sheegtay in ay Safaarad ka furaneyso Magaalada..
Dowladda
Talyaaniga oo si weyn u taageerta Dowlada Federaalka garabka
Jowhar ayaa haatan waxaa la sheegay in ay qorsheyneyso sidii ay
Safaarad uga furan lahayd Magaalada Jowhar oo xarun ku meel gaar
ah u ah Dowladda Federaalka. Waxaana sidaan ku dhawaaqay wasiir ku
xigeenka Arrimaha Dibadda oo dhawaan booqasho ku yimid Magaalda
Nairobi, wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in maalamha soo socda
Safaaraddaasi ay Dowladda Talyaaniga ka Furaneyso Magaalada Jowhar
taas oo la sheegay in ay ka shaqaneyso sidii ay iskaashi ula
yeelan lahayd Dowladda, sidoo kale Saafaaraddaan furideeda waxay
fududeyneysaa xiriirka ka dhexeeya Dowladda Talyaaniga iyo
Dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo
taageerista Dowladda ku meel gaarka ah, sidoo kale Wasiir ku
xigeenku waxa uu difaacay wakiilnimada Wakiilka Talyaaniga ee
Soomaaliya oo uu sheegay in uu qabtay howl aad u muhiim ah, isaga
oo kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka looga baahan yahay
in ay la yimaadaan tanaasul iyo u daneynta shacabka Soomaaliyeed.
Xubnaha Dowlada ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay wakiilka
Talyaaniga ku tilmaameen nin aan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha
Soomaaliya, isla markaan ah nin doonaya in uu iska horkeeno
shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka codsaday dowladda Talyaaniga inay
si dhaqsi leh u bedesho wakilkaasi, oo ah nin u janjeera hal
dhinac, sidoo kale Dowladda Talyaaniga loogu baaqay in aysan
xumeynin xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya shacabka
Soomaaliyeed iyo shacabka Talyaaniga.
C/llaahi
Yuusuf iyo Cali Geedi oo maalinta beri gaari doona Magaalada..
Madaxweynaha
Dowladda Fderaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay u
ambabaxaan Magaalada Boosaaso halkaas oo ay ka furi doonaan xarunta
ugu weyn ee lagu tababari doono ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Xafladda
furitaanka aya lagu soo beegay maalinta Ciidanka Booliiska
Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka December, waxaana Magaalada Boosaaso
haatan ku sii qulqulaya wufuud kala duwan oo ugu horeeyo
Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Gen, Cadde Muuse iyo madax
kale.
Xaruntaan
oo ay maalgelisay hay’adda UNDP ayaa waxay noqoneysaa xarunta
koowaad ee lagu tababaro ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo
xarunta labaadna ay noqon doonto Magaalada kismaayo.
Madaxweynaha
ayaa marka uu dhameysto safarkiisa Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu u
sii gudbi doonaan dalka Yemen oo kaga qaybgali doono shirka
iskaashiga Sanca oo ay ka qaybgali doonaan wadamada Itoobiya,
Suudaan, Yemen, iyadoo wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti ay goob-joog
ka noqon doonaan, balse waxaa la filayaa in kulankaan gebgaba-diisa
ay ku biiri doonaan golahaasi.
Isbahaysiga
Dooxadda Jubba oo beeniyay in ammandarro u baaqan doono shirka ..
Wararka
naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegaan in isbahaysiga
Dooxadda Jubba u si kulul u beeniyay warar sheegayay in uu qarka u
saran yahay in uu baaqdo shirka la isugu keenay xubnaha labada Gole
ee ku kala sunga Muqdisho iyo Jowhar, waxa uuna isbahaysigu
wararkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Bille
C/llaahi Cabdi oo ah afhayeenka isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa waxa
uu sheegay in isbahaysiga Dooxadda Jubba uu si weyn ugu
diyaargaroobey soo dhaweynta xubnaha Dowladda isagoo sheegay in la
dejin doono Hoteelada Mareediyaan iyo Tawakal, waxaa kalloo uu
sheegay in xubnaha ku sugan Magaalada Muqdisho ay sameeyeen tanaasul
aad u weyn kaddib markii ay sheegeen in ay aad u doonayaan in shirka
gebi ahaantiisba lagu soo gebageeeyo Magaalada kismaayo, halka
Kooxaha ku sugan Magaalada Jowhar uu Bille sheegay inay ka war
sugayaan 48-ja saacadood ee nagu soo aadan. [Halkan
ka akhi wararkii shalay ee Afhayeenka Isbahaysiga Dooxada Jubba]
Dhawaan
ayaa qaar ka mid ah warbaahina waxay shaaciyeen in shirka lagu qaban
doono Garoonka Diiyaaradaha ee Kismaayo sababo la xiriira dhinaca
ammaanka.
Malaaqyo
ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in dowlada ku
xadgudubtey ..
Malaaqyo,
Waxgarad, Nabadoono iyo Siyaasiyiin ka tirsan beelaha Digil iyo
Mirifle ayaa eedeeyn u jeediyay Dowladda ku meel gaaarka ah
eedeyntaas oo la xiriirta iyadoo Dowladda ku meel gaarka ah ka
baxday heshiisyadii shirkii dib u heshiisiinta ee Magaalada Nairobi
gaar ahaan qaabka qaybsiga jagooyinka Dowladda ee 4.5.
Waxay
sheegeen xubna-haasi in Dowladda ku meel gaarka ah ay si gaar ah ugu
xadgudubtay deegaanada beelaha Digil iyo Mirifle kaddib markii
qaabka dib u dhiska ee Gobalada dalka ee deegaanada Bay iyo Bakool
la raacsiiyay gobalo aysan si aad ah isugu dhoweyn, iyagoo
arrintaasi ku eedeeyay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga C/risaaq
Jurile.
Xubanhaasi
waxay shee-geen in sarkiishii booliiska ee loo qaaday dalka Uganda
aysan deegaanada Digil iyo Mirifle aysan waxba ka helin, sidoo kale
magacaabista safaaradaha oo aysan iyana beelaha Mirifle waxba ka
helin, taas oo ay sheegeen in ay ka soo horjeedo axdiga ku meel
gaarka ah ee qaabka qaybsiga ee 4.5, sidoo kale Wasiir ku xigeenka
iskaashatooyinka Yuusuf Max’ed Kheyr ayaa isna dowlada ku eedeeyay
in ay faragelin ku sameysay dib u dhiska Gobalada Dalka, isagoo
sheegay in Degmada Waajid aan wax shir ah lagu qaban karin, waxaa
kalloo uu sheegay in haddii Dowladda aysan si dhaqsi leh isku
sixin in beelaha Digil iyo Mirifle ay kalsoonida kala laaban doonaan.
Xubnaha
labada Gole ee Muqdisho.oo sheegay in dhawaan la qaban doono..
Kulan
balaaran oo ay isugu yimaadeen xubnaha labada Gole eek u sugan
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay uu ka dhacay Hotel Saxafi ee
Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi looga arrinasanayay arrimo
fara badan oo ay ugu horeyso maamul u sameynta gobalka Banaadir iyo
arrimo kale. Guddiga loo xilsaaray maamul u sameynta gobalka
Banaadir oo uu horkacayay Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow
ayaa waxa uu sheegay in ay soo gebagaboobeen xubnihii ka mid noqon
lahaa Baarlamaanka gobalka banaadir.
xubnihii
ka qaybgalay kulankaasi waxay isku raaceen in maalmaha soo socda
xaflad balaaran loo sameeyo xubnaha ka mid noqday maamulka Gobalka
Banaadir, waxaana loo saaray guddi isku dubarida xafladaas, waxaana
guddigaas ka mid ah Jaamac Cali Jaamac, Max’ed Cabdi Xaashi iyo
xubno kale.
Sidoo
kale Guluhu waxa uusheegay in wakiilka Talyaaniga u qaabilsan
arrimaha Soomaaliya uusan ahayn nin matali kara Dowladda Talyaaniga
loona baahan yahay in Dowladda Talyaaniga ay si dhaqsi leh u bedesho.
WARARKII
DEC 17, 2005 Hoos ka akhri
Dowladda
Sucuudiga oo sheegtay in ay Dowladda Federaalka ay ugu deeqdey ..
Dowladda Sucuudiga Carabiya ayaa waxay daboolka ka qaaday in
Dowladda Federaalka ay siisay lacag gaareysa 26.5 Malyan oo
Doollar oo ay sheegtay Dowladda Sucuudiga in ay ugu talagashay dib
u dhiska dalka iyo dib u soo nooleynta ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed. Lacagtaan oo la gudoonsiiyay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa ah lacag amaah oo laga bixiyay wadamada ku jira
Jaamacadda Carabta, iyadoo sanadka 2006 Dowladda Federaalka la
gudoonsiin doono lacag gaareysa 30 Milyan oo Doolar taas oo loogu
talagalay dib dhiska dalka Soomaaliya, waxaana lacagtaan si gaar
ah u bixinaya Dowladda Sucuudiga oo horey ugu ballanqaaday
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Cllaahi Yuusuf Axmed intii
uu ka qaybgalay shirkii wadamada Islaamka ee dhawaan lagu soo
gebagabeeyay Magaalada Maka Al-Mukarama. Madaxweynaha Dowladda
Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa horey ugu eedeeyay Madaxda
Wadmada Jaamacadda Carabta in ay ka gaabiyeen wax u qabashada
dowladdii lagu soo dhisay magaalada Nairobi isla markaan ay ka
baxeen ballanqaadyo ay horey ugu fidiyeen Dowladda Ku meel gaarka
ah gaar ahaan shirkii Dowladaha Caraba ee kal hore lagu
qabtay dalka Al-jeeriya, isagoo sheegay in Dowladaha Carabta ay
soo jeediyeen in Soomaaliya loo furo Sanduuq Dhaqaale.
Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed berito u ambabaxaya wadanka ..
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llalahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa in
maalinta beri ah uu u amababaxo dalka Yemen halkaas oo uu ka dhici
doono shirka saddex geesoodka ah oo ay isugu imaan doonaan wadamada
Yemen, Suudaan iyo Itoobiya, kaas oo looga hadli doono sida uu
wadamadaas iskaashi u dhex karo.
Shirkaan ayaa waxa uu ka duwan yahay shirarkii hore waxaana
sanadkaan ka qaybgalaya Madaxweynaha Wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar
Geele iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo Shirkaani lagu
wado in lagu heshiisiiyo Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil
Cumar Geele iyo Ra’isul Wasaaraha wadanka Itoobiya Milles Ziniwani
oo mudooyinkaan khilaaf u dhexeeyay.
Kulanka dib u heshiisiinta ah marka uu dhaco ayaa wadamada
Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa u furan in ay ka mid noqdaan iskaashiga
u dhexeeyay wadamada Yemen, Itoobiya iyo Suudaan.
Soomaaliya waa markii ugu horeysay oo ay ka qaybagasho, iyadoo kal
hore uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed uu
qoraal u diray wadamadaas si uu dalkiisa uga mid noqdo Golaha
Iskaashiga ee yemen, Itoobiya iyo Suudaan.
Waxgarad
ka tirsan Beesha Hillibi Dallandoole oo u soo jeediyey Beesha
Mudulood.
Kulan
ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Culuma’u-diinka, Dhallinyarada
Beesha Hillibi Dallandoole, ayaa kulankaas looga hadlay saddex nin
oo ku xiran xabsiga Magaalada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe, kuwaas oo
la sheegay in halkaasi ay ku xiran yihiin muddo toban cisho ah.
Waxgaradka Beesha waxa ay xarigaasi ku tilmaameen mid gardaro ah oo
aan geed loogu soo gamaban, waxayna ka dalbadeen maamulka halkaasi
ka taliya ee Muuse Suudi in ay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan
saddexdaa nin oo uu ku jira nin Nabadoon ah oo lagu magacaabo Xasan
Shoobaaye Maxamuud, sidoo kale waxay Beesha Hillibi Dallandoole ugu
baaqeen Waxgaradka, Culuma’u-diinka, iyo Nabadoona-da beesha
Mudulood in ay gacan ka gaystaan sidii lagu soo diin lahaa raggaasi
ku xiran Magaalada Balcad, sidoo kale waxay ugu baaqeen hay’adda
Xaquuqda Aadanaha in ay iyana gacan ka gaystaan sidii lagu siideyn
lahaa saddexdaa nin oo muddo halkaasi lagu haysto.
Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen waxgaradkaasi in haddii aan si
shuruud la’aan ah lagu siideyn saddexaa nin in wxii ka yimaada ay
dusha u ridan doonaa maamulka halkaasi ka taliya ee uu madaxda u
yahay Muuse Suudi, waxaana warkaani na soo gaarsiiyay Max’ed Xasan
Ibraahim (Stilla) oo ah guddoomiyaha ururka Dhallinyarada beesha
Hillibi Dallandoole, Nabadoon Cali Caddaawe Xasan iyo Nabadoon Cumar
Qaasim.
Shirkii
Daraasaadka Gobalada oo lagu Go’aamiyey in Magaalada W aajid ay
martigeliso..
Waxaa maalintii khamiista hayad Magaalada Jowhar lagu soo
gebgabeeyay shirkii daraasaadka dib u dhiska Gobalada dalka, waxaana
ka qayb-qaadanayay inta badan Gobalada dalka iyo khuboro ka socotay
wadamada daneeya arrimahaya Soomaaliya, iyo kuwa deeqaha bixiya.
Shirkaan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa xiritaankiisii waxaa
soo gebgabeeyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo sheegay in
loo baahan yahay in Gobalada ay si dhaqsi leh u soo gudbiyaan qaabka
ugu haboon ee dib u dhis looga sameeyn karo gobalada ay ka yimaadeen,
isagoo sheegay in Dowladdu ay siin doonto wixii qarashaad ah ee loo
baahan yahay.
Muran ayaa waxa uu ka dhashay cidda martagelineysa kulanka xiga,
waxaana u tartamay Degmada Waajid ee Gobalka Bakool iyo Degmada
Marka ee Gobalka Sh/hoose, hase yeeshee waxaa markii dameb tanaasul
sameeyay xubnihii ka socday Degmada Marka, waxaana shirkaan
shirkiisa xiga lagu qaban doonaa Magaalada Waajid, halka kan
afraadna lagu qaban doono Magaalada Marka.
Haddaba su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay shirkii ka dhacay
Nairobi iyo kii ka dhacay Magaalada Jowhar iyo kuwa soo socdaba
waxaa ku bixi kara Kumanaan Kun oo Doolar taas oo aan dhihi karno
waxaa lagu maalgelin karaa ama dib loogu dhisi karaa dhowr Gobal,
waxayna dadka qaarkood shirkaan u arkaan shir lagu luggoynayo
ummadda Soomaaliyeed oo aan waxba loogu qaban doonin.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com