HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

WARARKA MAANTA: DEC 15, 2005

Yaa ka Masuul ah Masiibada hadhaysay Jaamacadda Hargeysa?

Hargaysa (Jam), Xubno ka tirsan golaha sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa jawaabo ka bixiyey mushkiladda ba’an ee soo food saartay Jaamacadda Hargeysa. Kadib markii khilaaf weyni ka dhex aloosmay gudiga sare iyo maamulka Jaamacadda taas oo sababtay in ay istaagaan dhamaanba hawlihii waxbarasho iyo maamul ee Jaamacadda.

 

Khilaafkan u dhaxeeya gudiga sare iyo maamulka Jaamacadda ayaa labada dhinac ay midiba midka kale ku eedeeyey in ay masuul ka yihiin ayaa waxa uu cirka isku shareeray horaantii todobaadkan markii ay golaha sare ee Jaamacaddu magacaabeen hanti dhawr baadhis ku sameeya xisaabaadka maaliyadeed ee Jaamacadda, kadibna la sheegay in maamulka jaamacadu ay is hortaageen baadhista hanti dhawrkaas, iyaga oo sheegay in aanay baadhistaasi ahayn mid sharciga waafaqsan.

 

Gudoomiyaha gudiga sare ee Jaamacadda Hargeysa, Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan, ayaa warbixin qoraal ah oo ay kaga hadashay mushkilada soo food saartay Jaamacadda waxa ay ku sheegtay in ay ka dhalatay carqalad ka timi dhinaca maamulka Jaamacadda. Oo iyagu diidan in baadhis lagu sameeyo xisaabaadka maaliyadeed ee Jaamacadda.

 

Foosiya Yuusuf X. Aadan, waxa ay sheegtay in hanti dhawrka loo magacaabay baadhista uu yahay mid sharci ah oo ay go’aan sharci ah ku magacaabeen kulan ay 11kii bishan Diisanbar ay isugu yimaadeen xubnaha gudiga sare ee Jaamacadda inta wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa. Xumbanaas oo tiradoodu tahay 13 qof oo magacyadoodu kala yihiin:

 

1. Axmed Dirir Cali, 2. Foosiya Yuusuf X. Aadan, 3. Maxamed Cumar Aadan, 4. Dr. Cismaan Cumar Meegaan, 5. Alhaan M Jaamac, 6. Maxamed Haybe Guuleed, 7. Cabiqaadir Xuseen Siciid, 8. Muuse Biixi Cabdi, 9. Ismaaciil Cumar Aadan, 10. Maxamed Faarax, 11. Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi, 12. Dr. Cali Yuusuf, 13. Ciise Xamari.

 

Marwo Foosiya oo war bixinteeda ku faahfaahisay sababaha saldhiga u ah khilaafka hadheeyey Jaamacadda waxa ay tidhi; “Waxa muddo 14 cisho ah Jaamacadda laga waday hawlo kala duwan oo khuseeya horumarinta Jaamacadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin tayada, dhaqaalaha iyo baahidda Jaamacadda. Waxa Guddida Jaamacadda (Executive) u talisaa ka ururisay warbixinno macalimiinta iyo maamulka mudadaas. Waxaa markaa kadib ay guddida Jaamacaddu igmatay in xisaabaadka iyo hantida Jaamacadda la hanti dhawro.

 

Waxa hadaba ishortaag kulul iyo carqalado kala duwan sameeyey maamulka Jaamacadda oo uu hormood ka yahay Maareeyaha maamulka, Maxamed M. Faarax oo awooddii kala wareegay Madaxiisii. Waxa muddo 8 cisho ah ishortaag, eryid iyo caga jugleyn lagu hayey hantidhawrkii la igmaday. Waxay Maxamed M. Faarax ku xigeenkiisa, Amran Cali Xiis, Madaxa Jaamacadda Cabdi Haybe si toos ah u diideen wixii awaamiir ahaa iyagoo qoraallo ku soo gudbiyey. Waxay Guddida sare (Executive Council) qabatay 4 shir oo lagu falanqeeyo sidii dhibaatadan looga bixi lahaa, kuna go’aamisay in shaqada laga joojiyo si ku meel gaadh ah Maareeyaha Maamulka Maxamed Faarax iyo Xisaabiyaha Guud inta hawsha hanti dhawrku socoto.

 

Hadaba, markii la gudo galay baadhitaankii hanti dharka oo ay soo baxeen su’aanlo iyo daldaloolo khuseeya xisaabaadka hantida iyo qaabka maamulka Jaamacadda. Waxa shirar galay maamulka iyo shaqaale kala ah maamulka iyo macalimiin si looga hortago su’aalahaa oo loo daboolo xaqidu waxay tahay.

 

Waxay maamulka adeegsadeen macalimiin iyo arday siyaabo kala duwan wax looga dhacsiiyey, kuwaas oo ah:

 

In laga dhaadhiciyey in qabiil la eryayo mid kalena lagu badalayo, in ardayda qaar ka mid ah loo tusay in reer leeyahay Jaamacadda, in la kiciyey xamaasad ah in Jaamacadda la siyaasadeeyey oo xusbi gaar ahi qaska wado, in subaxnimadii hore warqad lasoo dhajiyey, fasaladana buuq iyo been lagu sii guubaabiyey si loo abuuro xaalad muran.

 

Waxaa inta kadib la fasaxay ardaydii iyadoo laga dhaadhiciyey in dhibaatooyin waaweyn, iyo khilkhal Guddida Guud ay soo galisay, taasoo looga dan lahaa in laga hortago hawlihii hanti dhawrka ee socotay oo maalintaa looga fadhiyey in maamulku ka jawaabo su’aalaha looga fadhiyey oo la soo afjaro baadhitaanka warbixintana loo soo diyaariyo”.

 

Mudane Axmed Dirir Cali, oo ka tirsan gudiga sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa isna faahfaahin ka bixiyey mushkiladda hadhaysay Jaamacadda oo uu ku sheegay in ay masuul ka yihiin maamulka Jaamacadda.

 

Axmed Dirir Warsaxaafadeed uu arrintaa kaga hadlay waxa uu ku yidhi: “Muddo laba maalmood ah waxa iska soo daba dhacayey warar iskhilaafsan oo la xidhiidha durufaha keenay in la xidhi Jaamacadda Hargeysa ee madaxa bannaan. Wararkaasi jah wareer ayey bulshada ku rideen, dad badanina ilaa iyo hada ma kala garanayaan waxa runa iyo waxa aan ahayn. Si hadaba bulshada looga jaahil saaro sida wax yihiin ayaan jecelahay bal inaan wax ka iftiimiyo duruufaha jira madaama aan ka mid ahay aasaasayaasha Jaamacada isla markaana ka tirsanahay guddiga fulinta ee gudiga sare ee Jaamacadda (University Council).

 

Si kutiri kuteenku meesha uga baxo oo dadweynuhu xaqiiqada indhahooda ugu arkaan aan marka hore sharax yar ka bixiyo masuuliyadaha Jaamacaddu waxay kala yihiin iyo sida loo kala leeyahay. Guud ahaan Jaamacadda waxa ka masuul ah gudida sare (Council).

 

Xilka gudiga sare waxa ka mid ah inay dejiyaan shuruudaha iyo siyaasada lagu hagayo Jaamacadda, inay dhaqaale u raadshaan, horumarkeeda ka talo bixiyaan iyo in ay cid u igmadaan maamulka Jaamacadda ilsla markaasna ku kormeeraan kolba sida iyo halka hawluhu marayaan. Cidda maamulka loo igmaday wakhti go’an ayey leedahay waxaana waajib ku ah inay xisaab celin siiyaan gududa xilka u dhiibatay mar alla markii looga baahdo. Marka mudada heshiisku ka dhamaato maamulka, in ay hawsha sii wadaan iyo in la badelo waxaa go’aankeeda iska leh gudida sare ee Jaamacadda, haddii aanu heshiis qorani jirina waa la bedeli karaa maamulka markii loo baahdo. Haddii aynu si kale u dhigno aan nidhaahno maamulka Jaamacaddu waa shaqaalaha gudida sare ee Jaamacadda. Marka taas la fahmo way hawl yar tahay in mushkilada Jaamacadda Hargeysa ka jirta sideeda loo fahmo.

 

Marka taa laga yimaado, waxay Jaamacadda Hargeysa leedahay yool toban sanadoodle ah (10 years business plan), waxaana hada u dhamaaday yool kaas shantiisii sanadood ee hore. Si hadaba qiimayn dhab ah looga helo heerka waxbarasho iyo ka maaliyadeed ee Jaamacaddu ku sugan tahay si wixii dhimana loogu hawl galo, wixii qabsoomayna loo sii xoojiyo waa in xisaabtan muraayadaysan (Transparent). Si hadaba gudiga sare ee Jaamacaddu u ogaato meesha wax ka qasabadsanyihiin ay dalbatay hanti dhawri la xisaabtama cida maamulka Jaamacadda gacanta ku haysa ee gudida sare ku igmatay. Maamulka Jaamacaddu hanti dharkaa isaga ah waxay u arkeen khatar sida qudha ay uga badbaadi karaana waxay u arkeen inay tahay iyaga oo Jaamacaddana xidha ardaydana buuq ku dhex tuura isla markaana u qaylo dirta meelkasta iyo cidkasta oo ay gurmad ka heli karaan. Dadweynow ma jiro wax aan hanti dhawr ahayn oo gudiga Jaamacaddu dalbatay, mana jiro waxaan hanti dhawr ahayn oo maamulku ka cararayaa.

 

Wax kasta oo maamulku isku dayo marnaba hanti dhawrku kama hadhi doono. Waar ileen Falaadhi gilgilasho kaagama hadho”.

 

Dhinaca kalena, Gudoomiyaha maamulka Jaamacada Hargaysa, Mr. Cabdi Haybe, ayaa dhinac isaga leexiyey eedaymaha ay maamulkiisa u soo jeediyeen Guddiga sare ee Jaamacadda Hargeysa.

 

Cabdi Haybe oo aanu oo aanu Isniintii doraad wax ka weydiinay mushkilada sababtay inay xidhanto hawlihii waxbarasho iyo maamul ee Jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi “Dhibaatada jirtaa waxay tahay Jaamacadda waxay leedahay gole sare, kaas oo shaqadiisu tahay in ay bishiiba mar fadhiistaan dajiyana siyaasada Jaamacadda lagu maamulayo. Hada muddo ku dhow 27 bilood may fadhiisan, sidoo kale waxa jira in markii la doono xubno aan hore ugu jirin lagu daro golaha sare markii la doonana laga saaro. Waxaana dhacday in hanti dhawr naloo soo diray annaga oo ka maqan Jaamacadda, kaas oo aan waafaqsanayn sifo sharci ah. Annaga waa noo dan hanti dhawr laakiin waa marka uu sharci yahay, mar kaliya ayaa nalaga joojiyey saxeexyadii Baanka iyadoo aan nala ruqsayn. Arrimahaas oo dhan baa meesha yaal, anagu waxaanu diyaar u nahay in nala qabto haddii aanu khaldanahay”.

 

Cabdi Haybe oo ka jawaabay in maamulkiisu is hortaageen in hanti dhawrka ay gudiga sare ee jaamacaddu magacaabeen si uu baadhis ugu sameeyo waxa uu sheegay in aanay arrintaasi waxba ka jirin eedaynta ku saabsan in ay ishortaageen baadhis hanti dhawr lagu sameeyo hawlaha maamul iyo maaliyadeed ee Jaamacadda.

 

Muranka u dhaxeeya golaha sare iyo maamulka Jaamacadda Hargeysa, waxa uu sababay in go’aan ay soo saareen Guddiga macalimiinta ee Jaamacada Hargaysa si ku meel gaadh ah u joojiyeen hawlihii waxbarshada ee Jaamacada, kadib markii ay soo foodsaartay xaalada cakiran ee burburka u horseedi karta Jaamacada.

 

Bayaan Guddiga macalimiinta Jaamacadu soo saareen doraad Isniintii, ayaa waxa ay ku sheegeen in Jaamacada ay ka jiraan mushkilado salka ku haya Dastuurka Jaamacada kaas oo dhaliyey khilaaf soo jiitamay oo carqalad ku noqday geedi socodkii maamul iyo waxbarasho ee Jaamacada.

 

Gudiga macalimiintu bayaanka ay soo saareen oo faahfaahsan waxa ay ku sheegeen;

 

“Kadib markii aanu aragnay in ay Jaamacada la soo daristay xaalad xasaasi ah oo u horseedi karta in ay Jaamacadu burburto. Kadib markii aanu aragnay in ay Jaamacaddu yeelatay laba maamul oo is dhinac socda, taasoo bal marsan sharciga Jaamacadda. Kadib markii aanu aragnay in ay jiraan mushkilado xagga dastuurka Jaamacada ah, kuwaasi oo mudo soo jiitamayey, sida golaha Jaamacadda oo aan si cad u qeexin, isla markaana aan la garanayn tiradiisa saxda ah. Annnaga oo ah Guddida macalimiinta, isla markaana ogsoon in ay Jaamacaddu tahay hanti ay ummadu leedahay, waxa aanu go’aansanay in ay hawlaha waxbarasho ee Jaamacaddu ay si ku meel gaadh ah u istagaan, ilaa inta xal dastuurka Jaamacadda waafaqsan oo dan u ah jiritaanka Jaamacadda laga helayo ama laga gaadhayo”.

 

Gudoomiyaha guddiga macalimiinta Cabdirashiid Cabdiraxmaan X. Xasan oo Jamhuuriyo u waramay, waxa uu sheegay in waayadan dambe uu Jaamacadda ka jiray dareen xambaarsan ifafaale muujinaya mugdi ku soo fool leh mustaqbalkii Jaamacadda isaga oo sii faahfaahinayana waxa uu yidhi “Mudaba waxa jirey dareen soo jiitamayey kaas oo ah dhibaato ku soo socota Jaamacadda horseedina karta burbur, dhibaato oo ay ugu weyntahay liiska Golaha Jaamacadda oo iska horimanaya iyo shuruucda Jaamacada oo aan qeexneyn; tusaale ahaan liiska Golaha Jaamacadda mar waxa lagu sheegay 200 oo qof marna 30 qof”

 

Mr Cabdirashiid waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan ku noqotay in mushkiladahaas ay u sheegaan ardayda iyo dadweynaha sidaa daraadeed ayuu yidhi “Haddii aanu nahay macaliniinta waxaanu go’aansanay in aau hakino waxbarashada Jaamacada taas oo ay nagu waafaqeen ardayduna, inta xal kama dambaysa laga gaadhayo khilaafaadka soo dhexgalay maamulka Jaamacada”.

 

 



Jamhuuriya Online
Jaamacadda Hargeysa Oo Muran Iyo Khilaaf Soo Kala Dhex Gallay Maamulkeeda Awgeed Albaabada Loo Laabay

Hargeisa (Somaliland.org) Maamulka Jaamacadda Hargeysa gacanta ku haya iyo Gabadha Madaxa ka ah Guddida Jaamacadda Maamusha oo lagu magacaabo Foosiya Xaaji Daahir ayaa Muran iyo khilaaf soo kala dhex gallay salkana ku haya Maamulka dhaqaale ee Jaamacadda soo galla, wuxuu sababay in maalintii shallay albaabada loo xidhay dhammaanba Kuliyadaha iyo qaybaha ay jaamacaddu ka koobantahay.

 

Murankani ayaa wuxuu ka bilaabmay Sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan Maamulka Jaamacaddu ka dib markii Foosiya Xaaji Daahir oo ah gabadha Madaxa ka ah Guddida Jaamacadda Maamusha ay waraaq Qoraal ah usoo dirtay Chancellor ku xigeenka Jaamacadda Cabdi Haybe, Waraaqdaasi oo ay kaga codsanaysay in ay faraha ka qaadaan dhammaanba hanti dhawrka maaliyadeed ee Jaamacadda iyadoo ku sheegtay warqadda in Guddi ay u xilsaartay baadhitaan ku sameeya dhaqaalaha Jaamacadda iyo sida loo maamulo, waxaa kale oo ay waraaqdaasi ku sheegay Foosiya Xaaji Daahir in ay Magaca Jaamacadda ka bedeli doonto Magaca Hadda loo yaqaano oo ah Hargeisa University una bedeli doonto Magaca Aabaheed oo ahaa Aqoonyahan weyn oo Geyiga Somaliland laga yaqaanay magaca jaamacadduna noqon doono Xaaji Daahir University, balse waxaa waraaqdaasi iyo qoraalkii ku qora ee ay Foosiya soo qortay ku gacmo saydhay Cabdi Haybe oo ah Chancellor ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa wuxuuna ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn Qanuunka iyo xeerarka Jaamacadda u yaalla.

 

Taasi waxay sababtay in Foosiya Xaaji Daahir Ay adeegsato Ciidan, xoogna kaga saarto xafiisyadooda dhammaanba maamulayaasha gacanta ku hayey, waxaa taasi ay ka cadhaysiisay qaar ka tirsan Macalimiinta iyo ardayda wax ka barta Jaamacadda Hargeysa ka dib markii Foosiya Xaaji Daahir Ay afkeeda ka soo baxday kelmado ay ku sheeganayso Mulkiyadda ama lahaanshaha Jaamacadda laftigeeda oo ay tidhi jaamacadda aniga leh cid ila maamuli kartaana ma jirto.

 

Dhammaan kulliyadahii iyo qaybahii jaamacadda Hargeysa ayaa u xaniban hadda Murankani soo kala dhex gallay maamulka Jaamacadda Hargeysa, waxaana maalintii shallaytoole ahayd mar aan booqday Jaamacadda Hargeysa aan arkay iyadoo jaamacadda dhammaanba ay albaabadu u laabanyahiin, lama garan karo waxaa hadda sababay in jaamacaddu u xayiranto murankani maadama oo dhulka Jaamacaddu ku fadhiya yahay dhul dawladeed ahaanna jiray iskuulkii caanka ahaa ee 1st July, mar aan la kulmay Afhayeenka Guddida macalimiinta Jaamacadda Hargeysa Aadan Xaaji Cali Axmed ahna Dean ku xigeenka Kulliyadda sharciga ayaa wuxuu ii sheegay inaanay dhammaanba u kala caddayn cidda maamusha jaamacaddani, dhammaanba jaamacadda Hargeysa aanay lahayn wax sharci iyo qanuun ah, iyaguna ay noqon doonaan dhex iskuna dayayaan inay murankani khilaafkiisa dhameeyaan.

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG, HARGEISA.

Somaliland.org@gmail.com



Jamhuuriya Online

 

Gen, Cadde Muuse oo dadaal ugu jira sidii loogu sii deyn Lacag lagu haysto..

Gen, Cadde Muuse oo ah Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa wararka halkaasi naga soo gaaraya waxay sheegayaan in uu dadaal ugu jiro sidii lagu sii deyn lahaa lacag Shillin Soomaali ah oo abeen abuur ah oo ay qabatay Dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo lacagtaasi lagu eedeeyay in uu soo daabacday nin ganacsade ah oo ka soo jeeda Gobalada Puntland oo lagu magacaabo Siciid Daahir, balse iska fogeeyay in uu lacagtaasi soo daabacday waxaana uu Gen, Cadde Muuse uu kulamo la leeyahay Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Imaaraadka, waxaana uu Gen, Cadde Muuse u sheegay Dowladdaasi in lacagtaasi ay tahay lacag ay soo daabacatay Maamul Gobaleedkiisa, taas oo uu sheegay in mushaar ahaan loo sii doono ciidamada Booliiska iyo Shaqaalaha Dowladda. Wada hadalka uu la yeeshay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay in aan wax natiijo ah laga gaarin, waxaana la filayaa in uu mar kale la kulmo mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta, dhinaca kale Gen, Cadde Muuse waxa uu kulan kula yeeshay dalka Imaaraadka Carabta Boqorka Wadanka Brunia oo ay isla soo qaadeen sidii uu xiriir u dhex mari lahaa maamul Gobaleedka Puntland iyo dalkiisa, sidoo kale waxay isla soo qaadeen sidii ganacsatada reer Brunia ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen maamul Gobaleedka Puntland gaar ahaan dhinaca Kalluumeysiga iyo dhinaca Xoolaha, sidoo kale Gen, Cadde Muuse waxa uu kulan la yeeshay shirkad kuwa shidaalka qoda oo laga leeyahay wadanka Faransiiska, kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay shidaal uga baari lahaayeen maamul Gobaleedka Puntland.

Haweenay Soomaaliyeed oo ka mid noqotay Golaha wadatashiga ee Islaamka ee Talyaaniga ..

Iyadoo dhowrkii sanaba mar la doorto Golaha Wada tashiga ee Islaamka ee dalka Talyaaniga ayaa sanadkaan waxaa ka mid noqday Haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saynab Axmed Billaal.

Golahan oo uu guddoomiye u yahay Mario Sholoya oo horey u ahaan jiray Safiirka Talyaaniga u fadhiya wadanka Sucuudiga balse, halkaasi ku soo muslimay.

Golahaan oo ay ku jiraan dad u dhashay wadanka Talyaaniga ayaa waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo 7 ka mid ah ay tahay Carab, wuxuuna Golahaani ka shaqeyn doonaa sidii loo wanaaji lahaa xiriirka Islaamka iyo Dalka Talyaaniga, maadaama waqtiyadaan dambe ay soo baxeen in Islaamka lagu tilmaamo in uu yahay Argagixiso , Ereygaas oo dhibaato badan ka soo gaartay Musilimiin fara badan oo ku nool Qaaradda Yurub.

Golaha wada tashiga Islaamka ee Dalka Talyaaniga ayaa waxaa kalloo ka shaqeyn doonaa sidii uu u dhowri lahaa xaquuqda Muslimiinta dalka Talyaaniga ku nool, iyadoo waqtiyaadaan dambe ay sii kordheyso tirada Muslimiinta ee Wadanka Talyaaniga.   

Maxamuud Axmed Najaad oo mar kale gilgilay Wadamada Mareykanka iyo Yurub...

Maxamuud Axmed Najaad oo Dhawaan loo doortay Madaweynaha wadanka Iiraan ayaa haatan u muuqda nin iska dhicinaya wadamada Marey-kanka iyo Yurub kaddib markii ay ka soo yeereen hadalo aan horey looga baran hogaamiyaashii soo maray wadamada Islaamka iyo kuwa Carabta, kaasoo lagu dhaleeceynayo ama loogu hanjabayo dalka Israa’iil.

Axmed Najaad waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil laga tirtiro Khariidadda Adduunka, sidoo kale wax kama jiraan ka soo qaaday hadalada sheegaya in Naasigu uu xasuuqey dadaka Reer Israa’iil, blasé ay yihiin warar ay naga geliyeen Yurub iyo Mareykanka.

“Dadaalkii labaad waa la yaqaan ciddii uu dhex maray Israa’iilna waa la og yahay ina ahaayeen dad aan sidaasi loo aqoon, marka waa la yaab in maanta la yiraahdo waxaa la xasuuqey Israa’iil” ayuu yiri Axmed Najaad oo sheegay in Israa’iil haddii uu isku daydo dalkiisa uu iska difaaci doono isla markaana uu siin doono cashir lama ilaaban ah.

Axmed Najaad waxa uu noqday ni si aad ah ay haatan u hadalheyso saxaafadda adduunka, waxaana taa kuu caddeynaya markii uu ka qaybgalaya shirkii Islaamka uu soo galay gudaha shirka, markiiba waxaa ku soo caayay warbaahinta markaas ayay weydiiyeen su’aal ahayd, wax ma iska bedeleen hadaladaadii hanjabaadda ahayd ee Israa’iil?, Waxa uuna yiri  “Sidii ayuu u taagan yahay hadlkeygu, Israa’iil waa in laga tirtiraa Maabka Adduunka, waayo dhibaatada adduunka ka taagan maanta iyadaa ka mas’uul ka ah, gaar ahaan kuwa lagu hayo Islaamka” 

Xisbigii ugu horeeyay oo madaxbanaan oo looga dhawaaqey Jowhar..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd in Magaalada Jowhar oo xarun u ah qayb ka mid ah Dowladda ku meel gaar ah ayaa lagaga dhawaaqay xisbi madaxbanaan oo la sheegay in uu u dhaqdhaqaaqi doono dalka dulman oo xaquuqdooda lagu tuntay. Xisbigaan oo lagu magacaabo USPA ayaa waxaa guddoomiye u ah Shiikh Cumar Abuukar, waxaana xisbigaani lagu dhisay kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Culuma’u-diinka iyo Siyaasiyiinta Beesha Moobleen Cismaan.

Guddoomiyaha xisbiga Shiikh Cumar uu u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in sababaha loo aasaasay xisbigaan uu sheegay in ay tahay sidii uu u sooo celin lahaa xuquuqda ka maqan beesha, kaddib markii Beeshu aysan wax xildhibaano ah ama wax wasiiro ah aysan ka helin shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Kenya.

Shiikh Cumar waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in cid kasta ay ka mid noqon karto ururkaani uu sheegay in uu yahay mid u dhisan sidii loo raadi lahaa xaquuqaha ka maqan dalka dulman.

Dood ku saabsan qiimeynta xaaladda uu Dalka uu mareyo oo maanta ka dhacaysa ..

maanta yaa la filayaa in Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo dood ku saabsan qiimeynta xaaladda dalka uu marayo dhanka Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda iyo door khilaafka xukumaddu u leeyahay dhibaatada ka sii dareysa ee wadanka, waxaana doodaan soo qaban-qaabiyay Golaha Midnimada iyo Badbaada Soomaaliyeed.

Doodaan oo ay ka qaybgali doonaan Siyaasiyiin caan ka ah dalka, Culama’u-diin, Aqoonyahano iyo Waxgarad ayaa waxa uu socon doonaan hal maalin.

Max’ed Ibraahim Bilaal oo ah dhinaca warfaafinta u qaabilsan Golaha midnimada iyo baadbaada ayaa mar aan wareysanay waxa uu inoo sheegay in ujeedada loo qabtay doodada ay tahay sidii loo heli lahaa fikrado lagu xalin karo xaaladda dalka uu haatan marayo, gaar ahaan dhinaca Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Golaha midnimada iyo badbaada oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin, Culuam’u-diin iyo Waxgarad iyo waliba Aqoonyahano ayaa kal hore waxaa uu qabtay shir weyne looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, Soomaaliya Argagixiso ma ka jirtaa, mise waa arrin lagu daneysanayo dalkana lagu baabi’inayo iyo waa maxay xalka dhibaatada Soomaaliya?. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com