HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in ay xiriir wada sameeyeen isaga iyo Maxamed Dheere..

Shiikh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose ayaa sheegay in xiriir dhinaca isgaarsiinta ah uu dhex maray isaga iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere). Xiriirkaas ayuu sheegay Indha-Cadde in uu sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha Sh/dhexe Max’ed Dheere kaddib markii ay horey isku dhaafsadeen ereyo u badnaa hanjabaadyo, wuxuu sheegay Shiikh Yuusuf Indha-Cadde in uu diyaar u yahay in meel kasta uu kula kulmo ha noqoto Gobalka Sh/dhexe ama meelo kale oo dalka ka mid ah. Isku soo dhawaanshaha labada Guddoomiye Gobal ayaa waxay keeneysaa in ay soo gebagabowdo khilaaf mudo u dhexeeyay Yuusuf Indha-Cadde iyo Max’ed Dheere, sidoo kale waxay soo dedejineysaa in la soo afjaro khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka. Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxa uu beeniyay in uu xiriir dhinaca isgaarsiinta ah uu la yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, isagoo sheegay in uusan aqoonsaneynba Dowladda Federaalka. Dhinaca kale xiriir wada shaqeyn ah oo dhinaca badda ah ayaa waxaa wada yeeshay Isbahaysiga Dooxadda Jubba uu hogaamiyo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Shiikh Yuusuf Indha-Cadde xiriirkaas oo ah in ay si wada jir ah buracadda uga ilaaliyaan xeebaha, waxaana haatan Magaalada Marka ku soo jeeda Markab uu saaran yahay Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxadda Jubba Bare Hiiraale waxaana ku wehliya ciidamo la sheegay in loogu talagalay ilaalnta xeebaha u dhexeeya Marka iyo Kismaayo ee Gobalada J/hoose iyo Sh/hoose.    

Qoraalo fara badan oo gaaray Dowladda Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ..

Wararka naga soo gaaraya dalka Imaaraadka Carabta waxay sheegayaan in dowladda wadankaasi ay soo gaareen qoraalo fara badan oo ka kala yimid xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Ganacsato Soomaaliyeed oo iyana ku sugan dalka Imaaraadka, kuwaas oo ay Dowladda Imaaraadka kaga codsanayaan in ay xayirto ama ay gubto lacag shillin Soomaali ah oo been abuur ah oo dhawaan lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta, lacagtaas oo la sheegay in ay soo daabacatay Dowladda Federaalka una soo daabacay nin Ganacsato ah oo ka soo jeeda deegaanka Puntland.

Dowladda Imaaraakada Caraba ayaa la sheegay in ay si aad ah uga fiirsaneyso codsiyaa soo gaaray, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu gaaro dalkaasi si ay uaga wada hadlaan xaaladda lacagtaasi.

Dadka Soomaalida ah ee qoraalada gaarsiiyay Dowladda Imaaraadka ayaa waxa ay dowladda u sheegeen in haddii lacagtaasi ay gaarto gudaha dalka Soomaaliya ay keeni karto sicirbarar dhibaato ku noqon doonta bulshada danyarta ah oo iyagu horey ula daalaa dhacayay maareynta noloshooda.

Dowladda Federaalka garabka ku sugan Magaalada Jowhar weli kama aysan hadlin lacagtaasi in iyadu ay leedahay ama in ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Ninkaan ganacsada ah oo lagu magacaabo Siciid Daahir laguna tuhunsan yahay in uu soo daabacay lacagtaasi ayaa iska fogeeyay in uu lacagtaasi soo daabacay. 

C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda dalka Yemen..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan ka qaybgalay shirkii wadamada Islaamka ee lagu soo gebagabeeyay Magaalada Maka AL-Mukarama ayaa la filayaa in uu gaaro dalka Yemen kaddib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Dalka Yemen oo uu kulan kula yeeshay Magaalada Maka ee Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha oo kal horey tagay dalkaasi ayaa halkaasi ka soo helay hub iyo saanad Milatari oo Dowladda Yemen ay ugu talagashay Dowladda Federalka, gaar ahaan sugidda ammaanka guud ee dalka, waxaana la filayaa in mar kale uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf uu dowladda Yemen ka soo qaado hub iyo saanad oo lagu wado in mar kale laga soo dejiyo dekedda Magaalada Boosaaso.

Hubkii ka soo degay Dekedda Magaalada Boosaaso oo intiisa badan uu soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa loo qaybiyay maleeshiyooyin ku sugan xerada Kongo.

Mashruuc indha fiiqid ah oo la filayo in uu ka bilawdo Isbitaalka Al- Nuur  ..

Dhawaan ayaa la filayaa in Isbitaalka AL-Nuur ee Magaalada Muqdisho uu ka bilwodo mashruuc indha fiiqid ah oo ay si wada jir ah u fulin doonaan Takhaatiirta Isbitaalka Al-nuur iyo Takhaatiir ka socota Hay’adda ALBASAR ee dalka Sucuudi Carabiya, waxaana mashruucaan indha fiiqidda ah ayaa la filayaa in ay ka fa’iideystaan dad Soomaaliyeed oo iyagu la il daran xanuuno dhinaca indhaha ah.

Dr, C/risaaq Axmed Dalmar oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uusan mashruucaani ahayn kii ugu horeeyay ee uu fuliyay Isbitaalkaasi, waxa uuna sheegay in Isbitaalku uu horey u fuliyay mashruuc dhanka indhaha ah.

Waxaa kalloo uu sheegay in dadka indhaha loo fiiqi doono loo galin doono Baliisha indhaha oo ah nooc casri ah oo loo siticmaalo indhaha oo looga maarmay Ookilayaasha.

            Dr, C/risaaq oo ka qaybgalay labo shir bishaan iyo bishii ka horeysay kana kala dhacay Dalalka Baxreyn iyo Masar ayaa waxa uu sheegay in shirarkaasi la iskula soo qaaday sidii loo ciribtiri lahaa cudurada Indhaha oo uu sheegay in dad fara badan oo malaayiin ah ay la ildaran yihiin

Shirweynihii saddexaad ee Somali Social Forum oo dhawaan furmaya..  Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Saxafi2 ee Magaalada muqdisho shir jaraa’id ku qabtay xubno ay ka mid ahaayeen C/qaadir Khaliif Shiikh Yuusuf oo ah Guddoomiyaha madashada Bulshada Soomaaliyeed (Somali Social Forum) ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in 24-ka bishan Magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirweynihii saddexaad ee Somali Social Forum kaasoo ay ka qaybgali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka kala imaan doona Gobalada dalka. C/qaadir waxa uu sheegay in shirweynahaan lagu waday in lagu  qabto Magaalada Boosaaso, balsé loo soo wareejiyay Muqdisho, kaddib markii ay maamulka Gobaleedka Puntland ay sheegeen in aysan ogolaan karin kulan noocaas oo kale ah, oo dadka qaybgalaya ay ka imaanayaan gobalada Dalka, iyadoo aan loo soo gudbin liiska ka qaybgalayaasha, taas oo uu sheegay C/qaadir in ay ku adkaatay arrimihii lagu xiray.  C/qaadir Khaliif waxa uu sheegay in kulan ay isugu imaadeen u heelanayaasha bulshada rayidka ee Magaalada Boosaaso ayay waxay ka dalbadeen maamulka Gobaleedka Puntland in loo fasaxo shirkaasi, balse waa loo diiday, waxayna go’aansadeen in shirkaasi lagu qabto Magaalada Muqdisho.

            Shirkaan oo dhici doona 24 ilaa iyo 26-ka bishan ayaa C/qaadir Khaliif waxa uu sheegay in shirarkii hore ay bulshada rayidka ah wax weyn ka faa’iideysteen iyagoo is isku dhaafsaday fikrado la xiriira sidii shacabka looga saari lahaa faqriga, loo kobcin lahaa wax soo saarka IWM.

            Ciise Axmed Warsame ayaa isna shirkaas jaraa’id waxa uu faahfaahiyay sida loo ciribriti lahaa saboolnimada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga war qabaan ololaha la magacbaxay Global Call Of Action Against Poverty  oo ah olole caalami ah oo lagu ciribtirayo saboolnimada, kaas oo calaamad u ah Marada cad (White Band), wuxuuna sheegay in 1-dii luulyo 2005 la hirgaliyay marada cad ee koowaad taas oo lagu aadiyay shirweynihii wadamada G8 ay ku yeesheen dalka Scotland, si loogu cadaadiyo wax u qabashada wadamada saboolka ah.

            Maradii labaad waxaa la hirlgaliyay 10-kii bishii Sebtember ee sandkaan  waxaana lagu beegay shirweynihii madaxda Adduunka ee Qaramada Midoobey ee ka dhacay New York.

            Shalay oo ay taariikhdu ahayd 10-ka December waxaa iyana la hirgaliyay Marada cad ee saddexaad waxaana lagu beegay shirka Wasiirada ee World Trade Organization kaas oo lagu qaban doono Hong Kong.

            Mudane Ciise waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin in ay helaan dowlad ka badbaadisa dhibaatada iyo saboolnimada, isagoo sheegay in baaqoodu uu yahay (Ganacsigu wuxuu maalaayiin ka saari karaa saboolnimada)      

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

  • Maalinta Xaquuqda Aadanaha oo si weyn looga xusey Muqdisho..
  • Xuska munaasabada maalinta xaquuqul insaanka oo si weyn kismayo oga dhacaday  
  • Ka akhri halkan:::::

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com