WARARKA
MAANTA::: DEC 8, 2005
Xubno
ka tirsan Dowladda oo si weyn ugu canaantay Raiisul wasaare Geedi
Mushaar laa’anta .
Wararka
naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd ay kulan isugu yimaadeen xubnaha Dowladda ee halkaasi
ku sugan, waxaana shir- guddoominayay Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi, isagoo uga warbixiyay xubnaha Dowladda safarkiisii
wadanka Maali uu uga qaybgalay shirkii wadamada ku hadla afka
Faransiiska, wuxuuna sheegay in shirkaasi looga hadlay sidii looga
hortagi lahaa ama loo joojin lahaa Carruurta loo qoro dagaalada
isla markaana la galiyo dagaalada sokeeye, waxaa kalloo uu sheegay
in Dowladda Faransiiska ay balanqaaday in Dowladda ay ka gacan
siiso sidii tababar loogu furi lahaa ciidanka Booliiska isla
markaana dhallinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo loogu sameyn
lahaa. Intii ay socotay warbixintu ayaa qaar ka mid ah
Wasiirada waxa ay Ra’isul Wasaaraha ku cannaanteen sababaha
mushaar loogu la’ yahay Madaxda Dowlada, Shaqaalaha rayidka ah
iyo Ciidamada, iyagoo sheegay in la og yahay in Dowladda loogu
deeqay lacago fara badan. Waxay kalloo Wasiiradu ay ku cannaanteen
Ra’isul Wasaaraha sababaha loogu faahfaahin la’ yahay
heshiisyadii ay Dowladdu la gashay wadamada Kenya, Itoobiya
Midowga Yurub iyo shirkado shisheeye, hase yeeshee Maareeye oo la
hadlayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada Dowladda ay
yihiin kuwo u adeegaya Bulshada mana ahayn in waqtigaan ay
yiraahdaan, waxaan u baahan nahay mushaar, iyadoo la og yahay in
Dowladdu aysan lahayn ilo dhaqaale isla markaana aysan helin deeqo
rasmi ah. Ra’isul Wasaaruhu waxa uu soo dhaweeyay heshiiska la
filayo in dhawaan ay xubnaha Dowladdu isugu yimaadaan kaasoo lagu
wado in uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose.
Jinni
Boqor “Heshiiska lala galay Shirkadda Topcat waxaa laga yaabaa
in ay ku hoos duugan tahay..
Xildhibaan
Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) ayaa waxa uu ka hadlay
heshiiska ay Dowaladda Federaalka garabka Jowhar la gashay
shirakadda Topcat, wuxuuna sheegay in heshiiska lala galay
shirkadaan uu ka daran yahay midka lala galay Itoobiya, wuxuuna
intaasi ku daray “tababar aan ku koontaroolno ma ahayno baddeena,
waana Reera ba’ayoow yaa ku leh, baddeenunu waa Maroodi jabay oo
kale, oo cid kastaa ay iska billiqeysaneyso”.
Waxa
uu sheegay jiini Boqor in shirkaddaan ay tahay shirkad (waxa ay
tahay) si aad ah looga yaqaano Adduunka oo dhan, waxaana u
xalaaleeyay kooxda joogta Jowhar oo uu horseedka u yahay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuu sheegay Jinni Boqor
ilaalinteeda ka sokow waxaa laga yaabaa in ay ku soo hoos duugan
tahay sidii ay badda ugu shubi lahayd sun iyo waxyaabaha haraadiga
ah.
Mar
uu ka hadlayay heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Maamulka
Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid
sharci daro ah, maadaama Itoobiya ay heshiis la gashay gobal ka
mid ah Gobalada dalka.
Waxgarad
iyo Siyaasiyiin ka tirsan beelaha Sacad iyo Suleymaan ayaa sheeegay...
Iyadoo
maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo ka socdeen deegaano ka tirsan
gobalada dhexe ayaa haddana waxgaradka iyo siyaasiyiinta waxa ay
caddeeyeen in dagaaladaasi lagu soo beegay xili labada beelood ay
doonayaan ama ay ka dhab tahay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu
dhameeyo colaadda, iyagoo sheegay in ay ka dambeeyaan colaaddaasi
dad doonaya in aysan marnaba heshiin labada beelood.
Wasiirka
horumarinta Reer Miyaga Max’ed Maxamuud Guleed (Gacma Dheere) ayaa
waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in ay soo noq noqdaan
dagaalada u dhexeeya labada beelood, waxa uuna u soo jeediyay
waxgaradka labada beelood sidii loo dhameyn lahaa colaadda.
Iimaan
Xasan Jiirow oo ah Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa waxa uu sheegay
in shaqsiyaad ka tirsan labada beelood ay yihiin kuwo mar kasta
huriya colaadda labada beelood oo soo qaatay waxa uu ugu yeeray
khandaraaska colaadaha.
“Marka
labada beelood ay soo dhawaato heshiisiitooda maxaa keenay in dagaal
uu dhex maro” ayuu yiri Iimaan Xasan Jiirow oo sheegay in labada
beelood ay haatan ay u socdaan wada hadal la doonayo in lagu soo
afjaro colaadda mudada dheer socotay. Ugaaska Beesha Suleymaan Ugaas
C/llaahi ayaa waxa uu u soo jeediyay dhamaan qaybaha kala duwan ee
bulshada in ay u guntadaan sidii loo joojin lahaa coladahaasi oo
aysan wax faa’iido ah ugu jirin labada beelood khasaare mooyee.
Eng,
Cali Xasan “kooxaha ka qowleysata Badda waaxaa ka dambeeya kooxaha..
Iyadoo
maalmahan ay soo kordhayeen kooxaha ka qowleysata badda oo iyagu soo
afduuba Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kale ee badeecooyinka kala
duwan wada ee mara badweynta, ayaa arrintaasi waxaa halka ay salka
ku hayso waxaan wax ka weydiinay Eng, Cali Xasan Bulaale oo ka mid
ahaa shaqaalihii howlaha Maraakiibta isla markaana intii dagaalada
sokeeye socdeen la socday Maraakiibta uu gacanta ku hayo Eng, Muunye
Siciid Cumar ayaa waxa uu sheegay in kooxaha burcadda ah ay
mas’uul ka yihiin waxa uu ugu yeeray hogaamiyaasha siyaasadda.
“Burcadda
Badda waxay ka soo bilaabatay Gobalada Puntland, anigoo saaran
Markab ka mid ah maraakiibta Eng Muunye uu hayo ayaan nala soo
afduubtay muddo shan iyo tobadan cisho ayaa halkaasi nalagu haystay
oo nagula dhaqamayay si xun” ayuu yiri Eng, Cali Xasan oo sheegay
markii dambe lacagihii baadda ahaa ee laga qaaday markabaasi si toos
ah loogu wareejiyay mas’uuliyiintii markaasi Gobalada Puntland ka
talineysay, isagoo sheegay in kooxihii soo afduubtay oo la rabay in
lagu tilmaamo burcad badeed loogu yeeray Dhallinyarada ilaalisa
xeebaha.
“Waxaa
la yaab leh in Maraakiibta la soo afduubtay oo qaarkood si sharci
daro ah uga kalluumeysanay xeebaha Soomaaliya lana geeyay deegaanka
Xarardheere lagu tilmaamay burcad badeed halis ku ah xeebaha
Soomaaliya” ayuu yiri Eng, Cali Xasan oo sheegay in sida ay beriga
uga jirto burcaddu ay weligeed uga jirtay Badda, isagoo sheegay in
wixii afduub ah ee ka dhaca badda ay mas’uuliydeeda leeyihiin
kooxaha isku sheega siyaasadda oo iyagu soo adeejiya Dhallinyarada,
wuxuuna sheegay in arrinta burcadda badda looga hortagi karo iyadoo
la helo dowlad caadil ah oo si wanaagsan u ilaalisa xeebaha
Soomaaliya.
Shiikh
Aadan Madoobe oo sheegay in uu xoog ku muquuniin doonaan ..
Wararaka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool waxay
shegayaan in Wasiirka garsoorka ee Dowladda Federaalka Shiikh Aadan
Madoobe ayaa waxa uu 48 saacadood u qabtay kooxaha xoogga ku
qabsaday xaruntii haya’ddii GTZ ee Magaalada Xudur.
Shiikh Madoobe oo ay isku hayb yihiin kooxaha haysta xaruntaasi ayaa
waxa uu sheegay in haddii amarkiisa loo hogaansami waayo uu xooga
uga saari doono xaruntaasi.
Waxaa haatan socda waan waan la doonayo in looga saaro
maleeshiyadaasi xarunta hay’adda GTZ, waxaana dadaalkaani wada
Odoyaal iyo Waxgarad ka socda deegaankaasi.
Inta badan qalabkii yiilay hay’addaasi ayay kooxaha dableyda ahi
ka qaateen oo u badnaa Kumbuutaro.