HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland oo Dib Looga Celiyey Dalka Malaysia

Wafti uu horkacayo wasiirka ganacsiga Maamulka la baxay Somaliland mudane NUUX SH MUUSE DUCAALE ayna weheliyaan gudoomiyaha rugta ganacsiga Maamulka Somaliland mudane C/RAXMAN FARAX SUGAAL iyo mulkiilaha xawaalada DAHABSHIIL ayaa Axadii Dec 4 soo gaadhay caasimada Malaysia ee KUALA LUMPUR, balse waxaa Airporka soo dhaafiwaayay mudane NUUX SH MUUSE DUCAALE kadib markii loo diiday inuu Malaysia soo galo .

Masuuliyiinta Airporka Kuala Lumpur International Airoport ( KLIA ) ayaa sheegay in mudane NUUX SH MUUSE DUCAALE usan haysan wax casuumaad ah oo dawlada Malaysia u fidisay , taasina ay kareebayso in loola dhaqmo hab diblamaasiyadeed, balse wasiirku kuma uusan qancin arintaas, muran dheer kadib wasiirka waxaa lagu amray in ka laabto Malaysia , halka waftiga intii kale loo ogalaaday in ku soo galaan hab dalxiis ahaan .

ISHA::: admin@sssmalaysia.org

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cali Madoobe iyo wafdi uu hogaaminyo oo soo gaaray magaalada kismayo
 
Gen Ali Madobe
Gen. Cali Madoobe
Taliyaha ciidanka  booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed  Xasan "cali madoobe" iyo wefdi uu hogaaminayay  ayaa waxa uu Axadii Dec 4 ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo,abaare afartii iyo barkii barqo nimo ayadoo islamarkiiba u dhaqaaqay hotel ka mid ah hotalada waaweyn ee magaalada kismayo oo lagu magacabo hotel Marindian.

Ganeral cali madobe, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo dhowaanahayba hawlo kala duwan oo dib u habeynta iyo dib u dhisidda booliska Soomaaliyeed ku jiray isla markaasna isu soo maray waddamo kala duwan ayaa waxa uu ugu dambeyntii ka soo kicitimay magaalada Nayroobi ee waddanka Kenya halkasoo uu u joogay howlo shaqo oo ku saabsan ciidanka booliska oo uu jeneralku shegay in uu ku guulaystay howlahasi uu u joogay dalka kenya.

Waxa uu sheegay in uu Kismaayo u yimid hawlihiisii caadiga ahaa ee dhisidda booliska iyo in akadeemiya laga furayo magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in ay ka soo horreeyeen saraakiil sarsare oo boolis oo dhowaan tababar ku soo qaatay wadanka Uganda oo uga soo horreeyay magaalada Kismaayo ayadoo la filayo in dhamaan xubnahan ka socda booliiska somaliyeed ay howlahooda si rasmi ah oga bilaabi doonaan gobolkan.

Generaka ayaa markii uu yimid waxaa uu kulan ay albaabada u xiranyahiin la qaatay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FKMG barre aadan shire barre hiirale ayadoon aan laganayn waxa ay ka wada haleen labadan masuul waxaana uu jeneral cali madobe sheegay in uu magaalada  Kismaayo joogi doona muddada ay hawshiisa ugu dhammaan doonto sida uu sheegay, waxana la filayaa in uu berriba la kulmi doono saraakiisha ciidammada booliska oo iyagu tababarka ku soo qaatay wadanka Uganda ee jenraalka oga soo horeeyay magaalada kismayo.

Qore: cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com


C/llaahi Yuusuf oo kula dardaarmay xubnaha Baarlamaanka in aysan wax war ah siin karin Saxaafadda


Su’aalo ka Taagan Heshiis-badeedkii Soomaaliya & Topcat
Shirkadan oo heshiis laba sano ah oo $55 million la saxiixatay Soomaaliya ayaa waxaa laga qoray in... 
Guji...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirka dib u heshiisiinta ah ee la filayo in uu ka dhaco dhawaan Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose, waxaana kulankaasi shir gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof, Max’ed Cumar Dhalxa, iyadoo khudbaddii uu halkaasi ka jeediyay C/llaahi Yuusuf ay ahayd mid dardaaran u badan, maadaama Madaxweynu uu maanta u ambabaxayo Magaalada Maka Al-Mukarama ee dalka Sucuudiga oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda wadamada Islaamka oo furmaya 7-da bishan, waxa uuna Madaxweynuhu u soo jeediyay xubnaha  Baarlamaanka in ay la yimaadaan tanaasul iyo dabacsanaan si loo gaaro waxa uu ugu yeeray hadafka Dowladda Federaalka oo ah sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka, dibna loogu soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd caalamka. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in loo baahan yahay in xiriiro lala sameeyo xubnaha ku howlan isu soo dhawaanshaha xubnaha Dowladda. “Baryahaan waxaa badatay in Wasiirada iyo xubnaha Baarlamaanka iyadoon aysan ogeyn Dowladdu ay la hadlaan saxaafadda, hase yeeshee xubnaha Wasiiradu waxay leeyihiin afhayeen, halka xubnaha Baarlamaanka aysan lahayn wax afhayeen, taasoo keentay in xildhibaana kasta siduu doono uu u hadlo” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in afka Baarlmaanka uu ka hadli doono Guddoomiyaha Baarlamaanka haddii la waayana Guddoomiye ku xigeenka, xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdiso ayaa wxaa afhayeen u ah Cumar Xaashi Aadan oo isagu markii kulan la qabto warbixin kooban siiya Saxaafadda oo uu uga waramo wixii ka soo baxay kulamadii ay yeesheen.             

Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo looga digay in ay sameeyaan banaanbax

            Qoraal ay shalay soo saareen xubnaha maamulka Gobalka Baanadir ee uu soo magacaabay dhawaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxay sheegeen in aan wax banaanbax ah lagu qaban karin Gobalka Baanadir oo looga soo horjeedo Dowlada Talyaaniga.

            “Ma ahan Dowladaha in meel cidla ah laga xag xagto oo lagu dhaleeceeyo wax aan sal iyo raad toona lahayn” ayay ku yiraahdeen qoraalkooda, waxayna sheegeen in ciddii qaban qaabisa banaanbax looga soo hojreedo Dowladda Talyaaniga wixii dhibaato ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan ciddii soo abaabushay.

            Waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan hagaradaa-mada iyo shirqoolada ay wadaan xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdiso oo aan doooneyn in ay dhalato dowlada Soomaaliyeed.

            Xubanah Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxay shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen in la qaban qaabiyo banaanbax looga soo horjeedo Dowladda Talyaaniga maadama aysan dhex dhexaad ka ahayn arrimhaa Soomaaliya isla markaana ay faragelin ku sameysey arrimaha gudaha ee dalka, maadama ay ku dhawaaqday in ay dhamaatay dib u heshiisiintii Soomaaliya  

Xiisad ka taagan xarunta Gobalka Baanaadir

Waxaa Xiisadi ka taagan tahay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Degmada Xamar Weyne oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Xafiis u ahayd C/laahi Firimbi oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Banaadir  ee TNG-du u magacowday Gobolka xiliayadii dambe balse diiday in uu aqoonsado Gudoomiyaha cusub ee uu magacaabay Geeddi .

Firimbi oo safar dibada ugu maqnaa ayaa intii uu maqnaa waxaa Xaruntii saldhig ka dhigtay ku Xigeenada Cadde Gaabow ee kala ah Ugaas Cali iyo Dhagax-tuur waxaana markii uu C/laahi Firimbi soo laabtay loo diiday in  uu gudaha u galo Xarunta taas oo uu sheegay Firimbi in ay tahay arin boob ah waxa uuna intaas raaciyey in arintaasi ay keeni karto isku dhac dhibaato sababi karta hadii aan si deg deg ah wax looga qaban arintaas. Wali arintaan kama aysan hadlin ku Xigeenada Cadde Gaabow ee Firimbi uu ku eedeeyey inay u diba mareeyeen Xafiiskiisa intii uu ku maqnaa safarka howleed.

Ciidamo shalay ka gadooday xerada Kongo ee Degamada Jowhar

Maanlintii shalay aheyd ayaa ciidamadii ku xareysnaa xeradii Kongo ee duleedka magaalada Jowhar, waxaa ay sameeyeen gadood ay kaga cabanayaan dhibaatooyin ku heysta xeradaasi iyo iyagoo aan qaadan muddo afar bilood ah wax mushaar ah.

Ciidankan oo tiradooda ay gaareyso, 150-askari, ayaa si weyn waxaa looga dareemay magaalada Jowhar, iyadoo ciidankan xoogooda uu ka yimid gobalka Hiiraan, waxaana la sheegey in qaarkood ay lugeynayeen oo ay afka saareen dhinaca gobalka Hiiraan.

Ciidankan oo la damcey in lala hadlo ayaa diidey in lala sameeyo wax wada hadal ah, waxeyna sheegeen in ay xerada ku laaban doonaan haddii waxa ay ka cabanayaan wax laga bedelo.

Ciidankaani, oo la sheegey in ay istaajinayeen gawaarida u socota gobaladda dhexe ayaa qaarkood waxey horey u sii raaceen gawaaridaasi.

Xubnaha dowladda ee ka soo jeeda gobalka Hiiraan ayaa la sheegey in ciidamadaasi ay horey ugu gudbiyeen qoraalo ay ku muujinayaan cabashadooda hase yeeshee ma jirin wax dheg jalaq u siiyey. Ciidanka ku xareysan xerada Kongo ayaa la filayaa in loo qaado, magaalada Waajid ee Gobalka Bakool, halkaasi oo la sheegey in looga sameyn doono saldhig Milateri, hase yeeshee, waxaa ka soo hor jeeda dadka deegaanka oo sheegay in aan ciidamadaasi halkaas la keeni karin.

Bililiqo loo gaystay xaruntii Hay’adda GTZ ay ku lahayd Xudur ee Gobalka Bakool

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bakool waxay sheegayaan in bililiqo xoogan loo gaystay xaruntii Hay’adda GTZ ay ku lahayd Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool, waxaana bililiqadaasi gaystay koox dabley ahayd oo ku hubeysnayd labo gaari oo tikniko ah oo mid noociisu aahaa Zuu.

Xarunta ayaa laga qaatay Kumbuyuutaro isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwo yar yar, Moobeelada nooca loo yaqaano Toraaya iyo qalab kale, waxaana la sheegay in maleeshiyada wax bililiqeystay ay isku hayb yihiin wasiirka Garooska Shiikh Aadan Madoobe.

Shaqaalihii ku jiray hay’addaaasi ayaa lagu amaray in ay halkaasi isaga baxaan waxaana qaarkood loo duuliyay Magaalooyinka Waajid iyo Magaalada Nairobi.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababihii loo bililiqeystay xaruntaasi, warar ayaase waxay sheegayaan in lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay bililiqidaasi nin la sheegya in horey looga ruqseeyay hay’adaasi, waana mid inta badan hay’adaha ka howlgala dalka ku dhacda, mararka qaarkoodna isku bedesha gacan ka hadal iyo in ay dad waxyeelo ka soo gaarto.

Odoyaasha deegaanka ayaa ku howlan sidii dib loogu soo celin lahaa qalabkaasi, waxayna shalay iyo xalay kulamo la laahaayeen kooxaha dableyda ah ee weli gacanta ku haya xarunta hay’adad GTZ, iyadoo hay’addaan si weyn looga yaqaano gobalada K/Soomaaliya. 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta u ambabaxaya dalka

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi baalaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in uu maanta u amababaxo wadanka Sucuudi carabiya waxaana madaxwey-naha sii raaci doona 9 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka, waxa uuna madaxweynuhu ka qaybgali doonaan shirka 7-da bishan ka furmi doona Magaalada Maka Al-Kumarama oo ay isugu imaan doonaan Madaxweynayaasha Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in inta uu ka qaybgalayo shirkaasi uu khudbad ka jeedin doono, waxa uuna Dowladaha Islaamka ka codsan doonaa sidii gacan loo siin lahaa Dowlada Federaalka iyo waliba Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale inta uu joogo dalka Sucuudiga waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda ka soo qaybgaleysa kulankaasi oo la filayo in ay ka qaybgalaan ilaa iyo 53 hogaamiyaal ku jira ururka Islaamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 

 

 

 

 

 

 


 
 
 
 
 
 



 


 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter