WARARKII
maanta::: Dec 27, 2005
Kumanaan Reer
Guuraa ah oo Abaar Awgeed ka soo Hayaamay Gedo iyo W/Bari Kenya oo
kusoo Qulqulaya Dhoobley iyo Afmadoow
Cabdi khadar
Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com
| Kismaayo
Kumanaan xoolo
dhaqato oo reer guraa ah oo ka soo hayaamay deegano ay ka mid yahiin
gobolka Gedo iyo Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa soo buxdhaafshay
deegano hoosyimaada degamada Dhoobleey iyo Afmadoow ee gobolka
Jubbada Hoose kadib markii abaar baahsan ay ku habsatay halkii
markii hore deegaanka u ahayd oo ay ka idlaadeen baad iyo biyo ay ku
noolaadaan ayaga iyo xoolaha ay wataan .
Xoolo dhaqatadaan ka yimid gobolada gedo iyo
waqoyi bari Kenya ayaa sida lagu soo waramayo waxaa ay aad ula dalaa
dhacsanyahiin abaarta dabada dheeraatay ee haatan ku habsatay
goboladaas waxana ay shegeen in badiba xoolahoodii ay dhaafeen
taasina ay oga sii darnaatay nafsadoodi oo ay u wayeen nolol
fiican waxaana uu warku intaa ku darayaa in ay dadkaas ay halakeysay
abaarta aysan jirin ilaa iyo hada cid ama hey'ada isku taxaluujisay
in ay kaalmo gaarisiisay dadkaasi dhibaatadu haleeshay.
Gudoomiyha degmada dhoobley Xayir Barkhadle
ayaa waxaa uu u sheegay shabakada warbaahinta ee SomaliTalk.com mar
aanu la xariirnay in haatan ay bilowdeen in gaadiid lagu keeno
xoolaha nool ee ka badbaday abaarta ka jiray gobolada gedo kadib
markii xolahaa ay socodkii gabeen waxana uu gaduumiyha intaa ku
daray in haatan deeganadooda xataa ay gabaabsi ku sii noqonayaan
daaqa iyo biyaha taasina ay ugu wacantahay dadka xoolo dhaqatada ah
ee reer miyiga ah oo aad u soo buuxdhaafshay ayaga iyo xoolahooda
kadib markii ay u arkeen deeganadooda in xoogaa uun ay naruuro
dhaanto deeganada ay haatan ku soo qulqulayaan.
Hadaba abaaraha kulul ee haatan laga soo
sheegayo gobolka gedo ayaa waxaa ay saameyn ku yeeshay gobolada
dariska la ah ayadoo ay abaarahasi yahiin kuwo galaaftay dad badan
iyo duunyaba ayadoo dhimashadii ugu danbeysay oo abaartan ay
sababtay ay maalmo ka hor ka dhacday deegaanka ceelwaq ee ka tirsan
gobolka haatan ugu daran abaarta ee Gedo waxaana ku
dhinteen ilaa toboneyo qof kadib markii ay wayeen baad iyo biyo
toona.
Cumar
Xaashi Aadan “Dowladdu dhexdeeda kama jirin xil isku qabsasho ,
waxaana haatan kadib bilaaban doono in Cabdulaahi Yuusuf lagu
qabsado xilka.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Saxafi waxaa shir jaraa’id ku
qabatya xubnaha labada Gole ee dowladda, waxayna shirkaasi
jaraa’id xubnuhu u wakiisheen in uu hadlo Afhayeenka xubnaha
labada Gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan, wuxuuna shaaca ka
qaaday in dib u heshiisiintii xubnaha labada ay ku dhacday ceel
dheer, isagoo sheegay in ay ku rideen xubnaha Dowladda ee ku sugan
Jowhar, kaddib markii ay ka caga jiideen qabsoomidda shirkii dib u
heshiisiinta ee Kismaayo ee uu qabanqaabinayay Guddoomiyaha
ishabaysiga Dooxadda Jubba Barre Hiiraale. “waxaan sameenay
tanaasul kasta oo la isugu keeni karo xubnaha Dowladda, hase
yeeshee albaabkii dib u heshiisiinta waxaa xiray xubnaha Dowladda
eek u sugan Jowhar” ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in
xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ay weli diyaar u yihiin
in la dhameeyo khilaafka u dhexeeyay dowladda Federaalka.
“Dowladda dhexdeeda kama jirin is qabqabsi xilal, balse dhinaca
Jowhar waxay bilaabeen in ay xilkii ku qabsadaan Guddoomiyihii
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka qaybgalayay shirkii
Baarlamaanada Jaamacadda Carabta oo shalay ka furmay Magaalada
Qaahir, tanina waxay keeneysaa in sii wiiqanto isu soo
dhawaanshihii xubnaha Dowlada” ayuu yiri Cumar
Xaashi oo intaas ii raaciyay “Is qabqabsiga xilalka waxay
keeneysaa in iyana Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha lagu
qabsado xilalkooda” wuxuu sheegay in ay si dhaqsi leh u qaadi
doonaan talaabo oo uusan caddeeynin waxa ay noqon doonto, wuxuuna
ugu dambeyntii uu soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed in xubnaha ku
sugan Jowhar ay si bareer u hor istaageen in la dhameeyo khilaafka
Dowladda Federaalka.
C/llaahi
Yuusuf oo deg deg ku gaaray Magaalada Boosaaso ..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada
Jowhar isagoo hogaaminaya wafdi balaaran, waxayna isla shalay ka
degeen Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, halkaas oo ay ku soo
dhaweeyeen dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiina maamul
Gobaleedka Puntland.
C/llaahi
Yuusuf ayaa halkaasi ku sugnaan doona labo maalmood kaddibna waxa uu
u duuli doonaan Magaalada SANCA oo uu ka furmayo shirka iskaashiga
SANCA, waxaana ka qaybgalaya wadamo ay ka mid yihiin Yemen, Itoobiya
iyo Suudaan, iyadoo sanadkaan ay ka qaybgalayaan Soomaaliya, iyo
Jabuuti.
Ilaa
iyo hadda lama faahfaahin sababaha uu C/llaahi Yuusuf u gaaray
Boosaaso, iyadoo la og yahay in tobaadkii hore uu halkaasi kas
oo laabtay, warar ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne uu doonayo in
la dhameeyo khilaafyo yar yar oo u dhexeeyay maamul Gobaleedka
Puntland iyo sidii xiriir iskaashi u dhexmari lahaa dowladda
Federaalka iyo Maamul Gobaleedka Puntland.
Iska
hor imaad ka dhacay Degmada Xudur..
Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ee Gobalka Bakool waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaasi ay ka dhaceen iska hor
imaad u dhexeeyay labo kooxood oo maleeshiyo ah oo halkaasi kuwa
sugneyd, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay labo ruux dhowr
kalana way ku dhaawacmeen.
Iska hor imaadkaan lama faahfaahin sababihii uu bilowday, balse
warar ayaa waxay sheegayaan in uu la xiriiray aano Qabiil, kaddib
markii duleedka Magaalada Xudur lagu dilay nin maleeshiyo ah, warar
kale ayaa waxay sheegayaan in ay isku qabsadeen gaari uu horey muran
uga jiray, isku soo wada duuboo, Odoyaasha deegaanka ayaa ku
guuleystay in ay xabad joojin dhex dhigaan kooxihii
maleeshiyooyinkaa ahaa ee dagaalamayay.
Dagaalkaan waxa uu ku soo beegmay xili xubnaha Wasiirada ah ee ku
sugan Xudur ay isku diyaarinayaan kulan dhawaan ka furmaya deegaanka
Sarmaandheer iyo Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo haatan ku
sugan Baydhabo.
Mustafa
Mursal Max’ed “cid kasta ayaa garaneysa cidda Gudoomiyaha u ah
ururka DSA…
Gol.
Mustafa Mursal Max’ed oo ah Guddoomiyaha Ururka DSA (Digil
Salvation Army) ayaa si kulu u beeniyay qoraalo lagu qoray
saxaafadda oo ah, qoraalo ay shaqsiyaad ku sheeganayaan hogaanka
sare ee DSA, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad
toona lahayn oo la doonayo in lagu marin habaaiyo taageerayasha
ururka.
“Waxaa
taageerayaasha ururka ee ku sugan dalka gudihiisa io dibadiisa ku
wargelinayaa in arrintaasi ay ku kaceen shaqsiyaad dhallinyaro ah oo
uu hormuud u yahay C/qaadir Max’ed Nuur oo ku cusub siyaasadda”
ayuu yiri Col. Mustafa, kuwaas oo uu sheegay in aysan waxba kala
soconin siyaasadda dalka, arrntooda siyaasadeed iyo halgonkooduna ku
soo koobmay oo keliya in saxaafadda la siiyo war been ah.
Wuxuuna
ugu dambeyntii u soo jeediyay mas’uuliyiinta DSA ee Digil iyo
Mirifle ee ka dhiidhiyay heshiiskii ay gaaraan Max’ed Dheere iyo
Yuusuf Indha-Cadde taas oo ay u arkeen in uusan dan u ahayn shacab
weynaha Gobalka Sh/hoose iyo guud ahaan qoomiyadda Digil iyo Mirifle,
wuxuuna taageerayaasha Ururka DSA u soo jeediyay in aysan ku
wareerin wararka been abuurka ah ee ay faafinayaan shaqsiyaad doona
in ay iska hor keenaan Beelaha Digil iyo Mirifle.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka oo isagu ku fariistey Kursigii Golaha Baarlamaanada ..
Wararaka
naga soo gaaraya Magaalada Qaahira waxay sheegayaan in Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu isagu ku fariistay
kursigii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee shirka Baarlamaanada wadamada
Carabta oo ka furmay Magaalada Qaahira kaddib markii ay halkaasi
wada tageen labo wafdi oo ka kala socday Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliyeed oo ay kala hogaaminayeen Shariif Xasan iyo Max’ed
Cumar Dhalxa oo iyagu labadooba martiqaad ka wada helay ururka
Jaamacadda Carabta.
Muran
dheer iyo is qabqabsi kaddib ayaa waxaa kursigii Soomaaliya ku
fariistay Shariif Xasan Shiikh Aada, iyadoo Guddoomiye ku
xigeenkiina Dhalxa uu gadaal ka fariistay Gudoomiyaha, hase yeeshee
xubnihii ay kala hogaaminayeen ayaa laga joojiyay in ay ka
qaybgalaan kulankaasi, waxaana la filayaa in maalmaha so socda min
labo xubnood so xushaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo
Guddoomiye ku xigeenka Max’ed Cumar Dhalxa, si ay afartaas xubnood
ku matalaan Baarlamaanka guud ee Jaamacadda Carabtu yeelan doonto
kaas oo xarun u noqon doonto Magaalada Qaahira.
Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf oo martiqaad Ka helay Shiinaha …
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa martiqaad rasmi ah ka
helay Dowladda Shiinaha waxaana martiqaadkaasi soo gaarsiiyay
sariifka Shiinaha u fadhiya wadanka Kenya kaddib markii uu booqasho
ku tagay Magaalada Jowhar oo uu kulamo la yeeshay madaxda sare ee
Dowladda.
C/llaahi
Yuusuf ayaa la filayaa in booqashadiisu ay ku aadan tahay horaanta
sanadka cusub, iyadoo inta uu Shiinaha joogana uu heshiisyo la
saxiixan doono Dowlada Wadankaasi oo la xiriira dhinaca dhaqaalah
iyo Ganacsiga.
Maalintii
doraad ahayd ayaa sariifka Shiinaha ee dalka Kenya waxa uu Dowladda
Federaalka ku wareejiyay deeq lacageed oo gaareysa 100-Kun oo Doolar
oo dowladda Shiinuhu ugu talagashay dib u soo celinta adeegyadii
dowladda, sidoo kale Safiirku wuxuu ku dhawaaqay in Dowladda
Shiinuhu ay Soomaaliya ka cafisay lacagtii deynta ahayd oo ay ku
lahayd bar taas oo ay gaareysay 300-Milayn oo Doolar.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Wafdi ka socda
heyada samaflaka ee MSF SPAIN oo xaalada indho indheyn ah ku soo
gaaray magaalada jilib ee gobolka jubbada dhexe
Cabdi khadar
Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com
| Kismaayo
Wafdi ka socda
heyada MSF spain ayaa talaada Dec 27, 2005 soo gaaray magaalada
jilib ee gobolka jubbada dhexe kadib markii cosdi kaga yimid
masuuliyiinta deegaanka jilib ayado wafdigaas ay kulan saacado qatay
la yeesheen masuuliyiinta deeganka jilib waxaana ay markaa
ka wada hadaleen xaalado aad u daran oo haatan laga soo sheegayo
degaano hoos yimaada degmada jilib sida cudurada jadeecada iyo
waliba nafaqo dari ku habsatay dadka nugulka ah ee caruurta iyo
dumarka u badan.
Wafdigan oo dhowr
qof ahaa oo ayna labo ka mid ah cadaan ahaayeen
ayaa waxaa ay u kuur galayeen xaaladahaas deeganka ku soo kordhay
ayagoo markii horena ka soo kicitimay deeganka Hargeysa yareey ee
isla gobolka jubbada dhexe waxaan ay wafdigi saacado kadib ku
laabten isla deegaankii ay markii hore ka yimaadeen ayagoo
balan qaaday in ay wax muuqda ka qaban donaan xaalada liidata ee
haatan soo food saartay dhalaanka iyo haweenka deeganada hoos
yimaada degmada jilib .
Gudomiyaha
degmada jilib cabdulahi macalin aadan oo kulankaas ka qeyb galay
ayaa waxaa uu saxafada u sheegay in wafdigan soo gaaray
degmada jilib ay codsigooda ku yimaadeen kadib markii aanu aragnay
ayuu yiri xaalada caafimaad oo ay ku suganyahiin boqolaal caruur ah
oo ku sugan deegaano ka tirsan degmada jilib waxaana u intaa ku
daray gudoomiye cabdulahi in dadkaan ay haleeshey cudurada ay ka
midka yahiin jedeecada iyo macaluusha ay yahiin dad u badan caruur
iyo haween islamarkana aysan jirin wax daryeel ah oo ay haystaan
ayadoo haatana aysan jirin wax hey'ado samafaleed ah oo ku sugan
degmada jilib islamarkaana wax u qabanaya dadkaan liita .
Hadaba ma ahan
markii ugu horeysay oo qeylo dhaan tan la mid ah ka soo yeerto
dadyowga ku dhaqan qaar ka mid ah deegaanada gobolada jubbada dhexe
iyo jubbada hoose oo haatan dadka nugulka ah ee deegandaas ku dhaqan
ay haleeleyso cudurada ay ka midka yahiin jadeecada oo ayadu ugu
daran dhalaanka iyo waliba nafaqo dari baahsan oo saameysay hooyada
taasoo aysan jirin wax dawooyin ah oo lagula tacaalayo cudurada
asiibay dadkaan.
Cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com
| Kismaayo
Dahabshiil
“Waxaan doonayaa in ay noo dadaalaan Weliye’e”.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Abwaan
Axmed Nuur Ow-Maxamuud (Jirab) oo ah Awbaan qayb qaatay halgankii
xoriyadda, isla markaan aan wax daryeel ah ka helin Dowladihii isaga
dambeeyay dalka, ayaa dhawaan shirkadda Dahabshiil waxay Abwaanka
gudoonsiiyay xoogaa lacag ah isla markaana mushaar aan sidaasi u
buurneyn u qortay in ay bishii siiso. Wuxuu Abwaanku maalmaha soo
socda shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa gabey uu ugu magacdaray
(Waano Guud) oo meelo badan taabanaya. Abwaanku oo mahad gaar ah u
celinaya maamulka shirkadda Dahabshiil ayaa waxa uu mariyay Gabey uu
ugu magac daray (Waxaan doonayaa in ay noo dadaalaan weliye’e),
wuxuuna ku bilaabanaa gabaygasi sidatan:
-
Dahabshiil
Allow daa iyaga waa la door bidaye,
-
Dunidoo
dhan baa laga yaqaan daacadnimadooda,
-
Amaanada
kuwii daayaacaa laga didaayaa,
-
Shacabigey
daryeeleen ayaan ciddina diideyne,
-
Dadku
waxay u doorteenna waa daacad la hubaaye,
-
Naxariis
dulqaad lagu dariyo dano ku gaareene,
-
Hebel
baa wax loo soo diree doona magaciisa,
-
Dadku
waxay jecleysteen runtey ugu dadaalaane,
-
Istarliinku
waa dahab Ginigaa daawashada fiican,
-
Doorkiyo
la joogaaba waxbay kala dirayaane,
-
Deg
deg bay u gaarsiin meel la doonaba’e,
-
Doolar
iyo Yuurow iyo Riyaal daabaca lacageedka,
-
Dadka
waxay u qaybshaan wixii loogu soo diraye,
-
Dumar
iyo Ragguba waa hubaal in ay duceeyaane,
-
Dalkastoo
ay joogaan shacabkuu ku diirsadaye,
-
Dahabshiil
Ayuun buu qalqigu doonayaa weliye,
-
Dadweynaha
shaqada loo hayaa kamana daalaane,
-
Daa’in
waxaan baryaayaa in uu nabad u daayaaye,
-
Dowga
toosan iyo Kheyrka waan ugu duceynaaye,
-
In
ay noo dadaalaan ayaan doonayaa weliye.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com