WARARKII
maanta::: Dec 26, 2005
C/llaahi
Yuusuf oo 100-Fiiso ka soo helay Dowladda Sucuudiga
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dhawaan
ka qaybgalay shirkii Wadamada Islaamka ee lagu soo gebagabeeyay
Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarama ayaa mar uu la kulmay
Boqorka wadanka Sucuudiga Cabdalla ayaa waxay isla soo qaadeen
arrimo fara badan oo la xiriia sidii gacan loo siin lahaa Dowladda,
iyadoo dowladda Sucuudiga ballanqaaday in ay ka qaybqaadan doonto
dib u dhiskada dalka, ayna ka dhaadhicin doonto Wadamada Carabta
sidii taageero loo siin lahaa Dowladda Federaalka, hase yeeshee
wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu Dowladda Sucuudiga ka helay
100 Fiiso oo Dowladda Federaalka ugu talagashay gaara haan
gudashada waajibaadka xajka ee sandkaan, waxaana Magaalada Jowhar
ka socota qabanqaabada ama isku diyaarinta gudashada Xajka.
Dowladda Sucuudiga sanad kasta waxay Dowladaha Islaamka ah siisaa
Fiisayaal lacag la’aan ah oo ay ugu talagashay waajibaadka Xajka.
Wasiirada Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa Madaxweynaha
waxa ay u soo jeediyeen in Fiisayaashaas loo qaybsado qaab 4.5, oo
ku dhisan qaab qaybsigii shirkii dib u heshiisiinta ee Nairobi,
kuwo kalana waxay soo jeediyeen in Fiisayaashaas wax laga siiyo
xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana Magaalada
Muqdisho haatan ku sugan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta
Cumar Finish oo isagu dhawaan booqasho ku tagay wadanka Sucuudi
Carabiya oo ay ugu soo deeqday Kutubo Qur’aan oo loo qaybiyay
Masaajidada dalka. Xiligii Dowladdii Carta waxaa soo gaari jiray
Fiisayaal ay dowladda Sucuudiga ugu talagashay Dowladda gaar ahaan
Xildhibaanadeeda iyo Wasiiradeeda
Dowladda
Shiinaha oo daboolka ka qaadey in ay Safaarad ka furaneyso...
Waxaa
maalintii shalay ahayd degmada Jowhar soo gaaray wafdi ka socday
Wadanka Shiinaha oo uu hogaaminayay Sariifka Shiinaha u fadhiya
wadanka Kenya, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiiro
ka tirsan Dowladda Federaalka.
Wafdiga ayaa markiiba waxay kulan la yeesheen Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi oo ay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee u
dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi uu sheegay in Dowladda Shiinaha ay ka mid tahay
Dowladdaha in badan gacan siiyay Shacabka Soomaaliyeed
waxqabadkooduna uu weli muuqdo.
Safiirka oo
ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Shiinaha ay
aad u daneyneyso in sii xoojiso xiriirka Soo jireenka ah ee u
dhexeeyay labada shacab ee Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna
halkaasi ka caddeeyay in maalmaha soo socda ay safaarad ka furan
doonaan Magaalada Jowhar.
Dhawaan ayaa Dowladda Talyaaniga waxay shaaca ka qaaday in iyana ay
safaarad rasmi ah ka furan doonto Magaalada Jowahr, sidoo kalan
waxaa horey safaarad uga furtay Jaamacadda Carabta iyo Midowga
Afrika.
Maanta
oo ku beegan sanadguuradii koowaad Badgariirkii Tsunami..
Maantoo
kale ayay ahayd markii uu bad gariir dabaylo wata ay ka dhaceen
Gobalo ka tirsan Wadamo ku yaala Qaradda Eeshiya gaar ahaan kuwa ku
teedsan Badweynta Hindiya, waxaana bad-gariirkaasi ku geeryooday Nus
Milyan qof, waxaana ku guryo belay malaayiin qof oo kale.
Musiibadaan
oo loogu magacdaray Tsunami ayaa waxay dhacday 26/12/2004, wuxuuna
bad-gariirkaan ahaa kii ugu xumaa ee dhaca inta la og yahay adduunka,
iyadoo ay weli muuqdaan raadadkii uu reebay bad-gariirkaasi, sidoo
kale waxa uu baabi’iyay Magaalooyin fara badan oo ku yaala
Qaaradda Aasiya.
Bad-gariirkaan
ayaa waxa uu xitaa saameeyay Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Xaafuun
oo ay ku dhinteen dhowr qof ayna ku guryo beeleen dad aad u fara
badan, iyadoo sidoo kale Badda ay la tagtay kalluumeysato iyo Doonyo
ay wateen.
Meelihii
uu dhul gariirku horey ka dhacay ayaa xalay iyo saakayba ka qaxayay
dad aad u fara badan iyagoo ka fogaanayay goobaha ay Baddu ku
dhowdahay, waxaana Maanta goobihii uu ka dhacay bad-gariirkaasi ay
isugu soo bixi donaan Kumanaan kun oo dad ah oo tacsi u dhigi doona
dadkii ku geeryooday bad-gariirkaasi, iyadoo sanadkii hore Bad-gariirku
uu ku soo beegmay xili Dadka Kirishtaanka ahi ay ku xusayeen Ciidda
Kirismiska, waxaana xeebaha isugu soo baxay dad aad u fara badan oo
iyagu intooda badan ku dhintay bad-gariirkaasi.
Khubarada
saadaasha dabaysha ama Dhul-gariirada ayaa waxa ay sheegeen in ay
dhici karto in ay dabaylo kale ay dhacaan, waxayna uga digeen dadka
in ay ku dhowaadaan dhulka xeebaha.
Qarax
uu dad ku dhintay oo ka dhacay.Muqdisho..
Maalintii
shalay ahayd ayaa qarax aan la garaneyn halka uu ka yimid waxa uu ka
dhacay agagaarka Warshadda hore ee Caanaha, waxaana qaraxaasi ku
geeryooday ilaa iyo 6 ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Carruur
oo markaasi ka yimid Iskuul, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo a16
qofood.
Goobta
uu ka dhacay qaraxu ayaa ahayd goob ay ka dhisan yihin Guryo
Jiingado ah, isagoo baabi’iyay guryo fara badan, ilaa iyo hadda
lama sifeyn nooca uu ahaa qaraxahaasi, balse warar ayaa waxay
sheegayaan in uu ahaa Qoriga noociisu yahay 120MM oo ah Hoobiye,
warar kale ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa Bambo
goobtaasi la soo dhigay, sidoo kale dad kale ayaa waxay sheegeen in
uu ahaa Miinada dhulka.
Saraakiil
ku xeel dheer arrimaha qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxa ay
sheegeen in uu yahay Qori meel fog laga soo riday oo ah Hoobiye,
wuxuuna qaraxaani ku soo beegmay xili dagaalo ay ka soconayeen
Magaalada Muqdisho oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala
duwan, dagaaladaasi waxay istaageen shalay subaxdii intii uusan
dhici qaraxaan.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxakamadaynta 9 qof oo
ku eedeysan dilki marxuun guraage oo baaqatay
Waxaa
Axadii Dec 25 dib u dhac ku yimid oo aanan qabsoomin maxakamadeynta
sagaal qof oo ku eedeysan dilkii sargaalkii ka tirsanaa qaramada
midoobey ee lagu magacaabi jiray guraage ee dhawaan lagu dilay
magalada kismayo ayadoo baaqashada maxakamadeyntan ay sabab u tahay
habacsanaan soo kala dhex gashay maamulka iyo xeer ilaaliye yaasha
maxakamad magaalada kismayo .
Xeer
ilaaliyah guud ee maxakamada magaalada kismayo jaamac warsame ayaa
waxaa uu saxaafada u sheegay in baaqashada maxakamad soo taagida
ragaan eedeysanayaasha ay sababtay ayadoo aanan loo soo gudbin
dacwada ragaasi waxaana u intaasi ku daray xeer ilaaliyaha
maxakamada kismayo in hadii la soo dhameyestiri lahaa dacwada ragaan
eedeysanayaasha ah ay Axad Dec 25 qabsoomi laheyd dacwad qaadista
ragan.
Sagaalkan
qof ee ay ka baaqatay maxakamad soo taagida ee loo hayesto in ay wax
ka maleegeen falkii argagaxa badnaa ee loo gayestay sargaal dhinaca
amaanka ee gobolada jubbooyinka ugu qaabilsanaa heyada qaramada
midoobey ee UNDP ayaa waxa ay yahiin kuwo ay xabsi ku heyntoodu ay
sababtay in khilaaf weyn soo kala dheh galo madaxda sar sare ee
maamulka isbahaysiga dooxada jubba waxana haatan la filayaa in uu
dhamaado khilaafka maamulka isbahaysiga kala dhaxeeya Col. cabdi
cigaal oo ay isku hayb yahiin qaar ka mid ah ragaan ku eedeysan in
ay dilka marxuun guraage wax ka ogaayeen ayadoo maxakamad soo
taagida ragaan ay baaqaneyso markii afaraad .
Ma
ahan markii ugu horeysey oo ay baaqato ama uu dib u dhac ku yimaado
maxakamad soo taagida dad eedeysanayaal ah oo ku xir xiran xabsiyada
maamulka isbahaysgia doxada juba ayadoo taas loo eedeynayo wada
shaqeyn la aanta dhex taala maamulka kismayo ka arimiya iyo xeer
ilaaliye yaasha maxakamada magaalada kismayo
cabdi
khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26,
2005
War saxaafadeed ku wajahan
dagaalada ka dhacaya waqooyiga Muqdisho
Ururka dhalinyarada Mudulood ee
wadanka Denmarka ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada
Muqdisho in dagaalka ay ku joojiyaan si shuruud la'aan ah, isla
markaana ay heshiis gaaraan
Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen dhalinyardaasi oo ku
dhaqan Scandinevianka gaar ahaan magaalada Arhus ee wadanka Denmarka
ayaa waxa ay baaq nabadeed u jeediyeen beelaha walaalaha ah ee ku
dagaalamaya W/magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay in si shuruud
la'aan ah ay xabadda u joojiyaan.
Kulkankaas oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxa ay sheegeen xaaladda ka
jirta Boondheere iyo degaanada ku xeeran ay tahay mid cakiran loona
baahan yahay in odayaasha dhaqanka, culuma udiinka iyo waxgaradka ay
si deg deg ah u dhameeyaan khilaafaadka soo jiitamayay mudada dheer
oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.
ururka mideynta dhalinyarada beesha mudulood ee Scandinevianka waxa
uu xusuusinayaa walaalaha dagaalamaya in dagaalka wax faa'iido ah
aanu u laheyn shacabka Soomaaliyeed oo xabadu ay daashatay mudo 15
sano ah.
Nuqul ka mid ah qoraal saxaafadeed ururka dhalinyarada beesha
Mudulood uu soo gaarsiiyay xafiiska Shabelle ee magaalada Arhus ayaa
waxaa ugu dambeyntii loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya in dagaalka
ay joojiyaan.
waxaana ku saxiixnaa Nuqulkaasi Gudoomiyaha Ururuka Mideynta
Dhalinyarada Mudulood
Daa'uud Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cabdulaahi Cali abdullahi66@hotmail.com
telefoon 004586216998
Xuseen Madoobe xuska@hotmail.com
ama
Denmark