WARARKII
maanta::: Dec 22, 2005
Safaraadda Soomaaliya ee Pakistan oo
dhaqaatiir u dirtay gobollada uu aafeeyay dhulgariirkii Pakistan
Ahmed Ugaas | ahugaas@yahoo.com
| SomaliTalk | Pakistan
Sii-hayaha Saafaradda Soomaaliya ee
Pakistan, Mudane Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur, ayaa shaaca ka
qaaday in safaaraddu ay gacan ka geysatay sidii dhaqaatiir
Soomaaliyeed ay howlo mutadawacnimo ah uga qaban lahaayeen
gobollada uu halakeeyay dhulgariirkii Pakistan ku dhuftay bishii
October ee sanadkan.
Mudane Axmed wuxuu sheegay in
dhaqaatiirta howshan ku jirta ay tiradoodu gaareyso illaa 10
dhaqtar oo ku takhasusay daweynta cudurrada kala duwan iyo weliba
kuwo bartay cilmiga daawada. Dhaqaatiirtan ayaa ka howlgalay
degmooyin ay ka mid tahay Mansera oo ku taalla gobolka
Waqooyi-galbeed ee Pakistan, iyagoo halkaasi ka aasaasay rug
caafiimaad oo illaa iyo haatan lagu daweeyay bukaan aad u badan oo
la ildaran cudurro kala duwan.
Sii-hayaha safaardda oo ka hadlayay
muddada dhaqaatiirtan ay ka howlgalayeen deegaannadaas, ayaa
sheegay in haatan muddo bil ah laga joogo, iyadoo howsha ay
dhaqaatiirtaasi qabteena ay aad u soo dhoweeyeen dadweynaha
degmadaas iyo xukuumadda Paksitanba. Md. Axmed wuxuu intaasi
raaciyay in howshan uu kaalin libaax leh ka qaatay Md. Khaliif
Bile oo ah wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee dalka
Pakistan oo isagu ah nin Soomaali ah.
“Pakistan abaal weyn ayay ku
leedahay Soomaalida, waayo waxay ka mid tahay dalalka faro-ku-tiriska
ah ee gacanta u fidiyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca
waxbarashada, waxaana haatan wax ka barta ardey Soomaaliyeed oo ku
dhow illaa kun” ayuu yiri Sii-hayaha safaaradda oo intaasi
raaciyay “Inkastoo ay kaafiyeyn, haddana intani waa wixii ugu
badnaa ee aan awoodi karnay”.
Dhaqaatiirta howhsan ku jirta ayaa
waxay isugu jiraan kuwo Soomaaliya ka soo shaqeeyay oo ugu
horreeyo Dr. Yusuf oo mar soo noqday Hormuudka Kulliyadda
Caafimaadka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo dhaqaatiir wax
ku baratay dalka Pakistan.
Ardeyda Soomaaliyeed ayaa u
mahadceliyay Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya Md. Axmed C/raxmaan
iyo wakiilka WHO ee Pakistan Md. Khaliif Bile oo iyagu gacan ka
geystay sidii Soomaalidu ay uga mid noqon lahaayeen dalalka kala
duwan ee Pakistan u soo gurmaday kadib musiibadii dalkan ka dhacay
ee dhulgariirka.
Reer
Puntland oo taageero lacageed ugu deeqay Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali
Maxamed Geedi
W/D
Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Iyadoo
Maamul Goboleed Puntland ay booqasho ku joogaan Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raiisul
Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa dhawaan waxaa kulan isugu yimid
Madaxda Dowlada Federaalka iyo Isimada Putland , waxaa
kulankaas looga hadaley Xaalada Dalka iyo Halka ay Mareyso Dib u
heshiisinta Xubnaha Dowlada , kulankan oo qaatey Saacado ayaa
Isimadii Putland waxay Dowladd ku Canaanteen sii socosho la’aanta
Howlaha Dowlada iyo isu keenida Xubnaha Dowlada
Madaxweyne
Cabdulaahi oo ka Hadley kulankaas ayaa waxuu sheegay in dowladu ay
hayso Dhaqaale la’aan aad u baaxad weyn taas oo uu sheegay
in ay ragaadisey dib u heshisiinti Dowlada
Isimadii
halkaa ka hadley ayaa waxay yiraadeen “ Waxaan u maleyneyna in
Booqashdiina ay tahay sidii aad gacan uga heli layhdeen shacabka
Puntland ha iska tabar yaraade “ ayey yiraahdeen Isimadaas
oo Dolwladda ugu Deeqay lacag gaareysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo
Doolar oo ay sheegeen in ay ugu talagaleen in lagu dhaqaajiyo
dib u heshiisiinta Xubnaha Dowlada ee ku kala sugan
Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar waxaana lacagtaas bixiyey Beelaha
ay ka soo jeedaan Isimada.
Madaxweyne
Cabdulaahi Yuusuf oo ka Hadley gabagabadii kulankaas ayaa uga
mahadceliyey Isimada Puntland sida xilkasnimada leh ee ay
dusha ugu riteen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Dowlada
oo uu sheegey in uu keeney in caalamka uu ka sii jeesto arrimaha
soomaaliya
Sidoo
kale Cali Maxamed Geedi oo ka hadley kulankaas ayaa isna u
mahadceliyey Isimada Puntland oo uu ku tilmaamey dad daacad ka ah
isu soo dhawaanshaha xukuumadda , wuxuu sheegay in shacabka Putland
ay daacad ka tahay in dowladu ay ka miro dhaliso u
jeedooyinkii loo soo dhisey wuxuuna u soo jeediyey in ay
halkaa ka sii wadaan is garab istaaga Dowlada Federaalka.
Ra’iisul
Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo Garoowe Heshiis kula
saxiixanaya Shirkad Shidaal oo….
Wararka naga soo gaaraya maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaan
magaallada Garoowe waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Cali
Maxamed Geeddi iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland General
Cadde Muuse ay u ambabexeen magaallada Garoowe, halkaas oo la filayo
in ay kulammo kula yeeshaan madaxda Maamul Goboleedka Puntland.
Ujeeddooyinka uu Ra’iisul Wasaaruhu u tegayo magaallada Garoowe
ayaa lagu sheegay in ay tahay iyadoo halkaasi uu heshiis dhinaca
shidaalka ah la geli doono shirkad kuwa Shidaalka ah oo laga
leeyahay waddanka Australia.
Heshiiskan oo ka dhacaya xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa
waxaa horey magaallada Garoowe ugu sii sugnaa mas’uuliyiin ka
socotay shirkadda Shidaalka Waddanka Australia.
Haddii uu dhaco heshiiskan ayaa waxaa soo geba-geboobaya muran in
muddo ah jiitamayay oo u dhexeeyey dowladda Federal-ka iyo Maamul
Goboleedka Puntland, mar ayayna gaartay in maamul Goboleedka
Puntland uu Ra'iiusul Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu ku tilmaamay
inuusan wax shaqo ah ku lahayn haddii ay heshiis la galayaan Shirkad
Shidaalka soo saarta iyo haddii kale. Ra’iisul wasaare
Geeddi ayaa mar la wareystay waxa uu sheegay in loo baahan yahay in
maamul Goboleedyadu ay mar walba ka fiirsadaan heshiisyada ay la
galayaan shirkadaha waaweyn, waayo wuxuu sheegay in ay jiraan
shirkado ku shaqeeya wax is daba marin iyo khiyaanooyin.
Waftig
amadaxweyne C/Laahi Yuusuf oo uu weheligo Cadde Muuse ayaa Gaarey
Garoowe iyagoo boosaaso kag asoo baxay Gawaari, jidkana soo maray
iyadoo meel kasta oo ay istaagayeen si diiran loogu soo dhoweeyey.